05 September, 2009

Golaha Guurtida oo maanta la horgeeyay go’aan talo-bixin ah

Golaha Guurtida oo maanta la horgeeyay go'aan talo-bixin ah

Fadhigii Golaha oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golahaa Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waxa madasha fadhiyay 58 Mudane, waxa ogolaaday 55 Mudane, cid diiday may jirin, waxa ka aamusay laba Xildhibaan Guddoomiyuhuna muu codayn.

Go'aankaasi goluhu ansixiyay wuxuu u qornaa sidan:

"Gudi ahaan markii aanu derisnay dood iyo falanqayn badana ka yeelanay habkii iyo qaabkii loo wajihi lahaa muranka jira, dalkana looga samato bixin lahaa khal-khalka jira iyadoo ay muhiimadu tahay in goluhu dhex-dhexaad noqdo, waxaanu soo jeedinaynaa gudi ahaan qodabadan:-

1-Waxanu mar labaad ayidaynaa go'aankii golahu ansixiyey, dhex-dhexaadna noqono sida ku cad go'aanka lamarkiisu yahay GG/JSL/Go'aan-04/08/2008 kuna tariikhaysan 18/08/2009 ee Ka koobnaa 7 qodob.

2-Si dhexdhexaadnimada golaha Guurtidu u xaqiijisanto waa in aan xubnaha goluhu kamid noqon xisbiyada siyaasiga ee qaranka.

3-In Goluhu isagoo dhinaca maslaxada guud ka eegaya, wuxu ansixinaya wixii xal ah ee ay kusoo heshiiyaan saddexda xisbi qaran ee lagu soo afjarayo muranka siyaasiga ee dalka ka taagan. Haddii ay ku heshiin waayaan Goluhu wuxuu ku hawl-gelayaa Wajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Sidaa darteed marka qodobada kor ku xusan la helo ayaa goluhu u gudbi karaa wajihi karaana wixii khilaafaad ah ee jira, doorkiisana ka qaadan karaa.

Magacyada Mudanayasha.

1. Mudane Axmed Dirir Cali

2. Cabdirxamaan Axmed Aaraye.

3. Cabdilaahi Ibraahin Xirsi

4. X. cabdirkariim xuseen yusuf

5. Maxamed Jamac Abokor

6. Muxumed Aw. Axmed X. Aaden

7. Cabdisalaan Maxamed Siciid

8. Aadan Shire Faarax

9. Cabdiqaadi Aw. Xuseen Mire

10. Axmed Muuse Obsiiye

11. Sahal Iidle Dirir

12. Cabdiqaadir Maxamed Xasan

13. Jamac Faarax Axmed

14. Nuur Riyaale Kheyre

15. Sh. Maxamuud Xirsi faarax

16. Xirsi ciise jaamac

17. Yusuf Cabdilaahi Cawaale

18. C/raxmaan Sh. Yusuf Sh. Madar

19. C/rashiid Sh. Cabdilaahi Aaden.

20. Maxamed Maxamuud Yasin

21. Saleebaan Garas Seed

22. Axmed Daahir Jirde

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.org


No comments: