28 May, 2009

Heshiis ay kala saxeexdeen sadexda xisbi qaran iyo gudida doorashada Somaliland

Heshiis ay kala saxeexdeen sadexda xisbi qaran iyo gudida doorashada Somaliland

Halkan ka dhageyso heshiiska oo Maqal ah.

nuxurka heshiiska oo u qornaa sidatan:

 

Saddexda Xisbi Qaran iyo Guddiga Doorashooyinka, ka dib wada hadaladii u soo taxnaa 16-kii ilaa 26-ka May 2009, ee lagaga baaraandegay sidii la iskula meel dhigi lahaa heshiisna looga gaadhi lahaa diyaargarowga Doorashada Madaxtooyada:

Iyagoo xeerinaya, muhiimadda ay leedahay in la gaadho heshiis-wadareed saldhig adag u noqda geeddi-socodka doorashada madaxtooyada.

Iyagoo tixgelinaya:

In dadka reer Somaliland xaq u leeyihiin in loo qabto doorasho xor ah oo xalaal ah oo aan mad-madow lahayn.
Inay lagama maarmaan tahay maadaama waqtigu is-gurayo in laysu tanaasulo, si looga midho dhaliyo Doorashada Madaxtooyada.

Markii la falanqeeyay:

Baaxadda ay leedahay u diyaargarowga farsamada-hawleed ee doorashada madaxtooyadu.

Waxay gaadheen heshiiskan:

in doorashada Madaxtooyadu qabsoonto waqtiga loo muddeeyey ee 27/9/2009 ee u dhiganta 8da Shuwaal 1430 Hijriyada, haddii Alle idmo.

Heshiiska Seerfarka ee saddexda Xisbi Qaran:
Saddexda xisbi waxay isku raaceen baahida loo qabo in la soo saaro liiska codbixiyeyaasha rasmiga ah ee u fasaxaya in muwaadinku ka codayn karo goobto codbixineed ee magaciisu ku soo baxo.
Xisbiyadu waxay taageerayaan liiska codbixiyaasha ee kama danbaysta ah haddii shuruudaha soo socdaa fulaan:

2.1 In liiska codbixiyayaashu soo baxo ka hor 27 Julay, 2009 oo ah taariikhdii ay u qabatay soo saarista liiska Guddidii Dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed, Madaxweynaha JSL iyo labada Guddoomiye xisbi-mucaaridna la aqbaleen.

2.2 In Guddiga Farsamada Diiwaangelintu ay si buuxda u gudato shaqadooda la xidhiidha habaynta liisaska codbixiyeyaasha sida uu qeexayo Xeer No. 37/2007 qoddobkiisa 36.2 ee Diiwaangelinta codbiyeyaasha.

2.3 In qaabka (Parameters) sharaxaya ama macnaynaya diiwaangelinta ansaxday laysla eego si wada-tashi-ahna (Consesnsus) ugu heshiiyaan Guddida farsamo ee diiwaangleinta codbixiyeyaasha oo dhami, sida uu farayo xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha qodobkiisa 36.2 iyo kaabista qodobka 11 ee isla sharciga iyo xeer-dhaqameedka Axsaabta Siyaasadda ee Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Ref/KDQ/XK/650/09 ee 10/02/2009, si wadajir ahna ay Guddida farsamo natiijada u soo saxeexdo.

2.4 Inay natiijadu tahay mid lagu qanco karo, inay codbixiyeyaasha si aan kala sooc lahayn u siinaysa xuquuqdooda codbixineed sida uu jideynayo qodobka 6.4 ee Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada ee Xeer Lr. 20/2001.

2.5 Marka u soo saaro "Sever-ku" liiska codbixiyeyaasha ee ku-meel-gaadhka ah saddexda xisbi qaran waxay heli doonaan wakhti aan ka badnayn toddoba maalmood oo ay kaga bogtaan liiska codbixiyeyaasha, waxaanay hubinayaan in qaabkii hore laysugu raacay la fuliyey. Xisbi kastaa wuxuu ku soo gudbin doonaa qoraal inuu aqbalay liiska codbixiyeyaasha ee kama dambaysta ah, iyadoo go'aanka ansixinta rasmiga ahna uu soo saari doono GDQ.

In Guddiga doorashooyinka muddo toban maalmood gudahood ah ku soo diyaariyaan qorshaha hawsha doorashada madaxtooyada oo muddaysan (Presidential Elections Time line si loola socdo kolba hawsha shaqo ee doorashadu halka ay marayso.

Iyadoo la qadarinayo Bisha Barakaysan ee Ramadaam waa in ololaha doorashada madaxtooyada ee 2009 bilaabmaa lixdan maalmood ka hor maalinta codbixinta, dhammaadaana 48 saacadood ka hor maalinta codbixinta. Arrintaa waa in la waafajiyo xeer.
Waa in saddexda Xisbi iyo Guddiga Doorashooyinku, ay soo diyaariyaan heshiiska hab-dhaqanka ee anshaxa doorashada madaxtooyada (Code of Conduct), waana in lagu dhamaystiraa afar toddobaad gudahood, marka heshiishkan la saxeexo.
Meelaha ay ku jiraan gol-daloolooyinka sharci ee xeer 20/2001 qaybtiisa doorashada Madaxtooyada iyo Xeerka Diiwaangelinta 37/2007 waa in la isku waafajiyo lifaaq xeer lana mariyo ansixinta hay'adaha sharci dejineed.

In saddexda xisbi qaran ee ka qaybgelaya doorashada madaxtooyada laga siiyo warbaahinta qaranka xilli isku mid ah (air time) iyo wakhti ku filan mar kasta sida Raadyowga Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo Wargeysyada.

Guddiga kormeerka iyo daba-galka Doorashooyinka Madaxtooyada waa in la xoojiyo awooddooda shaqo, gaar ahaan si ay u sugaan in dhammaan lagu dhaqmo shuruucda dalka u yaala iyo ku dhaqanka xeerka hab-dhaqanka anshaxa doorashooyinka (Election code of conduct).

Xisbiga UCID
Aadan Mire Waqaf
Guddoomiye ku xigeenka 1aad

Xisbiga KULMIYE
Kayse Xasan Cige
Xoghayaha Guud

Xisbiga UDUB
Jaamac Yaasiin Faarax
Xoghayaha Guud

Guddiga Doorashooyinka
Jaamac Maxamuud Cumar Guddoomiye".

No comments: