19 August, 2009

Somaliland; Wafdi Itoobiyaan ah oo dalka yimid

Wefti ka socda Itoobiya oo socdaal ku yimi Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Itoobiya Mr. Takedu Alum, oo beryahanba la filayay ayaa maanta abaaro 12:20 duhurnimo ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport Hargeysa, waxaanu socdaal rasmi ah oo qaadan doona muddo sadex cisho ah uu ku joogayaa dalka, waxaanu kulamo gooni gooni ah la yeelan doonaa Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin,Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Faysal Cali Waraabe.

Sidoo kale, wuxuu Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibada Itoobiya uu la kulmi doonaa Komishanka doorashooyinka Somaliland, Shirgudoonka labada Gole ee Baarlamaanka, waxana sida la sheegay dawladiisu dedaal weyn ugu jirtaa sidii la iskugu soo dhawayn lahaa mowqifka siyaasadeed kala durugsan iyo khilaafaadka siyaasiga ah ee ka aloosan Somaliland kana dhashay go?aankii lagu laalay diiwaan gelintii codbixiyeyaasha isla markaana dalka lagaga saaray Wakiilkii Haayada Interpeace ee Guddida doorashooyinka ka caawin jirtay dhinaca farsamada kana wakiilka ahayd deeqbixiyeyaasha taageera dimuqraadiyada Somaliland.

Tekadu Alum, wuxuu Hoggaamiyeyaasha Somaliland gaadhsiin doonaa isla markaana farta ka saari doonaa dhambaalo culus oo uu uga sido Raysal Wasaaraha Itoobiya Malez Zanawi, waxaanu ku boorinayaa dhinacyada siyaasada Somaliland xal iyo is-afgarad laga gaadho khilaafaadka siyaasiga ah ee ka jira dalka, oo beesha caalamku ka cabsi qabto inuu halis geliyo jiritaanka iyo hanaanka dimuqraadiyada Somaliland ee curdinka ah.

Wasiirul Dawlaha Arrimaha Dibada Itoobiya waxa madaarka Hargeysa ku qaabilay Wasiiradda Arrimaha Dibada, Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Cali Maxamed Waran Cadde.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

No comments: