25 August, 2009

Buuq iyo sawaxan khalkhal-geliyay fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland

Buuq iyo sawaxan khalkhal-geliyay fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa waxa hadheeyay buuq iyo sawaxan keenay in Xildhibaannada qaarkood Dagaal gacanta ah isula tagi gaadheen, ka dib markii ay furitaankii Fadhigaas qaylo la sara-kaceen Mudanayaasha Muxaafadka ee Xisbiga UDUB ka soo baxay.

Fadhigan maanta oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa ka dib markii sida caadiga ah uu Guddoomiyuhu isku dayay in uu furo fadhigaa, waxa qaylo iyo sawaxan la sara-kacay Mudanayaasha Xisbiga talada haya ee UDUB kaga jira Golaha, kuwaas oo wararku sheegayaan in ay filayeen in fadhigan maanta ee Golaha la horkeenayo Mooshin xil-ka-xayuubin ah oo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa Xilka lagaga qaadayo. Waxaanay Mudanayaashani ku urureen Miiska hore ee Shirguddoonka, isla markaana waxay khalkhal iyo jaha-wareer geliyeen degannaanashihii Hoolka Shirarka ee Golaha Wakiilada. "Maxaanu u fadhiisanaynaa waxa halkan noo fadhiya Shirguddooon aan caddaalad ahayn oo dhinac ahe." Sidaa waxa ku qaylinayay mid ka mid ah Mudanayaasha Muxaafadka.

Fadhigan maanta oo sababay in aad loo adkeeyo ammaanka Xarunta Golaha Wakiilada, ayaa ka dib buuq iyo sawaxan badan oo halkaa ka dhacay ka dib, waxa uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu Saxaafadda ka codsaday in ay Hoolka Shirarka dibedda uga baxaan. Waxaana Mudanayaasha iyo Shirguddoonku isula hadheen kulan u gaar ah. Wararka laga helayo qaar ka mid ah Mudanayaasha ayaa sheegaya in Guddoomiyuhu uu magacaabay Guddi ka kooban 11 Xubnood oo ka hawl-gala xalinta Khilaafaadka kala qaybiyay Golaha Wakiilada.

Wixii Warar ka soo kordha kala soco halkan…

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

No comments: