19 August, 2009

BEENTAADA HORE RUNTAADA DAMBE AYAY DISHAA

HORAA LOO YIDHI: BEENTAADA HORE RUNTAADA DAMBE AYAY DISHAA.

WAA GOORMA RIYAALOOW GOORTAAD WADA TASHIGA KU BAAQAYSAA? AYAASE MAANTA KAA RUMAYSAN KARA IN WADA TASHIGU KAA DHAB YAHAY?.

Ka dib markii ay xukuumaddu ku guul-daraysatay go'aankii dhiciska ahaa ee ay wada jir ku laaleen Dahir Riyale iyo Komishanka doorashooyinka qaranku ee ay ku xaaraan-tinimeeyeen in doorasho xalaal ah lagu galo DIIWAANGELINTII CODBIXIYAYAASHA, ayaa mar kaliya shacbiyaddii Riyaale iyo Xisbiga Udub si toos ah hoos ugu dhacday. Waxa taa ka markhaati ah, qaylada iyo dhibaatooyinka is-daba –joogga ah ee kasoo yeedhaya ololaha doorashada madaxtinimada ay kaligood ka bilaabeen gobolada iyo degmooyinka dalka. Ololahaas ood mooddo inu gabi ahaanba joogsanayo kadib markii muwaadiniinta gobolada iyo degmooyinku ay diideen inay ka qayb galaan tartan ayna xisbiyadu u dhammayn.
Waxa kale oo ayaamahan dambe iska soo daba dhacaya kulanno iyo fadhiyo aan caadi ahayn oon hore looga baran golaha Xukuumadda kuwaas oo ku baaqayaa in nabad-gelyada iyo xasiloonida dalaka la ilaaliyo.
Baaqyada ka soo baxay kulannadaas waxa ka mid ahaa shirkii Jaraa'id ee uu qabtay Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Cabdilaahi Cirro ee uu kaga dayrinayey dhibaatada kaga soo fool leh Bannaan-baxa ay soo wadaan Xisbiyada Mucaaridku iyo shicibkoodu.
Waxa ayaan darro ah in Wasiirkii u xilsaarnaa nabad-gelyada ummadda iyo hirgelinta doorashooyinka ee looga fadhiyey inuu SHARCIGA LA TIIGSADO CIDDII KU XAD GUDUBTA SHURUUCDA DISTOORKU U QEEXAY DIIWAAN-GELINTA COD BIXIYAYAASHA, SI BADHEEDH AHNA U SOO BAN DHIGO NIN 29 JEER IS DIIWAAN-GELYEY HALKII UU ISAGU KU HUBSAN LAHAA XABSIGA.
Waxay ka mid tahay khiyaamooyinka iyo jaah-wareerka lagu ridayo shacabka masaakiinta ah ee Somaliland oo laga yaabo in qaarkood rumaysto dhacdadan foosha xun, waxase isweydiin mudan :
KAALIN INTEE LEEG AYUU KU LEEYAHAY WASIIRKU DHACDADAN? MEE SHARCIGII QABAN LAHAA WASIIRKA UU LA DHASHAY MUWAADINKA SOO BAN –DHIGAY KHAYAAMADAN? MADAXWEYNE RIYAALESE HALKUU KAGA JIRA RUWAAYDAN BACAYSAN?

Bilihii ugu dambeeyey waxa Somaliland ka dhacay dhacdooyin fool xun iyo ku tumasho sharci si loo yidhaado Somaliland nabad-gelo daro ayaa ka jirta.Dhacdooyinkaas oo ka masuul ah Madaxweyne Riyaale iyo Xukuumadiisu waxa ka mid ah : 
1. Iska hor keen beelo walaalo ah iyo hurin dagaal.
2. Laalistii Diiwaan-gelinta codbixiyayaasha.
3. Is hor taaga doorashooyin xalaal ah.
4. Cabbudhin Saxaafadda madaxa banaan iyo xadhigga weriyayaasha.
5. Xadhigga Cuqaasha iyo odayaasha beelaha diidan himilooyinka Udub.
6. Tix gelin la'aanta Go'aamadooda Ha'adaha Qaranka (Guurtida iyo Wakiilda).
7. Is-hortaagga xidhiidhka Somaliland iyo Qaadhaan bixiyayaasha.
8. Xoolihii aynu ku nooleyn oo dhoofintooda la joojiyo. 
9. Cashuuraha dekedda Berbera oo cirka lagu shareero sii looga baydho oo Jabuuti iyo Boosaaso loo camiro.
10. Ku tagri-falka Hantida Ummadda wixii la soo ururiyo.
11. Been Abuur iyo Jaah-wareer lagu rido shacabka masaakiinta ah.

Tabaha cusub ee Mudane Riyaale la soo baxay waxa ka mid:
Madaxdii Hantiwadaagga dawladihii burburay ee reer barigu marka ay shacbigooda khudbadaha u jeedinayaan way ISKA OOHIN JIREEN si aan beentooda loo garan oo loo rumaysto. Madaxweyne Riyaalena sidoodii oo kale ayuu markuu doonayo inuu qas iyo been ku jaah wareeriyo ummadda Somaliland ee masaakiinta ah, Kulmiye iyo Ucid ayuu farta ku fiiqaa isag oo leh Siilaanyo iyo Faysal miyaydaan arkayn siday nabadgelya-deenna iyo jiritaankeena inooga burburinayaan.!!!!

Wada tashigan ugu dambeeyey ee Riyaale ugu baaqayo Kulmiye iyo Ucid inay ka soo qayb galaan ma aha mid run ah ee waa sidii shacabka Somaliland looga baajin lahaa bannaan baxa loo qoondeeyey si aan loo arag waxa shacabku doonayo. Waana tamco caruureed loo soo dhiibey iyo amarro ay u soo dhiibeen cadwga Somaliland oo ah mid ka mida madaxda dawladaha aynu jaarka nahay.

Waxan maqaal kaygan ku soo gunaanadayaa:
1. Waa goorma Riyaaloow goorta ad ku baaqayso inaad Mucaaridka wada tashataan? 
2. Miyaannay ahayn been cad ood ku baajinayso Mudaaharaadka shacabku ku muujin doono waxa uu doonayo? Maxaadse Arbacada uga dambeysiin weydey?
3. Haddii wada tashigu daacad kaa yahay maxaad Golayaasha Qaranka iyo Axsaabta ula tashan weydey intii aand laalin diiwaan-gelintii cod bixiyayaasha iyo rajadii shicibku qabeen ee ahayd inay qabsoonto doorasho XOR IYO XALLAL AH?.
4. Ma afar qof oo inoo marti ah ayay Xukumaddu amnigooda ilaalin kari weydey ayaynu kaa rumaysanaa haddii aanad nabd-gelyo darro ku baaqaynin? 
5. Haddii ad daacad tahay maxaad u fulin weydey qaraarada sharciga ah ee ka soo baxay Golayaasha Qaranka? (Guurtida iyo Wakiilada amma calal aqal midkood.) 
6. Miyaanay wax lagu qoslo ahayn "inaad tidhaa Axsaabta Mucaaridka ayaan tartan Madxweyne-nimo la gelayaa ood hadana keligaa ololayso?" !!!!!!!!!!

Shacbiga Somaliland iyo axsaabta qaranka waxan ugu baaqayaa inay si nabad gelyo ah iskugu soo baxdaan MUDAAHARAAD BILAA RABSHAD AH OO AY DAREENKOODA KU MUUJIYAAN, HADHAAGA SIYAAD BARRENA MEEL UGA SOO WADA JEESATAAN. 
SOMALIDU WAXAY KU MAAH-MAAHDAA: 
MAR I DAGE ALLA HA DAGO MAR LABAAD IDAGESE ANAA DAGAN. 

Yaan mar labaad la idin dagin, ee ka digtoonaada beenta iyo khiyaamada Dahir Riyaale een idinku cusbeyn. Hana ka qayb gelina wada tashiga ilaa uu fuliyo qaraaradii Golaha Wakiiladu soo jeediyeen.
Wa bilaahi tawfiiq.

A.H.Miyir
Cardiff , Uk.
18-08-2009

No comments: