05 September, 2009

Nuura Maxamed Cali oo Ka Tirsanayd Waryatv.com oo ku Geeriyootay Shil Gaadhi


INNAA LILAA WA INAA ILEYHI RAAJICUUN.

Nuura Maxamed Cali oo Ka Tirsanayd Waryatv.com oo ku Geeriyootay Shil Gaadhi

Degmada Sheekh (Somalilandpress)- Wer deg deg ah, alle ha naxariistee waxaa shil baabuur ku geeriyootay Weriye Nuura Max'ed Cali (Nura Happy), shilkaasi gaadhi oo ka dhacay nawaaxiga xarunta Telcom ee Degmada sheekh, kedib markii ay gaadhi nooca xamuulka qaadi is galeen gaadhigi ay saarnay Marxuumad Nuura Max'ed.

Dhamaan shaqaalaha Waryatv, Saraarnews, Goljano waxay halkan tacsi uga dirayaan qosykii iyo qaraabadii ay ka baxday Weriye Nura Max'ed Cali (Nuura Happy).

Taariikh Koobaan

Alle ha naxariistee nuura Max'ed cali waxay ka mid ahayd dhalin yarada magaalada burco ee horumarka gobolka iyo dalkaba aad ka u jeclaa.

Nuuri waxay ahayd rabi naxariistii jano ha ka waraabiye shaqsiyad aad ugu heelan baraarujinta dhaqanka iyo suugaanta, waxaanay ka mid ahayd aas-aasayaashi naadiga akhristayaasha ee hal-karaan readers-Club ee magaalada Burco.

Nuuri waxay wax barashadeedii dugsiga hoose dhexe ku soo qaatay magaalada Burco, halka ay waxbarashadeedii dugsiga sarena ku soo qaatay magaalada hargiesa gaar ahaan iskuulka sare ee Nuuradiin.

Weriye Nuura Maxa'ed Cali waxay jaamacada magaalada Burco ee Burao University ka waday qaybta Business-ka wakhti xaadirkan.
Nuuri Alle ha u naxariistee waxay ka mid ahayd shaqaalihii Haa'ayada CCS ee magaalada Burco, waxaanay ahayd shaqaalaha joogtada ah ee Haa'ayadaasi.

Sidoo Kale Weriye Nuura Max'ed Cali waxay ka mid ahayd Weriyayaasha iidacada Maqalka iyo muuqalka ah ee Waryatv.com, waxaana lagu xasuusan doonoo barnaamijyo badan oo ugu jira qolka kaydka ee idaacada Waryatv.

Taariikhda Weriye Nuura Max'ed Cali (Nuura Happy) iyada oo dhamays tiran ayaanu idiin soo gudbin doonaa akhristayaal.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilahi Raajicuun:

Bahda Somalilandpress, Qoreyaasha, Tifaftireyaasha iyo dhamaan hawl-wadeenada Shabakada Caalamiga ah ee Somalilandpress meel kasta oo ay ka joogaa Daafaha Caalamka Waxay Tacsi Tiiraanyo leh u Dirayaan Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii ay ka baxday, gaar ahaan Baxda Saxaafada ee ay ku abtirsan jirtay Marxuumad Nuura Maxamed Cali, waxaanaan Ilaahay uga baryaynaa inuu Naxariistiisa Bisha barakaysan ee Ramadaan Janatu Fardawza ugu deeqo.

Sidoo kale ayaa bahda SAMOTALIS tacsi u dirayaan ehel, asxaab, iyo qaarabada Marxuumad Nuura Maxamed Cali, iyana Alle uga baryaynaa dambi dhaaf iyo inuu naxariistiisa ka yeelo kuwa dhaxla Janatul Fardows. Aamiin.

Aamiin……………Aamiin…………….Aaamiin.

No comments: