12 September, 2009

Hargeysa 2 ayaa dhimatay 7-na waa dhaawac

Hargeysa 2 ayaa dhimatay 7-na waa dhaawac

Maanta magaalada hargeysa waxaa ku dhintay laba ruux, ka dib markii ay booliisku rasaas ku dureen dad muddaaharaadayay oo taageersan mucaaradka.
Booliisku waxay sheegeen in marka hore iyaga lagu soo tuuray bambaano nooca F1 loo yaqaan ah, isla markaasna la soo rasaaseeyay iyada oo la isticmaalayo batsoolado.

Waxaa la xaqiijiyay in iska hor imaadka ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 7 qof oo 3 ka mid ahi ay boliis yihiin.

Rabshadan ayaa dhacday ka dib markii dad badani isu soo baxeen iyaga oo aan oggolaasho u haysan bannaanbax, iyaga oo doonayay, sida la sheegay, in ay tagaan baarlamaanka.

Rabshadani waxay ka dhacday meel ku dhow isbitaalka Guud ee Hargeysa, inkasta oo ay ka dib ku faaftay degaanno kale oo u dhow dhow.

Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku tilmaamay nasiib darro waxa ka dhacay haregysa.

Madaxweynaha oo u warramayay BBC, wuxuu ku eedeeyay in shirguddoonka baarlamaanka iyo xisbiga mucaaradka ahee ee Kulmiye ay iyagu ka dambeeyeen rabshada.

Wuxuu ku baaqay in khilaafka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, uu sheegay in ay dowladdiisu diyaar u tahay.

Laakiin, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa BBC u sheegay in aanay suurta galeyn in wadahadal la isugu yimaado inta ay dowladdu ku soo noqoneyso ayuu yiri "dhowridda sharciga".

Wuxuuna mar kale ku baaqay in loo baahan yahay in la sameeyo dowlad ku sinta dalka inta doorasho la qabanayo

BBC SOMALI

No comments: