13 September, 2009

Bannaanbax ballaadhan oo maanta ka dhacay magaalada Burco



Bannaanbax ballaadhan oo maanta ka dhacay magaalada Burco

Isu bax ballaadhan ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco, bannaan baxan oo lagu muujinaayo sida dadweynaha reer Burco uga soo horjeedaan xidhitaanka ay xukuumaddu xidhay Golaha Wakiilada iyo faragalinta joogtada ah ee xukuumadda Riyaale ku hayso Golaha Wakiilada, taasoo ay iska hortaagtay bay yidhaahdeen inay Golahii Wakiilada ee lasoo doortay ay gutaan xilkoodii distooriga ahaa.

Waxaana markii danbe dadweynaha xarunta KULMIYE kala hadlay qaar katirsan madaxda xisbiga qaranka ee KULMIYE, caaqilo, iyo xubno ka tirsan ururada bulshada

Haddaba sa soo baxan maanta Burco ka dhacay oo aad u balaadhnaa wuxuu bilawday 8.00 subaxnimo waxaanu socday ilaa 11.00 subaxnimo. Isu soo baxan oo aad u waynaa oo si fiican loo waynaa ayaanay ka dhicin wax rabshado ahi.

Isu soo baxan balaadhan ee maanta ayaan sidii looga bartauy lagu arag maamulka dawladda iyo ciidamada Booliiska ee ugaadhsan jiray dadka muddaharaadaya.

Waxaa kaloo madaxdii halkaas ka heshay ay ku xukuumadda ku eedeeyeen dadkii lagu laayey bannaanbaxa iyo qaabka xukuumaddu ula macaamishay dadkii shacbiga ee dareenkooda ku muujiyey isubaxii shalay ee ka dhacay magaalada caasumadda ee Hargeysa.Waxaanay ku eedeeyeen in xukuumaddu ku kacday xasuuq Taasoo ciidamada ammaanku ula dhaqmeen dad shacbi ah bannaan baxsameeyey si axmaqnimo ah oo ban'idamnida ka baxshan .

Markii bannaan baxu dhammaday 5 suldaan oo katirsan salaadiinta waaweyn ee gobolka Togdheer ayaa shir jaraa'id ku qabtay Hotel Barwaaqo ee magaalada Burco. Salaadiintu waxay tacsi udireen dadkii ku geeriyooday, iyo kuwii ku dhaawacmay isu bixii shalay ee ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaanay sheegeen inay aad uga xun yihiin waxyeeladaas soo gaadhay dadka shacabka ah. Waxaanay ku eedeeyeen xukuukadda Somaliland iyo siday ula dhaqantay mudanayaasha Baarlamaanka.

Waxaanay Salaadiintu baaq usoo jeediyeen ciidamada ammaanka iyo kuwa qalabka sida inuu dalku yahay dalkoodii, dadkuna dadkoo, waxaanay ka codsadeen inaanay qaadan amar khaldan oo ay shacbiga uga tudhaan xabadda. Sidoo kalena askari kasta iyo masuulkasta lagala xisaabtami doono daniyada ay dalka ka galaan.

Waxaa kale ay ugu baaqeen shacbiga Somaliland inay xaq u leeyihiin inay muujiyeen dareenkooda , laakiin waxay shacbiga ku baraarujiyeen inay ilaaliyaan nabadgelyada, waxaanay ka codsadeen inay dareenkooda ku muujiyaan si sallim ah.

Muddahraadkan maanta ka dhacay Burco u dhacay si nabadgelyo ah oo cidina waxba ku noqonin.Waxaana iyana aan muddaharaadkaas faragelin maamulka gobolka Togdheer, waxaana loo malaynayaa in ciidamadii ammaanka ee Burco badankoodii loo diray Hargeysa si ay u difaacaan xukuumadda Riyaale oo hadda ay is hayaan shacbigii doortay oo ka cadhooday siday xukuumaddu ula dhaqantay xildhibaanadii ay soo doorteen.

Golisnews newsdesk

No comments: