11 May, 2009

BREAKING NEWS: Xaaska Daahir Rayaale iyo Caruurtiisa oo Usoo Guuray Dalka Faransiiska

BREAKING NEWS: Xaaska Daahir Rayaale iyo Caruurtiisa oo Usoo Guuray Dalka Faransiiska Kana So Goo-goostay Somaliland

hudaSawir Mawrada Daahir Riyaale Kaahin, Huda Barkhad. Source Harowo.

Paris (Somaliland.Org) Waxaa shalay oo Axad ahayd ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baaris ee dalka Fanansiiska Huda Barkhad oo ah xaaska Daahir Rayaale oo wadata caruurteeda intii ku hadhsanayd Somaliland, ayna weheliyaan seddex dumar ah oo midna ay walaalo yihiin, labana ay yihiin shaqaale iyada u shaqeeya (staff). Waxaa Huda Barkhad iyo dadkii la socdayba isla shalay  loo qaaday  magaalada Reims oo waqooyi ka xigta Paris oo guri loogu sii diyaariyay.

 

Wuxuu warku intaa ku daray inay Huda Barkhad iyo caruurteeduba  ku soo dhoofeen baasaboor ay bixisay dawladda Jabuuti oo ah nooca la siiyo diblomaasiyiinta iyo  qoysaskooda. Waxay kaloo dawladda Jabuuti gacan ka wayn ka gaysatay sidii xaaska Rayaale iyo caruurtiisa ay u heli lahaayeen fiisaha dal ku galka iyo ka dal ku degenaashaha Faransiiska.

 

Waxaa safarka Huda Barkhad iyo caruurteeda ka soo shaqeeyay wakiil ku xigeenka Soomaliland ee Faransiiska u fadhiya oo magaciisa la yidhaa Xasan Cali, dadkunu u yaqaanaan Daahir. Ninkani oo dhalasha ahaan ah nin reer Jabuuti ah oo Faransiiska deggenaa muudo dheer waxay qaarabo hoose yihiin Huda Barkhad. Wuxuu ninkani mudda dhawr wiig ah hadda  ku maqnaa Hargeisa iyo Jabuuti, isaga ayaana shalay waday Huda Barkhad iyo caruurteeda, isaga ayaana guriga u sii diyaariyay. Waxaa kaloo Xasan Cali u sii diyaariyay iskuuladii ay caruurta Daahir Rayaale gali lahayeen, iyo xisaab bangi oo uu hore ugu sameeyay Huda Barkhad oo la rumaysan yahay in hanti badan oo qaranku leeyahay lagu shubay.

 Arrinta ku saabsan soo degidda caruurta iyo xaaska Daahir Rayaale ee Faransiisku waxaa la sheegay inaanu ka warhayn Wakiilka Somaliland ee Qaabilsan Faransiiska, Mudane Fagaadhe, oo hadda jooga Somaliland lana filayo todobaadyada soo socda inuu ku soo noqdo dalka faransiiska. Wuxuu Daahir Rayaale arrinta dejinta reerkiisa u xilsaaray Xasan Cali oo horena uga tirsanaan jiray ciidamada sirta ee Jabuuti.

 Arrintani waxay ku soo beegantahay xilli su'aallo badan oo shaki iyo walwal  lihi ay ku hareeraysan yihiin Daahir Rayaale iyo siyasadda uu ku hagaya Somaliland. Waxaana talaabadani ay muujinaysaa qorshihiisa ku wajahan mijixaabinta dawladnimada iyo nabadgalyada Somaliland. Waxaa muuqata in isagoo adeegsanaya xidhiidhka shakhsi ahaaneed ee uu la leeyahay Jabuuti uu go'aansaday inuu reerkiisana dejiyao Faransiisnka si caruurtiisa halkaa ugu nabadgasho, xaaskiisuna ay u yeelato sharci degenaasho, isaguna uu u tago marka uu dab ku qabto nabadgalyada iyo qarinamda Somaliland isagoo hantidii umadda iyo reerkiisiba dibadda ku haysta.

 Maalintii Sabtidii ee aynu soo dhaafnay ee Rayaale shirka jaraaiid ku qabtay Hargeisa ee uu BBC dana waraysiga siiyaya ayay ahayd maalintii caruurtiisa iyo xaaskiisuna ay u soo safrayeen Faransiiska. Hanjabaadii hadalkiisuna waxay tilmaan cad ka bixinaysaa sida aanu u kale jeclayn in xal loo helo khilaafka siyaaadeed  ee hadda ka taagan Somaliland, mar haddii uu kale baxay hantidii qaranka iyo reerkiisiiba dalka..

 Caruurta Daahir Rayaale qaar ka mid ah ayaa horeba u sii joogay dibadda. Wuxuuna Daahir ka iibsaday guryo dalka Masar iyo dalka Imaaraadka.


No comments: