Marxuum Cabdilaahi Oomaar Cawaale oo si heer qaran ah loogu aasay Hargeysa
Hargeysa (Somaliland.org)-Allaha u naxariistee Marxuum Cabdilaahi Oomaar Cawaale oo ka mid ahaa Odayaasha waawayn ee Soomaaliyeed, isla markaana aadka looga yaqaano Saaxadda Siyaasadda iyo Ganacsiga Somaliland iyo guud ahaan Caalamka ee sanadihii lixdamaadkii, ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa oo uu habeen hore ku geeriyooday. Waxaana Aaskiisa ka qayb galay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Hoggaanka Axsaabta Mucaaradka ah, Shirguddoonka Golaha Wakiilada, Wasiiro, Xildhibaano, Madax-dhaqameed, Culima'udiin, aqoonyahan, Ubadkiisii iyo marti-sharaf kale.
Marxuum Cabdilaahi Oomaar Cawaale oo aaskiisa si heer qaran ah looga soo qayb galay, ayaa Masuuliyiin badan oo aanu kula kulanay Munaasibaddii Aaskiisa, waxa ka mid ahaa Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo geerida Marxuumka tacsi uga diray Umadda iyo ehelada. "Haddii cid la dayn lahaa waxa la dayn lahaa Rasuulkii Ilaahay. Cabdilaahi Oomaar wuxuu ahaa odayaashii waawaynaa ee Somaliland. Ilaahay ha u naxariisto, dhammaan waxaan ka tacsiyaynayaa Somaliland, gaar ahaan ehelkiisii iyo qaraabadiisii. Waxaan leeyahay, Ilaahay Jannada ha ka waraabiyo." Ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenku.
Dhinaca Xisbiga Kulmiye waxa isna u hadlay Cali Guuleed (Cali Maarshaal) oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbigaas, isla markaan wuxuu marxuumka Ilaahay uga baryay in uu Jannadii ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii iyo dadkana samir iyo iimaan ka siiyo.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo isna ka qayb galay Aaskaas, isla markaana halkaa ka hadlay, ayaa hadalladiisii waxa ka mid ahaa, "Wuxuu ahaa shaqsi cajiib ah oo Muwaadin ah, isla markaana dad badani ka faa'iidaysan lahaayeen. Markaa Ilaahay dalkeena dalkeena dal aan laga haajirin ha ka dhigo, isagana Ilaahay ha u naxariisto. Waxaanan soo jeedin lahaa in marka qofku dhinto sida loo jecel yahay aynu isu jeclaano marka aynu nool nahay."
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isna halkaa ka hadlay, ayaa sidoo kale yidhi, 'Inaa Lilaahi Raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa reerkii, Caruurtii iyo dhammaan eheladii uu ka tegay Cabdilaahi Oomaar, waxaan ilaahay uga rejaynayaa in uu Jannadii ka waraabiyo, inagana samir iyo Iimaan inaga siiyo. Cabdilaahi wuxuu ahaa Odayaashii reer Somaliland."
Guddoomiye- xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isna yidhi, "Oday wayn oo dalka iyo dadkaba ku wayn buu ahaa, waqtigiisii ayuu dhintay, qof kastaana waqtigiisa ayuu dhimanayaa. Ehelkii waxaanu leenahay samir iyo Iimaan. Qof kasta oo inaga mid ahna waxa la gudboon in uu fahmo in maalin uun halkaa la geynayo oo la xabaalayo, waana in laga fikiro."
Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro), kaas oo hadalladiisi ay ka mid ahaayeen, "Wuxuu ka mid ahaa Odayaashii reer Somaliland ee taariikhda ku lahaa halgankii iyo xorayntii Somaliland oo uu magac wayn ku lahaa. Waxa kale oo uu magac ku lahaa Ganacsiga Dunida, gaar ahaan meel kasta oo ay Soomaaliyi joogto. Waxaan leeyahay Ilaahay Jannadii ha ka waraabiyo, eheladiisiina samir iyo Iimaan ka siiyo."
Dhinaca kale waxa taariikhda Marxuumka ku dheeraaday Qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ahaa dadkii la kulmay, isla markaana la rafiiqay Marxuumka. "Marka hore Geerida ku timi Cabdilaahi Oomaar Cawaale waxaanu ka tacsiyadaynaynaa Caruurtiisii iyo ehelkiisii, reer Somaliland iyo Soomaali oo dhan. Waxa kale oo aanu ka tacsiyaynaynaa intii taqaanay. Allaha u naxariistee Cabdilaahi Oomaar isku da' maanu ahayn, hase ahaatee xusuustaydu waxay dib ugu noqonaysaa 1960-naadkii oo aanu qoys ahaan saaxiib ahayn. Cabdilaahi Oomaar dadku ganacsade ayay u yaqaaneeen, nooc ganacsiga ka mid ah ayuu ka ganacsan jiray, ganacsigiisu mid aqoon ku xidhan buu ahaa. Madbacaddii u horraysay ee dalka timaadda waxa la odhan jiray Horseed, Cabdilaahi Oomaar sidaas ayuu daabacaaddii dalka horseed ugu ahaa. Wixii ku lammaanaa waxay ahayd Madbacaddaas oo daabici jirtay Jariiraddii Al-Liwaa, taas oo ahayd tii ugu muddada dheerayd Wargeysyada Somaliland oo waxa la bilaabay sanadkii dhawr iyo kontonkii, waxaanay joogsatay bishii October 1963-kii, isla markaana xaqle ayuu ka ahaa, waxaana uga hooseeyay Axmed Jimcaale iyo Axmed Yuusuf Ducaale." Ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Horseedkaas ayuu ahaa, horseedkii Saxaafadduu ahaa, horseedkii xoriyatul-qawlka ayuu ahaa, horseedkii Ganacsiga casriga ah ayuu ahaa. Waxa ii suurogashay in aan arko oo aan la kulmo oo aan la sheekaysto mar kale sanadkii 1997-kii, oo uu waddanka u yimi in uu Madaxweyne isku sharaxo. Waxaan si fiican u xusuustaa Allaha u naxariistee qaabkii uu Ololaha Doorashada u galayay oo ay adag tahay sida waddanka looga helaa. Wuxu ahaa nin aqoon leh, markii uu galayay Ololaha Doorashada, wuxuu soo qaatay oo uu soo urursaday dhamman wixii macluumaad iyo deraasad laga sameeyay Soomaaliya, gaar ahaan Somaliland hadday tahay sahan Ruush sameeyay ama Ingiriis sameeyay..Cabdilaahi Oomaar wuxuu haystay oo Gurigiisa taala oo dhaxal uu Ubadkiisa uga tegay ah wixii deraasad la sameeyay ee laga sameeyay Doox walba, buur walba iyo geed walba oo Somaliland ah..Ilaahay ha u naxariisto."
Si kastaba ha ahaatee, Marxuum Cabdilaahi Oomaar, ayaa xannuun in muddo ah oo hayay ugu geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Somaliland.org
Hargeisa News Desk
No comments:
Post a Comment