23 August, 2009

Xusuus gaar ah - Halyey Cali Sh. Muxumed Gulaid

Alla ha u naxariisto Marxuum Cali, in kasta oo wax badan oo sifooyinkiisii qaaliga ahaa ay soo bandhigeen dad badan oo marxuum Cali iiga aqoon badnaa, haddana waxa madaxayga ku wareegeysa ilaa maalintii aan maqlay WARKII NAXDINTA Lahaa ee geerida Cali, kaalintii weyneyd ee uu ka qaadan jiray hawl kasta oo danta guud ah aan la wadaagay xilligii aannu dan-wadaagta ku ahayn Ururka Somalilandforum.

Waxa si gaar madaxayga ugu soo noqnoqota sidii uu Cali ugu heellanaa marka laga yimaaddo kaalintii weyneyd ee dhaqaale ee uu ka qaadan jiray mashaariicdii hor-u-marineed ee Ururka Somaliland forum dalka ka qaban jiray, wuxu dedaal joogta ah ugu jiray inu cilmigiisa dalka wax ugu taro.

Bilawgii sannadkii 2002 ayaa aniga oo xilligaa jooga Hargeysa marxuum Cali igala soo xidhiidhay Maraykan oo ii sheegay inu ii soo diray Daraasad ballaadhan oo uu ka sameeyey sidii sees adag loogu dhigi lahaa Dhaqaalaha Somaliland. Waxana uu ii raaciyey waxan kaa codsanayaa in aad sida ugu dhakhsaha badan u gaadhsiiyo Mudane Cabdulqader Jirde oo xilligaa ahaa guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiillada, isla markaana isagu masuul ka ahaa golaha iyadoo uu maqanaa guddoomiye Qaybe xilligaas.

Waxay hawshaasi ahayd mid uu waqti, maskax iyo maal badan u huray si uu wax ula qabto Golaha Wakiilada oo u baahnaa cilmiga muwaaddin kasta si dhidibbada loogu taago shuruuc dhaqaale oo dalku raaco.

Xaqiiqadii waxa Somaliland ka baxay halyey qaali ah, kaalin weyna banneeyey, waxan eebbe uga Baryayaa Cali Naxariis iyo jannat al fardoosa, eheladiisii iyo dadka reer Somalilandna in EEBBE (SWT) Cawed khayr le ugu beddelo Cali.

Cali Adam Cawaale
LondonUK

No comments: