13 September, 2009

DHANXIIR IYO DILKII MUWAADINIINTA

Dhanxiir, Mudaraadkii shalay iyo Wareysigii Rayaale
Inaalilaahi wa inaalilaahi Raajicuun, Alla ha u naxariistu dadkii xoriyad u dirirka ku geeriyooda, inta dhaawaca ahna Illaahay ha caafiyo, rajiimkasta oo shacbigiisa rasaas u adeegsada waxay astaan u tahay calankiisa oo sii dhacaya, kacdoonkii shalay ee shacabkuna waxa uu ahaa cadho ka kacday kelitalisnimo soo bidhaamaysa, cidii caqli lihina waa u cibro.

Weger; Adeer; ninka dadkii mudaharaadayey tuug ku sheegay caqli ka dheer, waxaan xasuustay markii Siyaad Bare dadka ku xasuuqay karoonka kubada cagta Hargeysa ee ay hadana yidhaahdeen dadku jacaylkii madaxweynaha dartii bay isku jiidhjiidheen, tallow ma dadkii oo dhan baa tuug ula eekaaday.

No comments: