Guurtida Oo Ku Eedaysay Qaadhaan Bixiyeyaasha, Hay'adda Intepeace Iyo Qaar Ka Mid Ah Xisbiyada Siyaasaddu Inay Caqabad Ku Yihiin Qabsoomida Doorashada Madaxtooyada
"Hadaynaan Iska Qaban Ajaanibka Doorashada Qasaya Farta ayaynu Dhexda Ka Qaniini" Md C/Laahi Sheekh Xasan.
"Haddii Nabadgelyo La Waayo Doorasho Dhici Mayso" Cali Dheere
Hargeysa, July 26, 2009 (Haatuf) – golaha Guurtida oo guddo galay doorka ay doorashooyinka dalka dalka ku soo foolka leh ay ku leeyihiin oo ka mid ah qodobka shanaad ee ajandaha kalfadhiga 88aad ayaa si weyn ugu cambaareeyey dawladaha qaadhaan bixiyeyaasha ee Interpeace ka wakiilka tahay ee gacanta ku haysa xogta Servarka natiijada diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taas oo ay ku tilmaameen dawladaha qaadhaan bixiyeyaasha iyo hay'adda interpeace inay Carqaladaynayaan qabsoomida doorashada madaxtooyadu inay ku qabsoonto 27-ka September 2009, taas oo ay ka digeen dib u dhac ku yimaada doorashada Madaxtooyada kuna baaqeen in talo la sika weydiiyo geedi socodka hawlaha doorashooyinka iyo caqabadaha horyaala.
Madasha fadhiga shalay oo ay doodahooda ka dhiibteen mudaneyaal tiradoodu gaadhayso saddex, iskuna diiwaangeliyeen dooda hawlaha doorashada mudaneyaal 20 gaadha ayaa waxa ugu horayn doodiisa ka dhiibtay ajandaha doorashada Md C/laahi Sheekh Xasan oo isagu si weyn ugu eedeeyey hay'adda Interpeace iyo qaar ka mid ah xisbiyada siyaasada inay masuuliyadeeda dib u dhaca doorashada ku lug leeyihiin, taas oo uu ku tilmaamay in xaalado halis ahi ku iman karaan Somaliland, isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi "marxalad xasaasi ah ayuu dalku ku jiraa, taas oo geedi socodkii doorashaduna ay carqaladaynayaan hay'adda Interpeace iyo xisbiyo kula safan gaabiska ka muuqda, waxaa muuqda in dalku sida kubadda lagu ciyaarayo, waxaana loo baahan yahay inaynu runta isku sheegno hadaan la iska qaban ajaanibka qasaya doorashooyinka waxa dhici doonta in farta dhexda laga qaniino, sidaa darteed waxa ina horyaala inaynu talo qaran ka yeelano marxaladaha taagan".
Md: C/qaadir Aw-Xuseen Mire oo isaguna doodiisa ka dhiibtay ayaa ku dooday "dawladaha qaadhaan bixiyeyaasha iyo hay'adda interpeace miyaynaan odhan Karin hadaydaan waxba na tari karayn naga taga, waxa aan soo jeedin lahaa in si weyn looga fiirsado waxyaalaha dib u dhaca ku keenaya doorashada madaxtooyada.
Md. Cali Aadan Qalinle ayaa isaguna ku dooday, haddii nabadgelyo la waayo doorasho dhici mayso, guurtideena fadhi ayaa dilay waa in aynu ka hawl galno sugida amaanka dalka, inaga ayaana xil inaga saaran yahay xoojinta nabadgelyada iyo wacyigelinteeda" ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Golaha u sheegay in labada shirguddoon ee golayaasha baarlamaanku ay ka wada hadli doonaan sidii labada xeer la'isku soo waafajin lahaa.
Doodan ayaa fadhiyada soo socda ka sii socon doonta, waxaana xildhibaanadu ay ka tallo bixin doonaan sidii doorashada madaxtooyadu Somaliland uga qabsoomi lahayd.
Dhinaca kale, waxa Goluhu shalay warbixin ka dhegaystay Guddi hoosaadka Arrimaha Gudaha iyo difaaca ee Golaha Guurtida, oo Mudaneyaasha sharaxaad ka siiyay xeerka miinada oo dhawaan ay u soo gudbiyeen Golaha Wakiiladu.
No comments:
Post a Comment