09 September, 2009

Bilayska Somaliland oo La Wareegay Barlamaanka

Bilayska Somaliland oo La Wareegay Barlamaanka


Listen to This Report Warbixinta Sahra Ciidlle
Dhegayso (MP3)
Listen to This Report Waraysiyada xildhibaannada isu-gacan-qaaday
Dhegayso (MP3)

Doorashada Somaliland
Doorashada Somaliland
Wasiirka Arimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland ayaa difaacay qabsashada ay bilayku qabsadeen Aqalka Wakiillada. Wasiirku waxa uu sheegay in ay bilaysku sugayeen ammaanka kadib markii ay dhexeen muuqaallo fadeexo ah.

Wasiirku waxa uu ku eedeeyay hoggaanka Golaha Wakiillada in ay mas'uul ka yihiin khilaafka u dhexeeya mudanayaasha golaha. Waxa uu ka soo horjeestay in maamuus ka-xayuubin lagu sameeyo madaxwaynaha iyo ku-xigeenkeesa isagoo taana ku sababeeyay in aan la joogin waqti munaasib ah.

Ciidamada bilayska ayaa goor hore oo maanta ah galay Aqalka Wakiillada iyaga oo la wareegay furayaasha iyo maamulka xarunta Golaha Wakiillada ee magaalada Hargaysa.

Tallaabdan ayaa ka dambaysay kadib markii maanta uu qalaalse gacan-ka-hadal gaadhay uu dhex-maray mudanayaasha mucaaradka ah iyo kuwa muxaafidka ah. Mid ka mida xildhibaannada ayaa la sheegay in uu la soo baxay bistoollad balse aannu ridin.

Muranka mudaneyaasha golaha iyo dagaalkoodaba waxa keenay manta oo golaha la horkeenay laba mooshin oo dhawaanahanba ku maqnaa dhinaca la taliyaha sharciga ee golaha wakiillada, Axmed Cali Kaahin, oo mid ka mid ah ay xildhibaannada mucaradka ahi ku doonayeen in maamuuska looga xayuubiyo madaxwaynaha iyo ku-xigeenkiisa, halka xildhibaanada muxaafidka ahina ku dalbanayeen in xilka lagaga qaado shir-gudoonka golaha wakiilada oo dhamaantood ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah.

Midigta sare ee boggan ka dhagayso warbixin xaaladda koobaysa oo ay Sahra Ciiddle Nuur nooga soo dirtay Hargaysa, iyo laba waraysi oo ay VOA-du la yeelatay xildhibaannadii maanta isugu-gacan-qaaday aqalka wakiillada.

No comments: