16 August, 2009

Axsaabta Mucaaradka ah oo ku dhawaaqay Guddi wada-jir ah & muddada isu-soo bax dadweyne

Axsaabta Mucaaradka ah oo ku dhawaaqay Guddi wada-jir ah & muddada isu-soo bax dadweyne

Hoggaanka sare ee labada Xisbi Mucaarad oo maanta si wada-jir ah Shir-jaraa'id ugu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in guddidan oo ay guddoominayaan labada Guddoomiye Xisbi  ee Kulmiye iyo UCID. Isla markaana ay xubno ka yihiin 12 xubnood oo ka kala tirsan labada Xisbi.

Guddoonka labada Xisbi Mucaarad waxay sheegeen in ay Mucaarad ahaan taageersan yihiin go'aanadii Golaha Wakiiladu ka soo saareen xaaladda dalka. Waxaanay sheegeen in inkasta oo ay diyaar u yihiin Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu galo Diiwaangelin inay dalka ka dhacdo, haddana ay taageersan yihiin go'aankii ka soo baxay Guddidii dhexdhexaadinta ee u dambaysay ee ahaa in aanay muddo-kordhin dambe dhicin. Waxa kale oo ay Shirkaa Jaraa'id ka sheegeen in maalinta Salaasada ee foodda inagu soo haysa ay dalka ku qaban doonaan isu-soo-baxyo dadweyne.

Magacyada Xubnaha Guddida:

UCID                                                                                                      Kulmiye

Faysal Cali Waraabe                                                  Axmed Maxamed (Siilaanyo)

Aadan Maxamed Waqaf                                             Muuse Biixi Cabdi

Axmed Xuseen Fag-fagaash                                     Keyse Xasan Cige

Maxamed Rashiid Sh. Xasan                                      Maxamed Kaahin Axmed

Maxamed Xasan Baashe                                            Siciid Cilmi Rooble

Xasan Xuseen Codyare                                              Dr. Maxamed Cabdi Gabboose

Keyse Cali Geeddi                                                        Maxamed Muuse Abees


No comments: