(Waryatv.com Stockholm 27-07-09) Waxaa ilaa shalay is daba socday dad aad u tiro badan oo ugu imanayey tacsi iyo in ay la wadaagaan murugada aabaha qoyskii musiibadu ku haleeshay xaafada Rinkeby ee waqooyiga magaalada Stockholm ee dalka Sweden.
Yusuf Maxamuud Maxamed iyo laba wiil oo yar yar ayaa ka mid ah sadexda qof ee ka badbaaday qoys ka koobnaa 9 qof (7 caruur ah iyo labada waalid) oo ku nafwaayey dab qabsaday xaafadii ay degenaayeen habeenkii axadu soo galaysa aabaaro 10:15 wakhtiga dalka Sweden.
Wasiirka gaashaandhiga dalkan Sweden iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ka mid ahaa dadkaa badan ee u soo tacsiyadaynaya Yusuf geerida naxdinta leh ee ku timid. Mar uu wasiirku la hadlayey Yusuf-na wuxuu u sheegay sida ay dawklad iyo dadba ay uga naxeen shilkan culus ee ku dhacay qoyskiisa, wuxuuna sheegay in ay la barbar taagan yihiin wax kasta oo ay u qaban karaan qoyska, si ay uga soo kabtaan musiiban ku dhacday. Sidoo kale waxa uu wasiirku ka codsaday Yusuf in uu la kulmo sadex bilood kadib taas oo Yusuf-na ka aqbalay.
Inan qaraabo ay yihiin qoyska ayaa iyana ka mid ahayd dadka ay musiibadani sameysay, waxaana hada dhakhaatiirtii ku hawlanayd xaaladeedu ay soo sheegeen in ay maskaxdeedii dhimatay, ayna adag tahay sidii ay nolol ugu sii baaqi ahaan lahayd.
Shilkan naxdinta leh wuxuu saameyn weyn ku yeeshay dalkan Sweden, waxaana loo xilsaaray arintan baadhitaankeeda iyo hawlaha la xidhiidhaba gudi heer qaran ah, waayo sharciga dalkan Sweden ayaa dhigaya in hadii meel ay ku dhintaan 5 qof wax ka badan ay tahay musiibo qaran.
Dhanka kale, waxaa naxdin iyo tiiraanyo aan lasoo koobi kareyn laga dareemayaa xaafada shilku ka dhacay ee Rinkeby, halkaas oo culimaduna ay wacdi iyo waano ka wadaan si dadka ay u xasuusiyaan aakhiro iyo in aan aduunyada lagu waareyn ee laakiin lagu kala horeynaayo qabriga.
Waryatv.com
Stockholm
No comments:
Post a Comment