09 July, 2009

Faro-Xumayn Loo Gaysto Derbi-jiif Da’doodu ka yar tahay 15 Sano Hargeysa

argeysa: Faro-Xumayn Loo Gaysto Derbi-jiif Da'doodu ka yar tahay 15 Sano Hargeysa: Faro-Xumayn Loo Gaysto Derbi-jiif Da'doodu ka yar tahay 15 Sano.

Hargeysa: Faro-Xumayn Loo Gaysto Derbi-jiif Da'doodu ka yar tahay 15 SanoHargeysa: Faro-Xumayn Loo Gaysto Derbi-jiif Da'doodu ka yar tahay 15 Sano. thumbnail

Hargeisa, Jul 3 2009 (Somalilandpress) -– Da'yarta Darbi-jeefka ah ee gidaarada magaalada Hargeysa saaxiibka kula noqday, Dhadada Dhexanta, Fooraa Dabaysha, Diihaalka Gaajada, Derenyada iyo Darxumada Hu'-la'aanta, Diifta degal ay u hoydaan oo aanay haysan, iyo demanaanta qaar ka mid ah waalidiintii dhalay oo Dayacay ayaa waxa noo suuto-gashay in aanu idiin soo gudbino waraysiyo aanu qaar ka mid ah wax kaga waydiinayno duruufahaas kor ku xusan ee ku xeeran nolol-maalmeedkooda ay ku sifeeyeen inay cadcadeedu naxdin ugu soo baxdo, murugona ugu dhacdo.
Intii aanu waraysigaas ku guda jirnay waxa uu wiil ka mid ah da'yartaasi Somalilandpress u sheegay in wixii noloshiisa ugu darnaa ee uu la kulmo mar aanu waydiinay uu ku sheegay inay tahay Dibjiro derbi-jiif ah oo da' ahaan ka fac wayn oo iyagu Faro-xumayn ku sameeya habeenkii, wiilkaasi markii uu arrintaas uga waramayay Weriye Cabdiqani Xuseen Baynax waxa dhabankiisa qoysay ilmo, waxaana wajigiisu u muuqday mid isku soo ururay sida sharabaadka, dhacdada uu ka hadlayay ee foosha xun darteed.

Warkaas oo dhamaystiran, dhinacyo badanna taabanaya halkan ka dhagayso:

Abdiqani Hussein Baynax
Hargeisa

Source: Somalilandpress

No comments: