16 August, 2009

Dawladda Sweden oo xikmad-darro ku tilmaantay go’aankii Madaxweyne Rayaale

Dawladda Sweden oo xikmad-darro ku tilmaantay go'aankii Madaxweyne Rayaale

Wakiilka gaarka ah ee bariga Afrika u qaabilsan Dawladda Sweden Marika Fahlen, ayaa sheegtay in dawladdoodu ay taageersan tahay Doorasho lagu galo habka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha ee laga hirgeliyay dalka. Waxaanay sheegtay in faraq u dhaxeeyo Doorashooyinkii hore looga soo qabtay dalka iyo tan hadda la filayo inay dhacdo. "Ugu horrayn, waxaanu taageersanahay Doorasho Diiwaangelin leh. Muhiimadda ay leedahay Doorashadanina waxay thaay iyada oo tallaabo hore looga qaaday Doorashooyinkii hore u dhacay oo iyaga aan Diiwaangelin lagu gelin." ayay tidhi Marika Fahlen oo Waraysi gaar ah siisay qaybta Ingiriisiga ee Shabakadda Wararka ee Hiiraan Online, waqit ay ka qayb gashay Shir lagaga hadlayay arrimaha bariga Afrika oo lagu qabtay Magaalada Lund ee dalka Sweden.

Mrs. Marika Fahlen waxay sheegtay in loo baahan yahay in Axsaabta Mucaaradka ah iyo ka Xukuumiga ahi ay ku wada-shaqeeyaan heshiisyadii la gaadhay. Isla markaana waxay xustay in Xisbiga UDUB aanu xaq u lahayn adeegsiga hantida umadda iyo warbaahinta qaranka ee Ololaha, balse ay u sinnaadaan Axsaabtu. "Waxa muhiim ah in Saddexda Xisbi Siyaasi oo uu qayb ka yahay Xisbiga Dawladdu ay ku shaqeeyaan heshiiyadii." Ayay tidhi Marika Fahlen, waxaanay intaa raacisay oo ay tidhi, "Waxa kale oo muhiim ah in Xisbiga Dawladdu aanu xaq u lahayn in uu Ololaha gaar ugu adeegsado dhinaca Ilaha dhaqaale iyo Warbaahinta. Waa inay u sinnaadaan saddexda Xisbi."

Ergayga Sweden u qaabilsan bariga Afrika Marika Fahlen waxa kale oo ay ka hadashay go'aankii Madaxweynuhu ka qaatay laalista Diiwaangelinta oo ay ku tilmaamantay mid aan laga fikirin. "Waxaanu aaminsanahay in Madaxweynuhu (Rayaale) uu qaatay go'aan xikmadaysnayn, waxaananu rejaynaynaa in uu ka laabto go'aankiisaas, isla markaana dib ugu noqdo heerarka Caalami ee Doorashooyinka." Ayay tidhi Marika Fahlen.

Waxa kale oo ay Marika Fahlen ka hadashay waqtiga loo cayimay Doorashada Madaxtooyada, waxaanay sheegtay in khilaafaadka siyaasadeed ee dalku ay sii adkaynayaan suurtogelnimada Doorashada. Khilaafaadkaas oo ay sheegtay in haddii ay sii socdaan ay wax u dhimi karaan karaamada Somaliland ee hannaanka Dimuqraadiyadda iyo Beesha Caalamka. Mar ay arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi, "Waxaanu filaynaa in Doorashooyinku ay dhacaan 27-ka September, laakiin waxyaabaha hadda socda ayaa sii kordhinaya adkaanta suurtogelnimadeeda. Waxaanu aaminsanahay haddii ay sii socdaan khilaafaadku in ay khatar ku jirto in sumcadda Somaliland ee dimuqraadiyadaynta iskeed ay u gaadhay iyo qabashada Doorashada ay god ku dhici doonaan. Taasina uma wanaagsana Somaliland."

Ugu dambayntii waxa ay Marika Fahlen cambaaraysay tacadiyadda lagula kaco Suxufiyiinta ka hawl gala Somaliland, Puntland iyo guud ahaan Koonfurta Soomaaliya.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

No comments: