28 May, 2009

Heshiis Saddexda Xisbi Qaran iyo GDQ

Republic Of Somaliland                             Jamhuuriyada Somaliland 

National Electoral  Commission 

Ref/GDQ/XK/ 711 /09                                                   Hargeysa 27/05/2009

Heshiis Saddexda Xisbi Qaran iyo GDQ

Saddexda Xisbi qaran iyo Guddiga Doorashooyinka, ka dib wadahadaladii u soo taxnaa  16kii ilaa 26ka May 2009, ee lagaga baaraandegay sidii la iskula meel dhigi lahaa heshiisna looga gaadhi lahaa hawlaha diyaargarowga Doorashada Madaxtooyada:

Iyagoo xeerinaya,

muhimadda ay leedahay in la gaadho heshiis-wadareed saldhig adag u noqda geeddi-socodka doorashada Madaxtooyada.

Iyagoo tixgelinaya:

 1.     In dadka reer soomaaliland xaq u leeyihiin in loo qabto doorasho  xor ah oo xalaal ah oo aan mad-madow lahayn.

2.    Iney lagama maarmaan tahay madaama waqtigu is gurayo in laysu tanaasulo, si looga midho dhaliyo Doorashada Madaxtooyada.

Markii la falanqeeyay:

Baaxadda ay leedahay u diyaargarowga farsamada- hawleed ee doorashada Madaxtooyadu.

Waxay gaadheen heshiiskan:

1.     In doorashada Madaxtooyadu qabsoonto waqtiga loo muddeeyey ee  27/9/2009 ee u dhiganta 8da Shuwaal 1430Hijriyada, haddii Alle idmo.

2.    Heshiiska Seerfarka ee saddexda Xisbi Qaran:

Saddexda xisbi waxay isku raaceen baahida loo qabo in la soo saaro liiska codbixiyayaasha rasmiga ah ee u fasaxaya in muwaadinku ka codayn karo goobta codbixineed ee magaciisu ku soo baxo.

Xisbiyadu waxay taageerayaan liiska codbixiyaasha ee kama danbaysta ah haddii shuruudaha soo socdaa fulaan:

2.1         In liiska codbixiyayaashu soo baxo ka hor 27 Julay, 2009 oo ah taariikhdii ay u qabatay soo saarista liiska Guddidii Dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed, Madaxweynaha JSL iyo labada Guddoomiye Xisbi-mucaaridna la aqbaleen.

2.2        In Guddiga Farsamada Diiwaangelintu ay si buuxda u gudato shaqadooda la xidhiidha habaynta Liisaska codbixiyayaasha sida uu qeexayo Xeer No. 37/2007 qoddobkiisa 36.2 ee Diiwaangelinta codbixiyayaasha.

2.3        In qaabka (Parameters) sharaxaya ama macnaynaya diiwaangelinta ansaxday laysla eego si wada-tashi-ahna (Consensus) ugu heshiiyaan Guddida farsamo ee diiwaangelinta codbixiyayaasha oo dhami, sida u farayo xeerka diiwaangelinta codbixiyayaasha qodobkiisa 36.2 iyo kaabista qodobka 11 ee isla sharcigaa iyo xeer-dhaqameedka Axsaabta Siyaasadda ee Diiwaangelinta codbixiyayaasha ee Ref/KDQ/XK/650/09 ee 10/02/2009, si wadajir ahna ay Guddida farsamo natiijada u soo saxeexdo.

2.4        In ay natiijadu tahay mid lagu qanci karo, in ay codbixiyayaasha si aan kala sooc lahayn u siinaysa xuquuqdooda codbixineed sida uu jideynayo qodobka 6.4 ee Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada ee XeerLr. 20/2001.

2.5        Marka u soo saaro "Severku" liiska codbixiyayaasha ee ku-meel-gaadhka ah saddexda xisbi qaran waxay heli doonaan wakhti aan ka badneyn toddoba maalmood oo ay kaga bogtaan liiska codbixiyayaasha, waxaanay hubinayaan in qaabkii hore laysugu raacay la fuliyey. Xisbi kastaa wuxuu ku soo gudbin doonaa qoraal inuu aqbalay liiska codbixiyayaasha ee kama dambaysta ah, iyadoo go'aanka ansixinta rasmiga ahna uu soo saari doono GDQ.

3.    In Guddiga doorashooyinku muddo toban maalmood guduhood ah ku soo diyaariyaan qorshaha hawsha doorashada madaxtooyada oo muddaysan(Presidential Elections Time line) si loola socdo kolba hawsha shaqo ee doorashadu halka ay marayso.

 

4.     Iyadoo la qadarinanayo Bisha Barakaysan ee Ramadaan waa in ololaha doorashada madaxtooyada ee 2009 billaabmaa lixdan maalmood ka hor maalinta codbixinta, dhammaadaana 48 saacadood ka hor maalinta codbixinta. Arrintaa waa in la waafajiyo xeer.

 

5.    Waa in Saddexda Xisbi iyo Guddiga Doorashooyinku, ay soo diyaariyaan heshiiska hab-dhaqanka ee anshaxa doorashada madxatooyada(Code of Conduct), waana in lagu dhammaystiraa afar toddobaad gudahood, marka heshiiskan la saxeexo.

 6.    Meelaha ay ku jiraan gol-daloolooyinka sharci ee xeer 20/2001 qaybtiisa doorashada Madaxtooyada iyo Xeerka Diiwaangelinta 37/2007 waa in la isku waafajiyo lifaaq xeer lana mariyo ansixinta hay'adaha sharci dejineed.

 7.    In saddexda xisbi qaran ee ka qayb gelaya doorashada madaxtooyada laga siiyo  warbaahinta qaranka  xilli isku  mid ah (air time) iyo wakhti ku filan mar kasta  sida Raadyowga Hargeysa,TV-ga Qaranka iyo wargeysyada.

 8.    Guddiga komeerka iyo daba-galka Doorashada Madaxtooyada waa in la xoojiyo awooddooda shaqo, gaarahaan si ay u sugaan in dhammaan lagu dhaqmo shuruucda dalka u yaala iyo ku dhaqanka xeerka hab dhaqanka anshaxa doorashooyinka (Election code of conduct)

wabillaahi tawfiiq

 1.  Xisbiga UCID

Aadan Mire Waqaf                                                _______________

Guddoomiye ku Xigeenka 1aad

 

2.  Xisbiga KULMIYE

 Kayse Xasan Cige

Xoghayaha Guud                                                    _______________

 

3.  Xisbiga UDDUB

Jaamac Yaasiin Faarax    

Xoghayaha Guud                                                    _______________

 4.  Guddiga Doorashooyinka

Jaamac Maxamuud Cumar

Guddoomiye                                          _______________

No comments: