25 August, 2009

Wariyihii Idacaada Radio Horyaal Iyo Shebekadda Somaliland.Org oo Xafiiska Badhasaabka Lagu dhex Xukumay

Burco(Somaliland.org)-Wariyihii Idaacada Radio Horyaal ee gobolka Togdheer Foosi Saleebaan Aw-Bindhe, ayaa maanta si rasmi ah looga siidaayay Saldhiga dhexe ee magaalada Burco oo uu si sharci daro ah ugu xidhnaa mudo 28 Maalmood ah

Siidaynta wariyaha ayaa ka danbaysay ka dibmarkii Badhasaabka Gobolka Togdheer  saaka soo saaray amar bilaa maxakamada uu kaga mamnuucaayo gabi ahaanba Shaqada warbaahineed ee wariyuhu u hayo Idaacada Radio Horyaal , taasi oo uu ku sababeeyay in aanay wax sharci ah ka haysan idaacadaasi Xukuumada Madaxweyne Rayaale

Siidaynta wariye Foosi ayaa ku soo beegantay xili uu Gudoomiyaha Maxakamada Gobolka Togdheer uu xeer-ilaaliyaha Gobolka ku amray in baadhitaan lagu sameeyo sababaha wariyahaasi sifo sharci daro ah ugu xidhan yahay ku dhawaad mudo bil ah, iyada oo ay baadhitaanka kiiskaasina ay ku guda jireen laba qareen oo madaxbanaan, hasa yeeshee talaabada siidaynta wariyaha iyo xukunka badhasaabka ee xafiiskiisa dhexdiisa ayaa u muuqata bilowgii talaabooyin cusub oo xukuumada madaxweyne Rayaale ku cabudhin doonto Saxaafada Madaxabanaan

Wariyaha Idaacada Radio Horyaal ee Gobolka Togdheer Foosi Saleebaan Aw-Bindhe ayaa 28 Maamlmood sifo sharco daro ah ugu xidhnaa Saldhiga dhexe ee Magaalada Burco, kadib markii uu Badhsaabka Gobolkaasi Jaamac C/Laahi Biin ka Cadhooday warar uu ka baahiyay Xafiiska gobolkiisa

No comments: