23 August, 2009

Shirgudoonka Wakiilada Iyo Komishanka Doorashooyinka Oo Kulan Xasaasi Ah Foodda Is-Darray

"Madaxweynuhu Hadii Uu Gef Sharci Galo, Sharcigu Wuu Qabanayaa, Komishankuna Waxay Yidhaahdeen Taayadu Waxay Ahayd Soo Jeedin Aanu Madaxweynaha U Gud-Binay"-Gudoomiyaha Wakiilada


"Yaa Yidhi Xilka Xayuubin Ha Lagu Sameeyo Xubnaha Komishanka, Ma Anigaad Taa I Hoos-Dhigaysaa"- Gudoomiyaha Komishanka


 Shir-gudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa shalay kulan dhawr saacadood qaatay oo xog-waraysi ah la yeeshay komishanka doorashooyinka, waxayna labada dhinac is-xog-waraysi iyo fallan-qayn dheer ka yeesheen go'aankii laalista diiwaangelinta ee ay komishanka doorashooyinka iyo madaxweyne Rayaale iskaga daba-dhawaaqeen.

Xubnaha komishanka ee ay la kulmeen shirgudoonka wakiiladu oo uu horkacayey gudoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Jaamac Sweden iyo weliba kuxigeenkiisa Cali Biikolo, waxay ka warameen sida uu ku yimi go'aankoodii laalista diiwaangelinta, waxaana wararku sheegeen inay jawaabo ka bixiyeen arimihii wax laga waydiiyey. 


Kulankaas oo ka dhacay xarunta golaha wakiilada, gaar ahaan xafiiska gudoomiyaha waxa uu ahaa mid albaabadu u xidhan yihiin oo aanay saxaafaddu goob-joog ka ahayn, waxayse wararka qaarkood tibaaxeen inay dood kululi dhexmartay labada dhinac. Sidaa darteed markii uu shirkaasi dhamaaday ayey saxaafaddu wax ka waydiisay arimihii laga wada hadlay labada dhinac. Sidaa darteed gudoomiyaha golaha wakiilada Mudane C/raxmaan Cirro oo shirkaa gudoominayey ayey weriyayaashu waydiiyeen waxyaalihii ay komishanka kala hadleen, wuxuuna yidhi  " kulankii aanu la yeelanay xubno ka mid ah guddida doorashooyinka oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha iyo guddomiye-ku-xigeenka Komishanka iyo Maxamed Yuusuf Axmed, waxa uu kulankaasi ka mid ahaa kulamada shaqo ee golaha wakiiladu uu layeesho masuuliyiinta hay'adaha qaranka, waxaanuna komishanka ka xog-waraysanay hawlahooda doorashadu halka ay marayaan, waxayna nooga warameen hawshu halka ay u marayso iyo qorshayaashooda, anaguna (shirgudoonka) waxaanu u soo jeedinay talooyin" ayuu yidhi gudoomiye C/raxmaan Cirro, dabadeedna markii uu hadalkaa kooban jeediyey ayey weriyayaashu su'aalo kale waydiiyeen, waxayna su'aashii u horaysay ahayd: "Talooyinka aad u soo jeediseen maxaa ka mid ahaa?", wuxuuna ku jawaabay "talooyinka aanu u soo jeedinay waxa ka mid ahaa maadaama ay hawlo xasaasiya hayaan inay hawlahooda ku galaan shuruucda dalka, xeerarka doorashooyinka iyo xeerar kale ee khuseeya masuuliyadooda".


Gudoomiyaha wakiilada C/raxmaan Cirro waxa kale oo la waydiiyey su'aal ahayd "afarta xubnood ee idiin yimi waxay ka mid ahaayeen xubnihii laalay Diiwaangelinta, qaraarkii goluhu ka soo saaray go'aankoodaana waxa ku qeexdeen inay ka noqdaan go'aanka marka ma iddiin sheegeen inay go'aankooda ka noqonayaan, mise way ku adkaysteen?", wuxuuna ku jawaabay "waa su'aal wanaagsan, waana mid meesha ku jirta guddida waxaanuna u sheegnay, una soo jeedinay inuu go'aanka goluhu waafaqsanaa xeerka diiwaangelinta, iyaguna (komishanku) waxay ku doodeen inuu soo jeedin ahaa go'aankoodu, laakiin dee go'aan buu ahaa ay iyagu gaadheen, oo lagu dhaqmay, waana lagu dhaqmay, talada aanu u soo jeedinayna waxay ahayd inay u soo noqdaan xeerarka iyo go'aanka golaha, waxaanuna rajaynaynaa inay isku noqon doonaan, hadda saddex xubnood uun baa noo yimi. Sidoo kale waxaanu u soo jeedinay maadaama ay siidhe-walayaal u yihiiin saddexda xisbi inay dhex u noqdaan xisbiyada tartamaya".


Waxa kale oo la waydiiyey gudoomiyaha wakiilada su'aal kale oo lagu yidhi "waxaa la sheegay in xubnaha komishanku ay idiin sheegeen in arinka ay ku laaleen diiwaangelinta uu soo jeedin ahaa balse madaxweynuhu go'aanka laalista uu isagu soo saaray arinkaa maxaa ka jira?", wuxuuna ku jawaabay "anaga (shirgudoonka) qoraal nama ay siinin guddida doorashoyinku , laakiin waxay nagu yidhaahdeen soo jeedin bay ahayd oo mdaxweynaha ayey ahayd inuu idiin soo gud-biyo madaxweynuhuna waxba nooma soo gud-binin anaga (golaha), laakiin iyagaa (Komishanka) go'aankaas warbaahinta kaga dhawaaqay inay gaadheen, madaxweynaha laftiisuna muu odhan  anigaa go'aanka gaadhay, ee wuxuu yidhi go'aanka komishanka Doorashooyinka ayaan taageeray, markaa arintu waxay isugu soo biyo-shubanaysaa uun komishanka doorashooyinka".


Su'aal kale ayaa la waydiiyey Gudoomiyaha, waxayna ahayd "go'aanno badan oo goluhu soo saaray oo aanu madaxweynuhu waxba ka fulin  ayaa jira distoorkuna awoodaha sharci-dejinta idinka ayuu  idin siiyey, markaa sidee baad u aragtaa shuruucda uu madaxweynuhu ka talaabsaday?", wuxuuna su'aashaa kaga jawaabay "cid sharciga ka saraysaa ma jirto, madaxweynuhuna hadii uu gef-sharci sameeyo sharcigu wuu qabanayaa, laakiin waxaan hadda shacabka u sheegayaa in sharcigu nin kastaba qabanayo".


Waxa kale oo la waydiiyey C/raxmaan Cirro su'aal kale oo ahayd "waxa la sheegay in xukuumaddu ay waddo qorshe shirgudoonkiina laydinku ridayo oo ay u adeegsanayso xildhibaanada xisbiga UDUB, arintaa sidee baad u aragtaan?", wuxuuna yidhi "anagu shirguudoon ahaan waxaanu qabnaa in aanaan sharciga ka sarrayn cid ka saraysaa hadii ay jirto, iyadaa cirka roob ku og, laakiin anagu sharciga kama sarayno, xeer-hoosaadkuna wuu  sheegayaa in shirgudoonka la bedeli karo, laakiin nidaaam sharci oo loo soo marayo ayuu xeer-hoosaadku dhigayaa, hadii dariiqaasi sharci la maro oo sife sharciya uu ku yimaado golaha way iman doontaa, hadii shirgudoonka la ridana waxaanu qabnaa inaanu hogaanka u banayno cidii sife sharci ah ku timaadda, laakiin taasi waxay ku iman kartaa sife sharciya, hadii ay dawladdu jeceshay iyo hadii uu madaxweynuhu jecel yahay iyo hadii ay cid kale jeceshahayba waxay ku iman kartaa uun taasi sife sharciga waafaqsan, hadii ay sife sharciya ku timaado arintaasina waanu aqbali doonaa".


"Waxaa la idinku dhaliilaa in golihiinu ku guuldaraystay talaabo ka qaaadistiisa madaxweyne ee distoorku awoodda xilka xayuuubinta idiin siiyey arinkaa sidee baad u aragtaa?"ayaa la waydiiyey gudoomiyaha wakiilada, wuxuuna taa kaga jawaabay "shirgudoonku mooshin ma keeno, markaa mooshin xil ka-xayuubin ah oo madaxweynaha ku jihaysana mar hore iyo hadda toona nalooma soo gudbin, laakiin hadii xildhibaanadu noo soo gudbiyaan  golaha waa la hor keeni doonaa".


Dhinaca kalena waxay weriyayaashu la kulmeen gudoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Jaamac Sweden oo la tiigsadeen su'aalo sara-joogsi ah, laakiin su'aashii labaad ayuu Jaamac Sweden si weyn uga cadhooday, ka dibna wuu iska dhaqaaqay. Hase yeeshee su'aashii u horaysay ee lala gaadhay gudoomiyaha Komishanka Jaamac Sweden waxay ahayd "Go'aankii aad ku laasheen natiijadii Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ma ka wada hadasheen shirgudoonka?",wuxuuna ku jawaabay "goleyaasha qaranka midkastaa waajibaad buu leeyahay, anagu doorashada iyo ansixinta diiwaangelinta ayaanu leenahay, meelaha qaarkood layskuma qabsan karo, laakiin waa wada tashiga guud mid kasta wuu ku qasban yahay in laga wada hadlo, hadi ay madaxweyne tahay iyo hadii ay goleyaal baarlamaan tahayba".


Intaa ka dib Jaamac Sweden waxa la waydiiyey su'aashii labaad, waxayna ahayd "golaha wakiiladu dooddii ay ka yeesheen go'aankii aad komishan ahaan ku laasheen natiijadii Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha oo ay ku soo jeediyeen haddii aad ka noqon-waydaan go'aankaas in afartiina xubnood ee saxeexay go'aankaas xil ka xayuubin lagu sameeyo arinkaas sidee baad u aragtaa, mase ka wada hadasheen shirgudoonk inaad ka noqonaysaan go'aankiinii hore?". Dabadeedna Jaamac Sweden isaga oo aad u cadhaysan ayuu faro-gorgor la tiigsaday qaar ka mid ah rikoodhadii ay weriyayaashu wax ku duubayeen, wuxuuna yidhi "bal rikoodhka aad i hoos dhigayso eeg, yaa kugu yidhi xilka xayuubin baa lagu qaadayaa, waar ninkaasi (weriyaha) yaanu warka idinka kharabin"ayuu yidhi, waraysigiina halkaas ayuu ku soo xidhmay.

Xigasho: Haatufnew

No comments: