Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo si weynoo aan loo kala hadhin loogu soo dhoweeyey Wadanka Sweden.
Stockholm - Gudoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee KULMIYE Mujaahid Ahmed Mohamed Siilaanyo ayaa Maanta 10-06-2009 booqasho rasmi ahi uga bilaabatay wadanka Sweden.
Gudoomiyaha oo ay socdaalkiisa ku weheliyeen Marwadiisa Amina Weris iyo xoghayaha Arimaha debeda ee Xisbiga KULMIYE Dr Mohamed Cabdillaahi Cumar inta ay joogaan wadanka Sweden waxay la kulmi doonaan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawlada iyo Baarlamaanka Sweden.
Gudoomiyaha iyo waftiga uu hogaaminayo oo Caawa ka soo degey Arlanda Airport waxaa halkaas si diiran ugu soo dhoweeyey Dadweyne aad u farbadan oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Jaaliyadaha reer somaliland ee ku dhaqan wadanka Sweden, sida Masuuliyiinta Xisbiyada siyaasada KULMIYE, UDUB iyo UCID, wakiilka Dawlada Somaliland ee wadanka Sweden, Gudoomiyaha daladda Jaaliyadaha, Ururada haweenka dhalinyarada.
Gudoomiyuhu Wuxuu aad ugu Mahadnaqay Dadweynihii iyo masuuliyiintii sida qiimaha leh u soo dhoweeyey wuxuuna sheegay isku duubnida iyo wadajirka ka Muuqda dadka Reer somaliland ee Ku dhaqan wadanka Sweden inay ku dayasho u tahay Jaaliyadaha kale ee ku nool wadamada qurbaha
Gudoomiyaha oo saxaafada ugu waramayey qolka nasashada ee Madaarka Arlanda ee caasimada Stockholm ayaa sheegay inuu Culayska Saari doono Mudada uu joogo wadanka sweden Sidii uu qadiyada somaliland uga dhaadhicin lahaa Masuuliyiinta Kala duwan ee uu la Kulmi doono.
Soo dhoweynta Gudoomiyaha KULMIYE ee Sweden oo ahayd tii ugu balaadhnayd ee loo sameeyo Masuul ka tirsan Somaliland ayaa ahayd mid ay aad uga dhex muuqdeen Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee wadanka Sweden, Gaar ahaan Gudiga Laanta Caasimada Stockholm oo aad ugu dedaalay booqashada Gudoomiyaha
Masuuliyiin kala duwan oo halkaa ka hadashay ayaa aad ugu dheeraaday qiimaha ay ugu fadhido booqashada Gudoomiyuha KULMIYE Dadka reer Somaliland ee ku dhaqan wadanka Sweden. Waxa kale oo aad loogu dheeraaday qiimaha uu leeyahay Mujaahid Ahmed Mohamed Siilaanyo iyada oo la xusay inuu shacabka Somaliland ku leeyahay Mid la mid ah ama ka badan qiimaha ta uu Nelson Mandela ugu fadhiyo Reer Koonfur Afrika.
Waxaanu ku dedaali doonaa inaanu idiin soo gudbino booqashada Gudoomiyaha oo aanu idiin ku dedaali doono wararka ku saabsan socdaalkiisa.
Halkan ka bogo Sawirada booqashada gudoomiyaha KULMIYE qaar ka mid ah,

No comments:
Post a Comment