SNM IYO NSS TAARIIKHDA SIDAY U WADAAGAAN
Ahmed Arwo
Waxa weli hadal hayntu ku taagantay xuskii 18 May iyo habka loo agaasimay beerta xoriyadda ee Hargeysa. Waa maalin qaran, waa maalin xoriyadeed, waa maalin dadweynahu u siman yahay oo kulmisa reer Soomaliland daraf ilaa daraf, qurbe iyo gudo joogba, ciroole iyo caruur, waranle iyo wadaad, rag iyo haween. Waa xoriyad halowday oo soo guryo noqotay, ka qiime weyn tii hore ee gumeysigii caddaa oodda loo jaray kolka aad ka eegto dhinaca qiimaha ay ku kacday. Waxa ku dhintay geesiyaal kumanaan iyo kumanaan ah, waxa agoomoobay ubad iyo haween aan cidna godob ka gelin. Waxa burburay magaalooyin jiil ilaa jiil la soo dhisaayey. Waxa la xasuuqay duun iyo duurgal, oo laga dabogeeyey raacatadoodii dambi la’aanta loo laayey.
Waxa intaba guul u noqtay maalinta 18 May 1991 ee Burco lagaga dhawaaqay qarannimada Soomaliland ooy ku walaaloobeen beelihii SNM iyo walalahooda dalka, danta iyo dhalashadu mataanaysay. Waxa la tuuray raad-xumadii ka dhashay dawladdii kelitaliska ee dabka isagu dhiibtay, kala qaybisay, iska horkeentay wiil iyo abtigii, nin iyo seedigii, ayeeyo iyo tafiirteed, awoow iyo wiilashii. Waxa la dhigtay cahdi mideeya oo ku dhisan cadaalad loo siman yahay, dhaqaale iyo dheef guud oo sinnaan loo wadaago, xukun aan la kala xigtaysan, xaq loo darbanaado, iyo xaqdarro aan leysagu hiilin.
Waa sanadkii labaad ee dabaal-dego noqday mid murugo dhinac socoto. Waa sanadguuradii labaad ee ina soo marta iyadoo uu xilka hayo Madaxweyne mudadii la doortay dhammaatay. Waana wax laga xumaado in xuskii noqdo mid ay dhooqoysay xukuumad sharcigi ka dhammaaday oo meesha ku joogta dulqaadka mucaaradka oo muujiyey xilkasnimo iyo naf-jecleysi la’aan. Halkii uu Madaxweynahu arki lahaa dulqaadka shacbiga uu laba jeer ku dul damaashaday isagoon haysan awoodii sharci ahaan loogu doortay ee mudadeedu dhaaftay, ayuu u abaabulay xuskii qaranka mid kooxi leedahay oo weliba kooxdu tahay mid ay horboodayaan garab NSS ah, oo uu ka hormariyey ciddii dhashay qaranimada Soomaliland waa SNM ah.
SNM IYO NSS TAARIIKHDA SIDAY U WADAAGAAN
Haddaba waxaan bal faalayn doona waxa dhaliyey in madasha laga waayo maqaamkii SNM ku lahayd xafladda. Waxa NSS ka hormariyey, waa dhacdooyiin taariikhda inoogu jiray oon iloonay balse aanu Madaxweynahaheenu iloobin. Inta taqaan NSS waxay ahayd wey sii yaraanayaan, inta aan aqoonina wey sii badanaysaa. Si taas loo joojiyo, waxa habboon in la qoro taariikhdii halganka laguna muujiyo cid waliba maqaamka ay ku lahyd, iyo dhinaca ay la jirtay. Cid markaan leeyahay waa qof, mana aha in beelo iyo reero loo nisbeeyo fal qof iyo dhowr ku kooban. Waa dulmi iyo cadaalad darro in dambi qof leeyahay loo xanbaariyo reer miyo beel. Waana midda uu dambiilahu gabad ka dhigto, kuna badbaado, oo uu weliba fursad u helo inuu mar labaad dhibtiisii la soo noqdo.
NSS waxay ahayd hormoodka daafaca kelitaliskii Inna Barre. Waxay ahayd muruqa lagu duudsiyo xaqa muwaadinka, waxay u xil saarnayd wanjalaadda iyo ka been sheega muwaadinka u diir-naxa dadkiisa, waxay ahayd awoodda ku shaqaysata Hooyooyinkii iyo Guulwadayaashii, waxay ahayd hay’adda u xilsaaran been fidinta, jaahwareerinta bulshada, dhismaha dacwad aan run ku dhisnayn, markhaati-been abaabulka..Waxay dhegeysan jirtay ooy akhriyi jirtay fariimaha nin iyo xaaskii isu diraayaan, wiil iyo aabahii. Dalka kamay bixi jirin cajalad iyo warqad ayna soo akhriyin, oo madaarka ayaa lagu baadhi jiray si loo xaqiijiyo shaanbadooda .IWM.... Hay’adda waxa jiray xilal kale ooy ka mid ahayd la socodka farogelinta shisheeye, ilaalinta warka daabacan, ilaalinta Baasaboorka iyo daabacadda waraaqaha rasmiga ah.
Raggii saraakiisha loo qaatay 1972-1973 waxay ahaayeen qaar aan iyagu iskood u doonan oo waa laga yaabaa rag aan ogahay inay shaqo kale ka jeclaayeen, ikhtiyaarkaas lama siin. Waxa u badnaa beelaha SNM saraakiishii xiligaas la qaatay. Intaas aan ku dhaafo go’gol dhig si kooban u tilmaamay NSS, aan u gudbo nuxurka maqaalka ee ah maxaa NSS ka hormariyey SNM maalintii xorriyadda Soomaliland.
Kolka NSS xilkeeda aad kor ku sheegan fahamatay, waxay noqotay xiligii halganka cadow toos uga soo horjeeda oo dirir cad kula jira SNM. Ragii xiligaas xilka NSS hayey waxay u ahayd maalin madow kolka ay SNM guulaysato. Waxay ugu darrayd dhacdadii Jeelka Mandheer la jabiyey, wiigag mey seexan, mey nasan oo mey ladin, canaan ,cago-juglayn, hadidaad ayaa xafiisyadooda ka socday. Sidoo kale Dilkii sarkaalka Madaxa u ahaa ee Axmed Aadan ayaa ahayd mid taas u dhiganta. Waxa iyana xusid mudan maalintii Cabdilaahi Askar jeelka lagaga baxay, iyo dhacdooyinka SNM ku faanto oo dhan sida soo-galkii Burco, iyo Hargeysa. Ayaamahaas i waxay u ahayd NSS murugo, naxdin, cabsi iyo niyad-jab gudcur ka dhigtay duhur dharaareed. Gacanta iyo dhafoorka ayaa isku dhegay, fadhi iyo joogba wey diideen. Gaalaa-bax aan jiheysnayn ayey baabuurta dhan walba u eryaan. Waa shaydaan aad arkaysee, dariiqa waa loo faaruqiyey. Wey iska hor iyo dabo yimaadaan, telefoonku ma kala go’in, wax aan canaan iyo hanjabaad ahayn se ma xanbaarsana. Qiimaahooda ayaa kacay. Waana xusuus weli ku jirta maanka Madaxweyne Riyaale, shacbi-weyne se wuu ka maydhay. Waa na is-dhaafkaas kan ayna dadweynahu weli si dhab ah u fahmin.
Dhinaca kale waxa dabaaldeg u ahayd dilkii iyo dimashadii mujaahidiinta Alle ha u naxariistee aan la soo koobi karin balse aan ka magacaabaayo inta hadda maankeyga ku soo degtay oon ka turjumeen kaalintooda iyo maqaamkooda: Cabdiqadir Koosaar, Aadan Shiine, Lixle, Aadan Salaiman, Maxamed Cali, Ahmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Hassan Salyman Weyne, Maxamed Cali (Kaarto Ayuub), Gacmo-dheer, Ibraahim Hayliqin iyo dhigood kale ee dhammaan u dhintay guusha 18ka May lagu xuso. Waxa iyana soo raacda maalintii Cabdillahi Askar la soo qabtay ooy ayaamo fandasiye ku jireen.
Aayaamahaas mugdiga SNM u ahaa ayaa NSS nalka farxaddu ka ifaayey xaafisyadooda iyo xaafadaha ay u hoydaan... iyadoo barje iyo baruur wiigag leysla dhacaayey. Waa isla taariikh labada urur midba si ka soo horjeeda kan kale u arko, una xuso. Waxa mid guul u arkaayey, ayaa kan kale uga dhignayd sun la liqsiiyey. Taas ayeyna salka ku haysaa habka sanadahan loo xuso maalinta Gobannimada Soomaliland.
Siday noqdeen Saraakiishii NSS intii Soomaliland jirtay? Dabcan dadku isku dhaqan iyo dabci ma aha. Qaladna la soo wado gel. NSSna waxay kala noqdeen nin iyo naftiisa. Intooda badani waxay noqdeen muwaadiniin gafkooda qaatay, qaladkoodana toobad ka keenay, Illahayna aan u baryaayo inuu ka aqbalo iyaga , aniga iyo cid kasta oo dambi ka dhacay ka toobad keentay. Waana dar la mid ah bulsho weynta kale oo shar iyo kheyrba leh. Waxa soo hadhay koox weli dariiqii hore haya, oo tacadiga xuuqda dadweynha, isku-dirka, xaaraan-xalaaleynta farsameysan, wanjalaadda, markhaati-been dhiska weli sii haya oo xirfad ka dhigatay ay la god galaan.
Waxa ayaan darro ah in kooxdaasi tahay tan manta ku xoonsan hoggaanka dalka.. Madaxweyne halkii u noqon lahaa nin ku faana wanagga SNM dhalisay illeen isaagaaba u madax ah manatee, ayuu noqday nin xusuusan ayaamihii halkanka iyo maalmihii qadhaadhaa ee SNM soo kala martay... Haddaba haddii dadweynahu maankooda ka maydhay dhibtii ka soo gaadhay NSS ooy weliba ugu abaal gudeen inay Hoggaanka dalka u dhiibaan, abaalkoodi ma waxuu noqday in ciqaabtii iyo tacadigii ay hore u soo mareen lagu celiyo. Waa ayaan darro Soomaliland ku habsatay.
Intaan faalada kuwa qalbigoodu madoobaaday ee beelaha ummadda u kala saara ayna maqaalka si kale u dhigin, waxaan hore u sheegay in beelaha SNM ugu badnaayeen xiligii NSS la asaasay saraakiil ahaan, waxaan qabaa inay xataa xiligii dambe sidaas ahayd. Waxaan hubaa in reer AWDAL yihiin reerka ugu saraakiil yaraa NSSta. Hadalkaygu beelaysan, oo Soomaliland kheyr iyo shar wadaag weeyi. Madaxa xumi meelna badbaadin mayo. Kan fiicanina meel walba wanaagiisu wuu gaadhi, Kolka xumaantu dadka wado taabato, waa inaan madax maqaar saar ah leyno cumaamadin, oon magacaaga lagu muwaadinka lagu dulmiyin.
Waxa muuqata in Nss intii wanaag-doonka ahayd, oo ah inta badan la baal maray, in dhegaha Madaxweynaha ay haystaan col weli ku faana hawlihii xumaa ee xiligii keliteliska ay hayeen. Waana qaar uu isagu soo xushay, oo Madaxweyne kasta fikirkiisa waxa kaaga filan sawirka laga arko la-taliyaashiisa. Iyaga iyo inteena kaleba, waxa inala gudboon toobad keen, iyo inaan ka murugoono qaladka inaga dhaca, ee aynaan ku faanin.
Kolkaad xuskii maalinta qaran ka timaado, waxa ayaan darro ah dhacdooyinka sida badheedhka ah ummdda loogu leeyahay “haddaad horumar degmo, gobal, magaalo, beel, reero rabtaan ka soo baxa Kulmiye oo ku soo biira UDUB”.. odhaahdaas oo keliya ayaa kaaga filan qiimeyn aad ku samayso xukuumadda taliska haysa. Miyeyna ahayn odhaahdii Ina Barre.. “..Xisbiga ku soo biira, hooyooyinka ku soo biira, guulwadayaasha ku soo biira, oo ka kaalaya Iimaan-laawayaasha SNM”
Maxaa isku xidhay waxqabadka dawladda iyo codka muwaadinku xaqa u leeyahay inuu xisbiga uu doono u foodo. Waa dambi-qaran waana mid cida la gole timaada loo baahan yahay in loo diiwaangeliyo si bal maalin oon loola xisaabtamo. Cidda xisbinimo shaqo ku weyda, iyo cidda ku heshaba, waxa habboon in warbaahintu la socdaan, oo ay si tifatiran ula socdaan, una diiwaangeliyaan.
Si aad uga baxdo dulmiga lagu huwiyey, si aad u badbaadiso qarannimda, si aad u tuurto kala-qaybsanaanta iyo qabyaaladda iska jir afmiinshaarka dhadhamo raaca ah, iska jira daalinka shaqo iyo mansab xaq-darro loogu laaluushay, u kac gargaarka bulsho-weynta, u taagnow midnimada, ka dagaal qabyaaladda iyo qaybsanaanta, CODKAAGA KU CIIL BAXA... ka xorow wanjalaad, kiis been ah, iyo markhaati iib ah...waad gaadhi karta guusha, kolkaad naftaada farto wanaaga, kolkaad qoyskaaga barto inaan xalaal xaaraan lagu doorsan, kolkaad fidno iyo colaadda ka hortagto eed ku damiso cadaaladda. Midhaha geedka nabaddu ka baxaa waa CADDAALAD IYO SINNAAN loo sinaado sharciga, kheyraadka, iyo dhib iyo dheef waxii qaranku leeyahay.
Gacmaha hays qabsadaan inta cadaalad doonka ah, inta dalkooda jecel ee dulmi diidka ah, muwaadin ahow UDUB, KULMIYE amba UCID... waxa la gaadhay heer xukuumadda talada haysa leyska garabsan lahaa, oo qaranka rahman laga furdaamin lahaa. Dimuquraadiyadu waxay waajib ka dhigtaa in dadweynahu helo fursad ay ku bedelaan xukuumad xun, oo ay ka soo baxaan xisbiga talada haya, una digo rogtaan mucaaridka. Taas la’aanteed waa dimuquraadiyad la’aan. Waana waxa loo yaqaan “kelitalis xisbiyada badan” ( Multi-party dictatorship), waa dal xisbiyo jiraan bal se shuruucad taal iyo awoodda qaranka ay si sharci darro ah ugu tagrifaan cidda hoggaanka dalka haysa si kasta ha ku yimaadaane...waa sida ay tahay dalka Masar. Haddaba inagoo dagaal iyo halgan qadhaadh u soo maray xorriyaddeena aynu noqono dar ka foojignaada inaynu abuurno kelitalis kale... ogow midba midkuu ka dambeeyo wey ka adkan doontaa sida loo ridaa. Haddaan manta loo kicin badbaadada dimuquraadiytada curdinka ah, oo aynu si nabad ah oo fudud ku furdaamin karno, waxa Alle inooma keenee aynu halis u nahay burbur iyo aafo colaadeed.
Mucaaridka waxa la gudboon is-aamin, isu-tanaasul, dulqaad, wadajir, foojignaan, talo-wadaag iyo inay kordhiyaan dadaalkooda dhinaca wacyi-gelinta iyo baraarujinta guud ee shacbiga. Yaan loo kala tegin badbaadinta qaranka, cahadka iyo ballanka inoo yaal aan aamino, rumeyno, yaan leys badhi-furin, samir la’aan iyo talo-xumo yeyna Riyaale u cimri-dheerayn. Waa masaiirkii ummadda ee damac shakhsi iyo canaad shakhsi, iyo kala-dambeyn la’aani yeyna halaag iyo hoog u soo hoyn ummadda u taagan inay CODKOODA KU CIIL BAXAAN ooy si nabad ah ku tuuraan heeryada dulmiga iyo dalasiga. Iska jeer qabyaaladda oo dusha how ridan dambi nin kale galay, isskana jir inaad fal qof iyo dhowr sameeyeen aad u nisbaysiiso reer iyo beel aan dambiga la wadaagin. Waa ruux iyo naftiisa, danta guudna weynu u simanay, qofna marti dalkiisa kuma aha...Soomaliland waxa ah reer Soomaliland oo dhan.
ILLAAHAYNA AYNU TALO-SAARANO.
Ahmed Arwo
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment