06 August, 2009

TACSI : GEERIDA CALI MUXUMAD GUULEED

INNAA LILAA WA INAA ILLEYHI RAAJICUUN

GEERI WAA LOO DHASHAY.WAANA LAMA HURAAN AAN QOFNA DHAAFAYN

Anigoo ka wakiil ah reer Cabdi Carwo iyo xaaskeyga Amaal Cumar Carte, waxaan tacsi u dirayaa ubadka, xaaska, walaalada, waalidka, xigto, xigaal, qaraabo iyo asxaab iyo dhammaan shacbiweynaha Soomaliland gaar ahaan xisbiga Kulmiye, geerida Marxuum Cali Muxumad Guuleed, Illaahay naxariistii janno ha ka waaraabiyo, innagana samir iyo iimaan.

Tani waa geeri naxdin dheer leh, waa tu qaran, waa mid xilli xun ina heshay, waa tu Soomaliland wada taabatay, waase xaq qadarkeed, xikmadeed iyo raacdkeedba Alle aan cidi la wadaagin, Allow raad roon, raad kheyr iyo Allow abaalmarin dambi dhaaf iyo naxariistaada Allow muwaadinka hadh iyo habeen u xaydnaa wanaaga iyo horumarinta dalkiisa Allow ugu deeq. Allow jecelka uu dadkiisa u qabay ugu naxariiso, Allow waxuu ahaa ruux u naxa danyarta iyo inta dunida ku cadiban, ee Allow ka yeel intaada raxmadaada ku hadhayso, Allow waxuu ahaa deeqsi u gacan furan qof baahan, Allow ka yeel kuwa deeqdaada mutaysta, Allow waxuu ahaa geesi xaqqa ku addima, ee Allow ku abaal mari janada aad u balanqaaday inta xaqqa ku dhimata. Allow guusha iyo wanaaga uu rabay naga yeel kuwa dhekhso u gaadha. AAMIIN.

Marxuum Cali xaaji Muxumed Guuleed wuxuu ahaa halyay aad iyo aad inoogu qaaliya, si lama filaan iyo naxdina inagaga tagey, oo ay adag tahay meeshuu ka baxay inaynu buuxino,waxaanse ALLAHA awooda badan ka baryaynaa inuu bedal khayr qaba inoogu bedalo, Marxuumkaana naxariistii Janno ka waraabiyo, ubadkiisa, xaaskiis, walaaladii, ehelkii, xigto iyo xigaal, qaraabo iyo asxaab, qaranka Somaliland gaar ahaan xisbiga KULMIYE waxaan leeyahay samir iyo iimaan.

Dhinaca kale waxaan u rajaynayaa inuu shaafiyo ALLAH, Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi iyo Cabdiraxmaan Cabdilqaadir, iyo intii ku dhaawacan tayba, amiin amiin.
Marxuum Cali xaaji Muxumed guuleedna RABBI janada ha ka waraabiyo, aamiin aamiin amiin Yaa ALLAA yaa RAXMAAN.

Cidii rabta in ay la hadasho caai'ladii Ali Marshal, waa kuwan numberks ay kala xidhiidhi karaan.
Geelle Cali : Mid ka mid ah inamadiisa
614-268-5974. Columkbus Ohio, USA
Marxuumka Ali Marshaal Walaashii iyo hooyadii
416-439-6068 Sahra walaashii

Ahmed Hassan Arwo
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: