Golaha Wakiilada Somaliland oo gacmaha la iskula tagay
Mudanayaasha, ayaa waxaa la taliyaha dhinaca sharciga ee golaha, wuxuu soo hordhigay qaabka mudanayaasha u gudo gali karaan laba qodob oo laga doodayo oo kala ah:
Maamuus ka xayuubin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka iyo xil ka qaadista shir gudoonka golaha wakiilada, ayaa ahaa labada qodob ee ay mudanayaashu ka doodi lahaayeen, kuwaas oo dhinacyadu kala wateen, balse qaabkii loo guda gali lahaa, ayaa la isku waafaqi waayay.
Xildhibaanada taageersan xukuumada ayaa ka biyo diiday qaabka la taliyaha sharciga uu u soo gudbiyay xil ka qaadista shir gudoonka wakiilada.
Fadhigii ayaa xirmay, waxaana soo galay madasha boliis iyagoo markii danbana la wareegay boliiska furayaashii hoolka iyo kuwii xafiisyada xogheynta golaha
Warbixin Wariye Ahmed Saciid Cige
Weriyaha BBC-da ee Hargeisa Axmed Siciid Cige, oo joogay madasha shirka markii uu buuqu dhacayay ayaa Siciid Cali Muuse uga waramay wixii uu arkay.
Guddoomiyaha golaha wakiilada
Markaa kadib, ayaa Weriye Axmed Siciid Cige uu xafiiskiisa uu ugu tagay guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
Waxaa uu uga waramay sida baarlamaanka wax uga dhaceen
Waraysig Gudoomiyaha Golaha wakiilada
Wasiirka arrimaha gudaha
Eedaha uu soo jeediyey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee la ku saabsan in ciidamo boliis ah ay galeen xarunta baarlamaanka, oo ay haystaan halkaas, ayaanu waraysnay Wasiirka arrimaha Gudaha ee Somaliland, Abdilahi Ismail Ali (Cirro)
Weriyaha BBC-da Adan Nuh Dhuulle, ayaa waydiiyey sida wax u dhaceen.
Doorashada Somaliland oo lagu waday in ay dhacdo 27-ka September, ayaa dib loo dhigay ilaa waqti aan la cayimin.
Waxaa xisbiyadu ku murmurmeen in doorashada lagu galo diiwaangalin dhowaan ay samaysay hay'ad Maraykan ah, balse la sheegay in ay qaladaad ku jiraan iyo in doorashada ay u dhacdo sidii hore diiwaangalin la'aan maadaama cilado waawayn la sheegay in ay yeelatay diiwaangalintu.
Ma cadda sida xal loogu heli karo ismari waaga siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, iyadoo dhowaan uu wasiir ka tirsan Ethiopia tagay magaalada Hargeisa oo uu kula kulmay dhinacyada xisbiga talada haya iyo xisbiyada mucaaradka
Source BBC News
No comments:
Post a Comment