25 September, 2009

Dhanxiir, Guurtida, Rayaale iyo Shacbiga Somaliland

Dhanxiir, Guurtida, Rayaale iyo Shacbiga Somaliland

Maansha Allaah, Alleylehe, waa kuwaa maanta xisbiyadii mucaaridku ka farxiyey ummaddii, kol haday ku dhawaaqeen inay dhisi doonaan dawlad dalka badbaadisa, hadii Guurtidu Ina Rayaale saliga u sii fidiyaan, eesh calaa rag dheh, beri horaba haddii intaasi afkooda ka soo bixi lahayd diirtan xoolihii qaranka feenatay inamay sii horjoogteen.

Weger; Adeer, qolooyinka mucaaridka ah arrinkoodu waa iska ooraydhe, waxaas oo dhan waxa biiyey boqol jiro khaatumo xumaysi ku dhamaysanaya cimrigoodii oo rabi iyo ragtoona ka cabsoonayn kafan laaluush ahna degta ku wada sita, Allaah sharafta ka qaad dhuuni bay dalkii waydaarsadeen, Aw Rayaalahan kibir sanka taagayana yaa u sheega inay dhaaftay doorkii midho daray ah duuduub lagu liqi jiray

Jamhuuriya Online

No comments: