26 September, 2009

Kursi-Ku-Dirirnimadii UDUB ee Muddo-Kordhinta Xeeladysan, oo beenowdey, Guurtida oo heshiikii 6da qodob ku ekeysiisey khilaafkii iyo 3da Mushkiladoo

Waa la iska hadlaa , looma hadlo ee ujeeddo laf iyo Dhuux leh oo dadweynaha u Cuntami karta ayaa loo hadlaa. Guurtidu Damiirkii hurdey way toosisay oo intaan garanayo, maanta go'aanka ay ka gaadhey , khilaafkii Dastuuriga ahaa ee ay ku saleysay 6da qodob ee Beesha Caalamku soo jeedisey ' letter of Understanding"kana lagaga wada saxeexay, saddexda Xisbi ee u Tartamaya jagada Hoggaanka Dalka.
Halkan waxa ku ku xallilmay khilaafkii , timaha layku martey ee Hogganka Dalka iyo Mucaaridka, waxase isla Goobtan innagu soo celin doona , haddii aan imika laga hawlgelin , si dhakhso ahna aan xal looga gaadhin , Saddex Muskiladood oo aan indhaha laga lalin karin, ahmiyad sarena ku leh sidii ay Doorasho uun lama doone eh, Mid xor ah oo Xalaal ahi ugu dhici lahayd. Saddexdan Mushkiladood oop kala ah:
Dastuurka Somaliland waxa uu qeexayaa in Dalkan Hay'adaha Siyaadaha Dawladda laga Hagayaa yihiin Saddex. Kuwaas oo kala ah: Hay'adda Fulinta(Madaxtooyada & Golaha wasarada) , Hay'adda Garsoorka (Maxkamadda Sare & Maxamadaha hoos yimaadda) , iyo Hay'adda Sharci-Dejinta ( Golaha Guurtida & Golaha Xildhibaannada). Haddaba iyada oo la soo wada arkey habdhaanka talogoosiga kelinnimo ee Maamulka Riyaale, Dastuur jebinta sida aan Shuruucda Waafaqsaneyn Hay'adda Garsoorka qaranka loogu hoos geeyey Maamul ahaan Madaxtooyadu, Waa mid Xaqsoor xor ah oo xalaal ah meeshaba ka saareysa oo Maxkamaddii Sare ee qaranka oo aan Xukunkeedu "Appeal" ama Racfaan lahayn, haddii Madaxtooyadu ay Maamuleyso, khilaaf ka yimaadda Doorashu , Garsoor Xor oo Xalaal ah heli maayo, Waana muqafalnimo in Doorasho sidan lagu galo , Maxkamaddii Sare ee qaranka oo u Afduuban Maamulka. Waa in Caddaaladda Madax-Bannaanidii ay cagajugleynta Maamulka kaga Madaxa Bannaaneyd ee Dastuuriga ahaa loo soo cesho, lagana hoos saaro Madaxtooyada Maamul ahaan, sida xaalku yahay imika!!
2. Guddiga Doorashooyinka oo Toddoba qof ah, haddii Doorsho Xor ah oo Xalaal ah la doonayo, waxa Caddaaladdu ku jirtaa in Xisbiyada loollamayaa Tiro dheelli-tiran ku wda leeyihiin Xubnaha Guddiga, nasiib-darro sida ay hadda u taallona , waa Guddi uu Maamulku iska leeyahay, waana ta keentay in Mashruucii Tiro-Koobka Cod-Bixiyuhu Su'aal galo, Doorashaduna dib ugu Dhacdo, illeyn waxay ahaayeen Guddi remote-Kontrol lagu Maamulo oo siyaasadda Maamulka ee Ku saleysneyd in aan Doorasho dhicin ee Xaalad abuur lagu jadiidisto Xilka'e ay laba Guddoomiye Guddiga Doorashada Qaranka iyo hal ku-Xigeen Guddoomiye Guddiga Doorasho isaga casilaan shaqada iyaga oo sida ay sheegeen xilkooda ka gudan waayey, faraha uu Madaxweynuhu sida joogtada ah ugula jiro Faraha shaqadooda!! Waa in la helo Guddi Dhexdhexaad ah oo awoodo siman oo aan lagu kala badneyn leh, laguna saleeyo dhexdhxaadnimo, taas oo ku imaneysa in Xisbiyadu Tiro Siman ku lahaadaan Guddidan ee Ratioda imika jirta ee 2:5 ka ahi aanay xaq ku ahayn Mucaaridka, waayo go'aannada Guddigan oo "Simple Majority ku Fulaya, Saddexda qof ee uu soo magacaabay Madaxweynuhu iyo labada ay Guurtidu soo Magacawdeyba waa shan Xubnood oo Maamulku wato, labada xubnood ee Mucaaridku haddii ay Diidaan iyo haddii ay yeelaan midna go'aannada Guddigan loogama baahna oo Majority Maamulku wuu ku haystaa, iyada oo aan Ciyaarta Siyaasadda lla bilaabinba, waase sidii Jiilanigii Awrka lagu kacsanayey oo joogitaankooda Goluhu, waa mid weji Dimuqraaddi ah lagu sameysanayo- Salaan aan niyad ahayn!!-
KULMIYE iyo UCID , waa laba Xisbi Mucaarid oo ha wada ahaadeen Mucaaride, haddana kala Dano iyo Barnaamijyoba ah. Marka Guddiga Doorashooyinka laga hadlayana , mid waliba danihiisa Gaarka ah leeyahay. Waxa ka haboon sidan imika Aadan yabaaleyska UDUB ee Guddigan dhaanta in Saddexda Xisbi ee ku loollamaya Hoggaanka Dalku, ay midba laba qof soo cayinto, ka Toddobaadna shakhsi ay Saddexda Xisbi isku raacaan Dhexdhexaadnimadiisa iyo Alle-ka-Baqadkiisa laga dhigo, waa haddii Guddi Doorasho qaran oo Xaq ah la doonayo ee aan Guddi Xisbi keliya la dooneyn!!
3. Booliska qaranku , waxay si aan shaki ku jirin u Muujiyeen inay yihiin Koox Xisbi Keliya oo u hubeysan hirgelinta Siyaasadaha Xisbigaas, marka aynu eegno, sida aan u meel deyidda lahayn ee Bannaan baxii Xisbiga Kulmiye ee sssssssilmiga ahaa , Dadweynaha sida Dastuurka waafaqsan u bannaan baxayey ee aan hubeysneyn loogala daaley Rasaasta iyo Tan dhimashada iyo dhaawacaba keentay ee lagaga cadheysnaa Golaha Xildhibaannada sida xorta ah ay Ummaddu u soo dooratey ee laga Qafishey Golahoodii dano Xisbi awgood!!. Booliska oo loo xil-saari jirey Amniga Goobaha Cod-bixeed iyo Sanaaduuqda Doorasho, maa daama loo adeegsadey Dano aan Dastuuri ahayn ee Siyaasadaha kursi ku Dirika ah ee UDUB ay Bulshada ku laayaan , kuna dhaawacaan, waxa si sahlan loogu adeegsan karaa in ay qoriga caaradii doorashada ku shubtaan, gaar ahaanna meelaha tuulooyinka ah ee Magaalooyinka ka baxsan!! Si haddaba Doorasho lagu kalsoonaan karo natiijooyinkeeda loo helo , waa in Booliska lagu Beddelo Ciidammada qaranka ee Damiirkoodu noolyahay, si ay ugala wareegaan Boliska xilka Amniga Goobaha Doorash iyo sanaaduqda Doorshaba.
4. Mushkiladda Bardaale oo aan la xallilinna , Gobollada Galbeedka wey adkaaneysaa sidii ay Doorasho Xor ahi ug dhici lahyd sababo ammaanka ah awgood!! Haddii aan la dooneyn khilaaf Doorasho oo joogto noqda waa in arrimahan xal loo helo inta aan Doorshada la gelin, haddii kale Madasan khilaafku h iska sii goglnaato, berriba weynu isugusoo noqonne !!
Dr. Cali Cabdi Muxumed


No comments: