Hargeysa, July 30, 2009 (Haatuf) - Madaxa ololaha doorashada Xisbiga KULMIYE ee Gobolada Bariga Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa cambaareeyey tallaabadii Komishanka doorashooyinku ay ku sheegeen in doorashada madaxtooyada lagu galo diiwaangelin la'aan.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warar sheegayey in xisbiga kulmiye dhexdiisa uu khilaaf ka jiro, sidaana waxa uu ku sheegay Dr. Gaboose shir jaraa'id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa, isaga oo ka hadlaya Digtoorku arimahaana waxa uu yidhi:- "Waxaan idiin xaqiijinayaa in aan xisbiga KULMIYE gudihiisa wax loolan ah, wax khilaaf ah iyo is haysasho ah oo ka dhex socdaa in aannu jirin, waxaannu ku aragnaa shabakada Qarannews loolan iyo waxan baa ka dhex jira KULMIYE, waxaas oo dhami waxa weeyi xisbigaas culus ee ay u muuqato guushu inay u soo hoyatay oo dadkii iyo dareenkii la jaanqaaday in dadka la geliyo khalkhal."
Dr. Gaboose wuxuu ku dooday haddii doorasho aan diiwaangelin lahayn la galo in aanay beesha caalamku u soo dirayn wax goob joogeyaal caalami ah, waxaanu yidhi "Markaasi waxa soo baxaysa doorasho madow iyo natiijo madow haddii aanay goob joogeyaal caalami ahi iman."
Maxamed Cabdi Gaboose wuxuu Madaxweyne Rayaale ugu baaqay inuu dalka badbaadiyo oo uu ka hawl galo sidii dib looga noqon lahaa Go'aanka Komishanka doorashooyinku soo saareen ee ay ku laaleen Server-kii iyo diiwaan-gelintii Codbixiyeyaasha.
"Xisbiga dhexdiisu wuu doodi karaa, aaraada waa lagu kala gedisnaan karaa, balse wax khilaaf ah oo na dhex yaala Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ma jiro,"ayuu yidhi Dr. Gaboose oo wax laga weydiiyay warar sheegayay in xisbigaasi isku khilaafay go'aanka ay ka gaadhayaan qaraarka Komishanka doorashooyinka.
No comments:
Post a Comment