Arbacadii, Sanamkii Nabadgelyada ayaa lagu quraacdey, Khamiistiina Madasha ayaa laysugu yimid!! Wasiirradii Sharku, Riyaale way u kala baxeen Bulshada!! Jinnaa Wasiirah!
Cimrigeedba soo jireenka taariikhda, Goobaha Kelitalisyadu ka dhextooseen, Jundida Sacabbisku way ka soo jirtey, dhawr wasiir oo haddaba Dalkan kula leexeysan jirey, Dab hurinta, Naar-afuufnimo, Madaxweynaha Dalkana labada dhegood ka lushey , wixii xaalad abuur iyo khilaaf Dastuuri ah Dalka ka dhacayna iyagu hormood ka ahaa, Maalintii khamiistii ee laysu Badheedhey, Jinnaa wasiir ah, intey yidhaahdeen , ayey Odeygii ay lug-gooyeen iyo Bulshada u kala baxeen!!
Ciidammadii Koofiyad Casta ee Teknikada ku Rusheyn jirtey , Bannaan baxyada Bulshadu iyana Markey Yaqiinsadeen , awopodda Bulsho ee Duljoogta, sidii Libaax koox yey ahi ku soo baxdey , ayey godkooda galeen!! Dhul-gariirkii khamiistii, waxa uu far-waaweyn Dhulka ugu qorey, Maamulkii Ma dhegeyste, Xaqiiqo uu garwaaqsadey oo ah inay Bulshadu tahay ta xambaarsan Haybadda qarannimo!!
Waxa ay haddaba , xikmadda kacdoonka Bulshadu ku saleysan tahay, xikmadda ah qaran , waa adeegyo iyo Xil-Gudasho, kuwaas oo aqoon, waayo-aragnimo iyo aragti dhiirran oo Hoggaan adag ku hirgala. Marnaba arrintu maaha jaamac beddel oo Warsame ku beddel ee waxa weeye , Shakhsiga hoggaan Dal loo dhiibo, in uu yahay Adeege Hoggaan oo ay ummaddu waxqabad iyo Aragtiyo Siyaasadeed, Dhaqaale, Bulsho iyo Maamulba ee Muddada dhaw iyo tan dheerba laga dheehan karo leh!! In aanay Ummaddu Riyaale Dulmeyn , Bal ha sheego Wasaradiisa 58ka ahi wax ay Ummadda u qabatey, waxay yeeleen mooyaane!! Dalka maxaa loo qabtey, wixii Hanti iyo khayraad loogu yimid oo ay sidii ayax ay dubatey ay ku degeen mooyaane!!?
Maamulkan sii socda waa in Tusaal looga dhigo, Maamullada soo socda si aanay ugu xad gudbin Hantida qaranka, Xuquuqaha Muwaadinka, Saxaafadda, Bani-aadminimada, Dastuurka iyo Shuruucaha Dalka oo lagula xisaabtamo, Fal-dembiyeed kasta oo ay galeen, haddii kale , kuwa beddelaane Dallo ayey ka dhigan doonaan oo Halkaas ayey ka sii socon ayaamaha madoobi !! Waxa aynu leenahay Dhakhaatiir aad loo mahadshey, Maamul xumo Caafimaadna, Daawadii sida Bariiska iyo Sonkorta dukaannada looga iibsado ayaa looga iibshaa Dalka!! Dadka soo dejiyaa , maaha dad aqoon Daawo u leh, Habka loo iibiyaa ma waafaqsana Ethicska Meheradda, Maamulku iskuma hawlin in uu Dhakhaatiirta wax ay kaga maarmaan , Bukaan –socod –Eegta gaarka ah ay Mushahar u siiyaan si ay shaqo tayo iyo Dabagalba leh ugu fidiyaan kuwa Dawladda Cisbitaalladeed ama Bukaan –Socod-Eegtoodaba.
Aduunka 50ka sano ee soo socda , waxa laysku gumeysan doonaa Biyo iyo Wax la Cuno. Dalka aynu leenahay, dhul-beereedkiisa 10% kama beerra, Dooxyahada Biyaha Durdurka ah ee gu iyo Jilaalba iska socda ee Gobollada Awdal, Saaxil iyo Sanaagba , dhawr iyo toban way noqonayaan, kuwaas oo nasiib darro , Badda ku dara Biyaha aad maqasheen Xoolo, Duur-Joog iyo dadba waa loo dhibaatoodaa!! Dalku Injineerro Beereed iyo qaar dhisme oo sameeya Biyo-Xidheenno wuu leeyahay ku filan , waxaanse hoggaankii Dawladda haabkiisaba ku jirin, luqun Madaxeeda dhaafta , lama arag!!
Somaliland, Baahiyaha Hoggaamiye Siyaasadeed, waxa u dheer Baahiyaha ay u qabto Xooggeda dhallin-yaro , dhabtiina ah Hantida keliya ee Dal isku hubo oo ilaa imika aan loo Diyaarin ,habkii Dawladi lahaan jirtey ee Jaangoynta Xoogga Dihin ee Bulshadeeda ay kaga haqabtiri lahayd, baahiyaha dalka ee dhaw/fog , Buuxinta jagooyinka Hay'adaha qaranku u baahan yihiin imika , hadhaw u baahanayaan, Mustaqbalka fogna loogu sii talo galo, iyada oo isha lagu hayo isbeddellada hadba ku soo kordha caalamka xaq aqooneed , Farsamo, Ciyaaro, Suugaan/dhaqan, Siyaasad, dhaqaale, iwm.
Qoladan haddaba Gidaarkii isticmaarku aflaamta ku dhigi jirey lagu jeedinayo, Maskaxdana lagaga maydhi jirey Ummadaha, si aanay u ogaan waxa Dalkooda ka socda iyo waxa lala damcay oo ay imika ka diiqan kuwii siyaasadahn soo saarey laftoodu, weli daawanaya , ee Xisbi iyo hel u rogey Qarannimadii kumannaanku u shaiideen, isku Bas in aynaan saarneyn ha ogaadaan. Waxa laga talinayaa maaha Dano Xisbiyo, Xildhibaannimadu maaha , inaad Golaha ummaddu kuu igmatey si aad Sharci-Dejinta Dalka uga qayb qaadato , inaad Xisbi u joogto Mooddo!! Madaxnimadu maaha inaad Cashuurta Ummaddu soo dhiibato hanti shakhsiya oo aan marin hay'adda sharci ahaan inay ku xerooto ay tahay ee Bangiga qaranka!! Wasiirnimada aanad wasiirow, adigu xilka iyo Mas'uuliyadda Wasaaradda aad Madaxa ka tahay aanad lahayn ee nin wax loo yeedhiyo aad tahay, maaha wasiirnimo, Dawlad aan qorshe-qarameed Muddeysan lahaynina, maaha mid jirta ee waa Budhcad Maamul!!
Maamulkanu, muxuu u akhrisan la'yahay Buuggiisa ee uu sidii muqawadiintii jaadka, T/Vga uu leeyhay ee Madaxtooyda laga maamulo uu uga duryamayaa, ugana eedeynayaa , Muwaadiniin aanu meydkooda la maqaam ahayn iyaga oo nool iska daayoo!! Muxuu ummadda ugu soo bandhigi la'yahay waxqabadkiisa oo qoraal ah ee caroogga uga addimayaa!!? Somaliland uma baahna Hadal dibirada xaaraanta layskaga dejiyo ee waxqabad Muujiya Dawladnimada, Maamul uu Muwaadinku ku ledi karo waxqabadkiisa, caddaaladdiisa , shaqo-abuurkiisa ayaa loo baahan yahay, kaas oo aan marnaba , Maamulkan manta talada hayaa , lahayn aqoonteeda!! Is-beddelku sida uu xaq u yahay , akhrituhu in uu fahmo weeye ee aanu Caadifad meel ugu dhegin.
Saradaan qabiil ka xumi ma jiro, Ilaahay Ummaddan ha ka Daweeyo'e, Waxa ummaddan halkan dhigeyna weeye, ilaa Odey-Dhaqameedyadii ay Beddeleen Creteriyadii Shaqaaleynta oo ay iyagu Meeleyntii shaqaalaha Dawladda Gacanta ku qabteen, Waxa inoo shaqeynayaa waa dadkii salaadiinta iyo Cuqaashu meeleysey ee maaha quality ku yimid tartan aqooneed, waana in la haadiyo kuwa imika jog oo intii shaandhada dhaafta lgala baxo, kuwa cusubna la haadsho oo la dhilo, isha iyo saxarkana laga guro. XCisbiyada Mucaaridka ah, waxa saran waajibka dhisme ee Dawlad aqooneed , tayo iyo waxqabad leh oo soo celisa haybaddii iyo karaamadioi Dalkan, haddii kale , Waxba kama duwaananayaan , kuwan sii dabeyshanaya. Waxaan Xusuusinayaa Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka in farsamada imika hortaal ee Jagooyinka Goorgoortanka Beeleysan ku baxay aanay ahayn waxa aynu dooneynno!! Waqtigeeda iyo Saacaddeeda, caqli in aad ku shaqeyn doontaan ayaanu ku rajo weynahay!!
Dr. Cali Cabdi Muxumed.
|
No comments:
Post a Comment