15 May, 2009

ISKU-SHAANDHEENTA XUKUUMADDA, YAA WASIIRNIMADA WAAYAAYA YAA SE CUSUB EE GOLAHA SOO GALAAYA...

 "Xogo Laga Helay Xubnaha La Eryayo, Kuwa Laysku Bedelayo Iyo Kuwa Cusub Ee Lagu Soo Kordhinayo"
Maalinnimadii Axadii gelinkeedii dambe ayey ahayd markii aan casuumad ka helay saaxiibkay oo degan dalka Faransiiska oo la yidhaahdo Muxumad Xassan Aaye, kana degan dalka Faransiiska magaalada Leyon ee ku dhaw xuduudka dalka Switzerland.
 
Saaxiibkay oo muddo dheer deganaa Faransiiska oo aanaan muddo sannad ah is arkin maadaama ninba tiisu mashquulisay, waxaan u tabaabushaystay inaan ajiibo casuumadda oo aan tago magaalada Leyon ee dalka Faransiiska, waxaanan magaalada Geneva oo aan degannaa ka amba-baxay siddeedii subaxnimo, waxaan u tallaabay dhanka Faransiiska gaar ahaan magaalada Anyaas oo ku dhegan Geneva, iyadoo aan halkaas ka raacay Tareen ilaa Leyon ii qaaday, waxaanan gaadhay Leyon 11-kii Barqanimo, halkaasna waxaa  si diiran iigu soo dhoweeyey  saaxiibkay Mr. Aaye, ilaa kowdii waxaa isna na soo gaadhay nin aanaan hore isu aqoon magaciisa xitaa aanaan hore u maqlin oo isna casuumada ku jiray oo markii dambe aan ogaaday inuu yahay  la taliyaha Madaxweyne Riyaale ee wadamada afka Faransiiska ku hadla gaar ahaan wadanka Faransiiska oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Aw Cilmi Gaaxnuug. 
 

Sheeko is xog waraysi saddexdayada na dhexmaray kadib waxaanu gudo galay qado sharaftii uu diyaariyey Mr. Aaye isagoo iskaaya baray Jaamac Aw Cilmi oo ay isaga is garanayeen. 

Is-barashada iyo qaddadaa kadib waxaanu gudo galay fadhi qayilaadeed oo Soomaalida lagu manaystay. Waxaa Jaamac ka kala go'i waayey telefoono si isdaba jooga ugaga imanayay dalkii hooyo. Jaamac ayaa telefoonadii ku sii bateen kadibna wuu ka xishooday inuu marba kaco, waayo meeshu waa Yurub waxaanu si caadi ah u watay shir uu kaga qayb gelayey isgaadhsiinta mobile-ka oo ka socda Hargeysa. Waxaan Jaamac si kooban u weydiiyey ma wax dhibaato ah ayaa dalkii ka jira. Waxa uu iigu jawaabay mayee xogaa buuqa oo qoladii mucaaradku wado iyo isku shaandhayn dhinaca xukuumadda ah ayaa jira. Waxaan weydiiyay ma wasiirada ayaa wax laga bedelayaa, wuxuu igu yidhi waxaan ka shaqaynayaa ee i wareeriyeyba waa hawshaa oo guddi aan ku jiro ayuu madaxweynuhu u igmaday inay ka soo baaraan degaan.
 
Jaamac oo ka xishoonayey inuu wax ka qariyo saaxiibkay Mr. Aaye oo ah nin qurbaha ku raagay oo deganaa 13 sannadood ayaa waxaa ii suurto gashay inaan su'aalo ku garbiyo, waxaanan weydiiyey waa maxay guddidaasi ma baarlamaankaa? Wuxuu iigu jawaabay mayee waa guddi kale oo saddex ah, aniga oo Jaamac Aw Cilmi ah wasiirka Cabdi Xasan Buuni la yidhaado iyo Xoghayaha xisbiga UDUB, Jaamac Yaasiin Faarax. Imika go'aankii taladayada waanu soo gebo-gebaynay, waayo markii horeba waanu jaray talada ee waxaa dib u dhigay wada hadaladii mucaaradka lagula jiray, waxa keliya ee noo dhiman ee aanaan weli isla garan waa ninkii bedeli lahaa wasiirka Warfaafinta oo dhawr nin oo loo la kala saari la' yahay miiska yaalaan. Waxaan weydiiyey oo ma kaas oo keliya ayaa la eryayaa.
 

Wasiiro badan ayaa la eryayaa ayuu yidhi, kadibna waxaan weydiiyay maxay kala yihiin wasiiradaasi. Wuxuu yidhi Jaamac wax waa la bedelayaa, wax waa la eryayaa waxna waa lagu soo kordhinayaa. Dabadeed waxaa aniga la i weydiiyey miyaad kala taqaanaa wasiirada dalkaaga hooyo, sowdigan qurba-jooga ah, miyaanad sida saaxiibkaa Aaye ilaawin wadankii. Kadib waxaan ku idhi mayee waxaan doonayaa inaan imika kala barto. Waxa uu igu yidhi dee haddaa maxaad iga weydiinaysaa mar haddii aanad kalaba garanayn. 

Waxa markaa nasoo dhexgalay saaxiibkayo Mr. Aaye oo aanu marti u nahay. Waxa uu Aaye yidhi, Jaamac noo kala sheeg kuwa la eryayo iyo kuwa bedelayo iyo kuwa la soo kordhinayo waanu iska baran doonaaye.

Jaamac oo nagu qoslay kadib waxaa uu nagu yidhi sida ciyaalo iskuulka waa kuwane qorta ileyn si kale ku garan maysaane, si aydnaan u ilaawin.

Qosol kadib wuxuu noo sheeg sheegay sidan aan anigu u xusuusannahay, waxaanu nagu yidhi sidan:

Waxaa la eryayaa:

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdillaahi Cirro

Wasiir Arrimaha Debedda Cabdillaahi Maxamed Ducaale

Wasiirka Warfaafinta Axmed X Daahir

Wasiirka Wershadaha Maxamed Saleebaan

Wasiirka Ganacsiga Cismaan Qaasim

Wasiirka Beeraha Aadan Dhoolayare

Wasiirka Cadaaladda Axmed Cali Casoowe

 
"Oo Jaamacow nimankani ma dambi bay galeen" ayaan weydiiyay anigu, waxaanu iigu jawaabay mayee qaarna shaqadooda ayaa la saluugay qaarna muddo ayey wejigoodu ku bateen isla markaana waxay xukuumadda doonaysaa weji cusub oo xukuumaddu kaga gaashaamato qolyahan mucaaradka ah,  haddii doorasho noqoto iyo haddii si kale ay noqoto-ba, waxaanu ku nidhi Jaamac kuwaas aad noo sheegtay waa kuwa sii socdee, bal kuwa lagu bedelayana noo sheeg, waxaanu nagu yidhi sidan:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaa Laga dhigayaa Axmed Jaambiir Suldaan

Wasaarada Arrimaha Debedda waxaa loo bedelayaa Cawil Cali Ducaale 

Wasaarada Beeraha waxaa loo bedelayaa Siciid Sulub

Wasaarada Cadaaladda waxa laga dhigayaa Axmed Cabdi Xaabsade.
 

Waxa kale oo uu Jaamac noo sheegay in Wasaaradaha Wershadaha iyo Ganacsiga laysku celinayo oo mid keliya laga dhigayo.

Waxa kale oo aanu Jaamac weydiinay weli Warfaafinta noomaad sheegin qofkii laga dhigi lahaa, waxaanu nagu yidhi telefoonkii iigu dambeeyey waxaa jira laba nin oo la kala yidhaahdo Cali Gabiley iyo Gaagaale oo ninka wasaaradda jooga ay isku reer yihiin, kuwaas oo kala wata laba nin oo mid waliba doonayo in loo magacaabo jagadaas ka isagu uu wato, markaa weli go'aan lagama gaadhin wasiirkaas.

Waxa kale oo uu Jaamac noo sheegay in wasaarad cusub la samayn doono, taas oo magaceeda la yidhaado wasaarada Amniga Qaranka iyo la dagaalanka argagixisada iyo budhcad-baddeedka taas oo uu sheegay in laga dhigi doono nin la yidhaado Col Cabdi Dheere oo sirdoonka ugu horeeya, isla markaana waxaanu weydiinay kuwa cusub ee kale, waxaanu noo sheegay in la soo celin doono nin la yidhaahdo Eng Yuusuf Caynab Muuse oo laga dhigi doono wasiirka Hawlaha Guud.
 

Waxa kale oo uu Jaamac noo sheegay in la magacaabi doono nin kale oo magaciisa uu ku sheegay Maxamed Cabdillaahi Siciid, kaas oo loo magacaabi doono wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha, halka Maaliyaddana uu sheegay in laga dhigi doono Cali Maxamed Warran-Cadde.

Xogtan oo aniga yaab i gelisay bal waynu eegi doonaa halkay ku dambayso

HAATUF.
 
Cabdiqani Ismaaciil Maxamed (Foodcadde)
Geneva, Switzerland
 
 

No comments: