02 June, 2009

TACSI Marxuum Cabdi Xasan Buuni

Anigoo ku hadlaaya magaca Ururka Somaliland Democracy Shield, waxaan tacsi u dirayaa xaaska, ubadka, tafiirta kale, ehelka, qaraabada, xigaalka, iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joogaanba . Marxuum Cabdi Xasan Buuni waxuu ku geeriyooday magaalada london oo uu caafimaad u joogay. Marxuumku wuxuu ahaa ruug caddaa siyaasadeed, waxaana uu ahaa siyaasiyiinta fara ku tiriska ah ee ugu da' wayn dhamaan bulshada af-soomaaliga ku hadasha.

Marxuum Cabdi Xasan wuxuu ka mid ahaa 33kii mudane ee ugu horeeyey ee ka socday Goboladii Waqooyiga ee ka mid noqda Baarlamankii Somalida ee 1960, isagoo jagada Raysal wasaare ku xigeen ka noqday dawladii u horreysay.

Dhanka Somaliland, marxuumku wuxuu siyaasada dib ugu soo noqday sanadkii 2002, isaga oo ka mid noqday xisbiga KULMIYE, waxaanu shirweynihii koowaad ee xisbiga kula tartamay jagada Madaxwayne ku xigeenka Muj. Cabdiraxmaan AwCali Faarax, halkaas oo uu ku guulaystay jagadii madaxwayne ku xigeenka muj. Cabdiraxmaan awcali. Taas dabadeed wuxu ku biiray xisbiga talada haya ee UDUB.

Dawladii ugu horeysay ee uu soo dhiso madaxwayne Rayaale sanadkii 2003dii ayaa wuxuu u magacaabay Wasiirka Xidhiidjka Goleyaasha, jagadaas oo uu marxuumku hayey tan iyo intu xaqu ka helayey.

Waxaanu ILLAAHAY ka baryeynaa inuu marxuumka naxariistii jano ka waraabiyo, ehel, ubad, xigto iyo xigaal, asxaab, iyo dhammaan reer Soomaliland, gaar ahaan reer Awdal, waxaan leenahay samir iyo iimaan.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Ahmed Arwo

Somaliland Democracy Shield
Cardiff UK

samotalis@gmail.com











No comments: