21 April, 2009

Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)

"Gar ayaanu galnay oo labadii dhinac ee aanu u garqaadnay golaha wakiiladdu si sharaf leh ayay yeeleen waanay qaaten gartii iyo go'aanadii laakin Madaxweynahu (Riyaale) wuu diiday gartii iyo go'aamadii" Abwaan Gaariye

Hargeysa, (sli)-Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) ayaa shalay iska cafiyay xanaf siyaasaded oo dhex martay muddo sannad iyo dhawr bilood ka hor ahayd.

Madaxweyne Rayaale iyo Abwaan Gaariye, waxa ay isku saamaxeen munaasibad loogu wanqalay SOMGAS oo ah shirkad soo saaraysa gaasta wax lagu kariyo, oo lagu qabtay darafka bari ee magaalada Hargeysa, taas oo ay labadooduba ka mid ahaayeen martida lagu casuumay ee hadalka ka jeedisay.

Inkastoo aanay rasmi ahaan u muuqan cidda ka shaqaysay in labada Oday iska saamaxaan waxyaabihii ay kala tirsanayeen, haddana ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay jireen wada hadalo hore oo ay ergo odayaal ahi isaga dab qaadayeen Madaxweyne Rayaale iyo Abwaan Gaariye, kuwaas oo madashaas shalay u arkay inay tahay fursad ay isku saamixi karaan, maadaama oo ay labadooduba joogeen, waxaanay Madaxweynaha iyo abwaanku markii ay isa saamaxeen is dhaafsadeen ereyo kaftan ah oo uu nuxurkoodu yahay inay is cafiyeen.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac, ayaa bishii Septermber ee sannadkii 2007 isweydaarsaday eedaymo kala duwan oo la xidhiidhay dhexdhexaadintii ay ergo uu Abwaan Gaariye ka mid ahaa ka dhex waddeen Madaxweyne Rayaale iyo mucaaradkiisa oo xilligaas isku maandhaafsanaa arrimo dhawr ah oo ay ugu horaysay xadhigii madaxdii Qaran iyo arrimo siyaasadeed oo kale. Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, ayaa xilligaas Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay inuu fulin waayay go'aamadii ay ergadu gaadhay ee uu fulintooda balan qaaday, "Gar ayaanu galnay oo labadii dhinac ee aanu u garqaadnay waxii aan kala kulanay inan sheegno weeye oo taasay umaddu naga sugaysaaye, waxaan leeyahay golaha wakiiladdu si sharaf leh ayay yeeleen waanay qaaten gartii iyo go'aanadii laakin Madaxweynahu wuu diiday gartii iyo go'aamadii' ayuu yidhi Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac, oo xilligaas ka hadlayay shirjaraa'id oo ay wada qabteen Abwaan Hadraawi oo isna ergada ka mid ahaa. Laakiin Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka damqaday eedayntaas uu Abwaan Gaariye u jeediyay, waxaanu si qaawan u weeraray sakhsiyadda Abwaanka iyo weliba Abwaanka kale ee Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi), oo isna ergada ka mid ahaa waxaana hadaladii Madaxweynaha ka mid ahaa "Gaariye waa nin aan dadka dhagaysan ee isagu is dhagaysta." Maalmo ka bacdi ayaa waxa Abwaan Gaariye waraysi dheer la yeelatay laanta Afka Somaliga ee Idaacadda VOA-da, waxaanu isaga oo ka jawaabayay sida uu u arko weedhaas uu Madaxweynuhu ku duray uu ydihi "Anigu Madaxweynaha aflagaado ku odhan maayo, mimbarkana umaan fuulin inaan Madaxweynaha la yooyootamo." Hase yeeshe Abwaanka oo ay idaacadu markaas weydiisay su'aal ahayd sida uu u arko hadalka Madaxweynaha ee ah Nimankaas Abwaanada ah ayaa si kale ii eeganaya oo ujeedo kale leh, waxa uu yidhi, "Annaga waa lana yaqaanaa oo maalinta aanu dawlad iska hornimaadno markaas ayuun baa loo yaabaa. Tii Siyaad Barre ayaanu sidaas wax maqal ugu kari weynay, maalintaanu la cawlaanay ee haydh haydh naga galay dawladii Siyaad Barre, maalintaas ayaa gilgilasho ugu horaysay. Ninka la yidhaahdo Daahir Rayaalena inaanu la cawlaanay ayaan u malaynayaa. Sabab aanu gaar ahaan ugu eryanaynayo xukuumadda Rayaale ma jirto, annagu kuwa qabiilaystayaasha ah ma nihin oo waa lana yaqaanaa oo taariikhdayadu way cadahay."

Si kastaba ha ahaate, waxa ay labadoodaba [Rayaale iyo Gaariye] shalay u ahayd fursad qaali ah oo ay iskaga cafiyeen utuntaas siyaasadeed ee dhex martay dabayaaqadii sannadkii 2007, waxaana sida sawirka ka muuqata wejiyadooda laga dheehan karaa farxad iyo qosol uu midba midka kale ku soo dhawaynayo. Sidoo kale waxa iyaguna farxadaas la wadaagay dadkii ka ag dhawaa markii la isu keenay iyo xubno ka mid ah ergadii dhexdhexaadinta ku jirtay ee madasha joogtay.

--Wargeyska Geeska Afrika

No comments: