31 July, 2009

Go'aanka ay gaadheen guddida doorashadu iyo xukuumaddu waa sharci-darro

Go'aanka ay ku gaadheen  guddida doorashadu in doorashada lagu galo diiwaan gelin la'aan waa arrin kasoo horjeeda shuruucda iyo distoorka dalka, taasoo ay xeerarka doorashadu dhammaantood dhigayaan in doorashooyinka dalku ay qabsoonto ka dib marka ay qabsoonto tiro koob rasmi ah,  taasoo la sameeyey xeerka diiwaangelinta codbixiyaasha. 
 
Arrintan oo  sababtay in doorashada madaxweynuhu laba jeer dib u dhacdo oo muddada loo kordhiyo madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeenka hadda ku fadhiya kursiga ugu mudan maandeeq, taasoo ay ka biyo diideen asxaabta qaranku dhawr jeerna dalka gelisay khilaaf siyaasadeed oo cakiran, inkastoo markii danbe laga heshiiyey. 
 
Haddaba xeerarka doorashada madaxweynaha ee dhigaaya in doorashada lagu galo diiwaan gelin wuxuu soo baxay 2007kii, isla markaasna waxaa waxka badal lagu sameeyey 2008 ee xeer lambar 37/2007. Waxaana xeerka diiwaangelinta madaxweynuhu saxeexay 23 June 2008, kaasoo dhigaaya in doorashada madaxweynaha lagu galo diiwaangelinta codbixiyaasha, kasoo isagu soo bandhigay jadwalka diiwaangelinta iyo qaabka loo geliyey diiwaangelintaba.  
 
Diiwaangelinta codbixiyaasha Somaliland oo laga shaqaynaayey muddadii laba sanodood ee ugu danbeeyey ayna ku baxday kharash iyo juhdi badani oo ay iska kaashadeen xukuumadda Somaliland, xisbiyada golayaasha qaranka, shacbiga Somaliland iyo bulshada caalamkuba. Waxaana xaqiiq ah in diiwaangelinta ay bulshada Somaliland iyo saaxiibada Somaliland ee deeqda bixshaba ay kaga baxday dhaqaale aad u fara badan oo gaadhaya qiyaas ahaan dhawr iyo toban malyan oo doolarka maraykanka ah.

 

Haddaba arrintu iyadoo caynkaas ah baa guddida doorashada qaranka ayaa  dhawaan intay la shir albaabadu u xidhan yahay laqaateen madaxweynaha muddadiisii sharciga ahaa ee la doortay ay dhammaatay ayey ku dhawaaqeen inay go'aamiyeen in doorashada lagu galo diiwaangelin la'aan, iyadoo aan lawada tashan dhinacyada kalee ay khusayso. Arrintaasna xaq uma laha inay guddida doorashadu qaataan go'aano kasoo horjeeda shuruucda dalka. Waxaanay ahayd in guddida doorashada qaranku inay la shiraan oo latashadaan waxa laga yeelayo natiijada diiwaangelinta xisbiyada qaranka ee ay khusayso arrintani.
 
Waxaanay u muuqdaan guddida doorashada qaranku inay fashilmeen iyadaan lagaadhin doorashadiiba, oo ay ku dhaqaaqeen go'aan dhinac ka raran oo u yeedhiyey madaxweynaha hadda talada hayaa.
 
Waxaana iska cad in guddida doorashada qaranku ay dhegaha ka furaysteen talo soo jeedinta ay soo jeediyeen xisbiyada qaranka ee UCID iyo KULMIYE oo iyagu sheegay iyagoo xeeranaya xeerarka dalka u yaal iyo masiirka ummadda inay ku kalsoon yihiin natiijada kasoo baxday diiwaangelinta doorashada oo soo saareen guddida doorashada iyo hay'adda inaga caawisa diiwaangelinta ee Inter Peace kadib markii ay kala shaandheeyeen oo sheegeen inay tahay hal malyan iyo boqol kun oo wax la'. Waxaana khabiirka Maraykanka ah ee Inter peace kala taliya arrimaha diiwaangelinta uu sheegay inay natiijada kasoo baxday serverka kala shaandhaynaayey diiwaangelinta ay tahay mid fiican oo la aqbali karo laguna geli karo doorashada.
 
Waxaanay u muuqdaan guddida in guddida doorashada qaranka ay u yeedhiyeen xisbiga talada haya ee UDUB iyo xukuumadeeda isku dhafani. Haddaba guddida doorashada qaranka oo awalba lagu dhaliili jiray inay yihiin kuwo taag daran oo aan gudan karin waajibaadka iyo hawsha balaadhan ee saaran, baa haddana u muuqda kuwa aan lagu kalsoonaan karin oo dhex dhexaad u ahayn xisbiyada tartamaya oo intay labada xisbi ee mucaaridka ah dhawaaqoodii iyo taladoodii baal mareen, dabadeedna qaatay go'aan dhinac u xaglinaya oo aan waafaqsanayn xeerarka doorashada iyo shuruucda dalka toona.  
 
Haddaba Kooxyar oo qudhi xaq uma laha inay diidaan natiijada diiwaangelinta oo ay yidhaahdaan waxba ka socon maayaan wixii lagu soo tabcaayey, caqliga saliimka ahina wuxuu kusiinayaa in natiijo qabyi ahi ama haddii xitaa aanay wada sax ahayn ay ka fiican tahay in diiwaangelin la'aan iyo fowdo lagu galo doorashada soo socota. Mana cadda sababta xukuumaddu ku daafadaysay natiijada ee ay u doonayso in doorashada lagu galo bilaa diiwaangelin la'aan ma waxay doonaysaa inay wax boobto iyo si cad oo badheedh ah ugu shubato doorashada soo socota.  
 
Ugu danbayn guddida doorashadu qaranku  waxay ku joogaan oo ku shaqeeyaan shuruucda dalka. kama sarrreyaan sharciga iyo distoorka dalka. Markaas xaq uma laha inay daafadeeyaan diiiwaangelinta oo ah hanti ay iska leedahay Somaliland.  go'aanka ay ku sheegeen in doorashada lagu galo bilaa diiwaangelina xaq uma laha waa mid ka baxsan awoodooda. Go'aan kasta oo kasoo horjeeda shuruucda dalka u yaalana waa mid waxba kama jiraan ah, intaanay go'aanka gaadhina waa inay horta eegaan inuu go'aankeedu waafaqsan yahay xeerarka u yaalla dalka.
 
Haddii go'aanka guddida doorashada la qaatana, waxay noqonaysaa in dib loogu noqdo xeerarka doorashada oo wax ka badal lagu sameeyo, kasoo dibu dhac ku keeni karta doorashada madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa oo la qorsheeyey inay qabsoonto 27th September 2009, taasoo ku tusaysa in xukuumadda madaxweyne Riyaale aanay marnaba diyaarka u ahayn inay dalka ka dhacdo doorasho xor oo xalaala ah, laakiin usii weel culanayso sidii ay usamayn lahayd doorasho ku salaysan foodo iyo kushubasho taasoo aanay ahayn wax ay aqbali karaan ummaddii dooratay ee muddada laba sano ee marba doorashada dib loogu dhigaayey sababta looga dhigi jirayna la odhan jiray serverkii baa xun, ama diiwaangelin halla sameeyo, iyo mar layidhaahdo natiijadii baa lasugayaa.    

 Waxaanan usoo jeedinayaa guddida doorashada qaranku inay ka noqoto go'aankaas aan danta u ahayn qaranka oo raacaan, isla markaas ay go'aanada ay qaadanayaan  ku saleeyaan shuruucda dalka u yaalla.

 Macasalaama,

Cabdi Cabdillahi Xasan,

London, UK

 


No comments: