27 September, 2005

HOOY CODKAAGU YAANU CADOW KUGU NOQON ( DHAMMAAD )

Tuesday, 27 September 2005

29KA SEPTEMBER 2005 WAA DHARAAR MASIIRKA SOMALILAND GACANTA SHACBIGA SOO GALAY.WAA MAALIN AAN SHAN SANO KU SOO MAREYN. WAA DHARAAR ACODKAAGA AD MAHADIN AMBA AAD QOOMAMAYN.
Waxa gaaladu tidhaahdaa, maalinta doorashadu waa xajka dimuquraadiyada.Iyagoo uga jeeda sida dadku u siman yahay een nin awood leh iyo mid itaal yare, taajir iyo faqiir,wiil iyo waayeel, rag iyo dumar loo siman yahay oo cid kasta oo dada cod bixinta gaadhayba hal cod leedahay. Aniga uma dhiganto xaj, oo lama ag dhigi karo tiir ka mid ah tiirarka diinteenu ku dhisantay. Waxay se ina tusaysaa culuska iyo qiimaha ay ku leedahay nidaamka dimuquraadiga maalintani. Waa inaad sidaas u garataa, u samirtaa dafka dheer, cadeedka kulul, askariga usha ruxaaya, dadka is-riixa iyo qayladu u dabeecad tahay.U dulqaado, masuuliyiin safka ka dul booda oon ixtiraamin qaynuunka sinaanta. Yaan yoolka lagaa leexin, u codee si aad nolashaada wax uga bedesho, si aad ku jeexdo dariiqa Somaliland ku socon doonto shanta sano ee soo socda. Ogow, inaad furaddan qaaliga ah sugi doonto shan sano.
Waxa kaliya ee wax bedelayaa, waa adigoo codkaaga ku hubsada xisbiyada mucaaradka uuna hormood u ayahay xisbiga KULMIYE. u CODEE AQOONTA, U HIILI WADANKA IYO MUSTAQBALKAAGA, MUSUQMAASUQ IYO CAGAJUGLAYN TUUR. UDUB IYO DULMIGEEDA IS RAACI, OO KU CIIL BAX CODKAAGA.
UDUB KU DIID
  • Cadaalad darrada, iyadoo maxkamaduhu yihiin qaar ku dhex milmay golaha fulinta.Waxaad xusuusataa xukunka degdega ah, ee ka baxsan distoorka soomaliland.Waxa jeelasha dalka ku jira maxaabiis tiro badan oo u xidhan wasiiro, maayaro, badhasaabo oon bilo iyo sanado ku dhammaystay xukun la'aan.
  • Musuqmaasuq inuu sii kobco maahee aan marna lesku dayin in la joojiyo.Waxaad ogtahay inaan cidna lagu dacweyn xatooyo hantida qaranka.Waxa ayaan darro ah in Wasiiradu ku faanaan inay qaataan mushahar u dhigma $200 bishii, kolka laga dheragsan yahay inay khrashgareeyaan kumanaan doolar.Waxa shaqaalaha la siiyaa lacag aan ku filnayn maalin, si ay u noqdaan qaar u nugul musuqa iyo baryada wasiirada.
  • Shaqaalahu ma leh nidaam derejo (Grade System). Sidoo kale ciidanka iyo bolisku ma leh derejo. Taliyaha Ciidanka iyo boliska wax taliye dhaafsan looma yaqaan.Dunida cid ku labaysa ciidan aan derejo lahayn ma jirto. Inagaa kow ah oon cidina ina labeen.
  • Ma jiro barnaamaj dawladeed oo sanadle ah. Miisaniyaddu ma laha dabogal iyo xisaab xidh, kolka distoorku leeyahy waa in sanad walba xisaab xidh la hor keenaa Golaha wakiilada.
  • Qandaraas bixintu waa mid aan nidaam iyo xisaabtan midna lahayn. Waxaad xusuusataa iskaraabkii qalabka ciidamada sida loo bixiyey. Taas ku dar qasabadiihii betroolka ee Berbera ugu dambayna xusuuso TVga qaranka iyo sida loo soo maamulay.
  • Heshiisyada iyo xidhiidhka jaaraku waa mid aan lahayn qorshe cad. Marna lama horkeenin Golaha Wakiilada arrimahan oo u baahan inay ogaadaan.Waxaa tilmaan mudan xabsigii ragga ka tirsan OLF ee dhaliyey in 50 baabuur oo muwaadiniinta Somaliland leedahay la gubo, dhowaana Maxkamadda Sare amartay sii deyntooda, iyadoo leh waxaa lagu xidhay si aan sharci ahayn.Waxa is weydiin leh halkay ragga baabuurta lehi u raacaan dhacdadan burburisay dhaqaalahii ay ubadkoodo ku masruufi jireen. Marna dawladdu mey muujin culayska arrintana leeday, iyadoo laga dheregsan yahay walaalnimada dal iyo dadba ka dhexeysa Somaliland iyo Kilinka Shanaad. Waxa inaga dhexeeyaa waa xidhiidh aan cid kale inagu wehelin, waa xidhiidh ma guurta ah oo dhinacyo badan, mid dhaqaale, dhaqan, iyo bulshaba.Si kasta ha ahaatee, may ahayn in dawladdu gacmaha laabato, dhegaha furaysato indhahana daboolato.

Iyana waa yaabe, bal miisaan ragga Madaxweyne Riyaale golaha dawladda ka rukhseeyey. Waa Dr. Cabdi Aw Daahir, Axmed Yusuf Ducaale, Caynab, Dr. Ceelaabe, Dr. Gees, Dr. Hussien, Taliye Xasan Yoonis, Taliye Cabdisamad, Maxamed Xaashi Cilmi, iyo Cismaan Xasan. Bal ag dhig kuwa golaha ku hadhay. Maxay ku tusaysaa? Waa gole ku dhow 60dameeye. Wasaarad keliya oo qorshe raad raac lihi ma jirto.Waxa hubaal ah inaan Madaxweynahu qaarkood bilo iyo bilo arag.

Haddaba si aad u toosiso qaladaadkaas aan soo koobay, waxa habboon in la helo Gole ka soo bixa hawsha looga baahan yahay wakiilada. Ku hubso inaad u codayso Mucaaridka oo xaqiijin kara la xisaabtanka dawladda.Qaar aan yeelayn in mushaharka madaxweynahu ka badnaado kan Bush iyo Blair oo leysku geeyo.Qaar aan ogalaan in miisaaniyad la ansixiyo ilaa tii hore xisaab xidhkeeda aan la sameyn.Qaar mudnaanta siiya wasaaradaha wax soo saarka leh iyo kuwa horumarinta bulshada. Wakiilo ka turjuma dareenkaaga oo joojiya wax kasta oo ka hor imanaaya distoorka iyo sharciga dalka.Qaar baabiiya xukunka degdega ah.Dar qiimeeya warbaahinta xorta ah. Kuwo hirgeliya idaacad dhexdhexaad ah oo dalka wada gaadha.Duul rumeeya kala saarka Golaha Fulinta, Kan Caddaaladda iyo Kan Sharci dejinta. Kuwo dhisa booliis iyo ciidan qaran, oo dalku leeyahay ee ayna gaar u lahayn Golaha fulintu.

Maanta adigaa midida daabkeeda haya ku jar xadhiga dulmiga iyo duudsiga, ku dil cudurada, musuqmaasuqa, aqoon la'aanta iyo shaqo la'aanta. Ha noqon kan isagu is dooxa ee midida afkeeda isku soo jeediya.U gargaar nolashaada, tan ubadkaaga iyo tan danyarta Somaliland.

Ha noqon mid doolar lagu iibsado. Diid in lacagtaada lagugu laaluusho.Gudo waajibkaaga oo ku hubso inaad codkaaga ka dhigto mid kuu hiiliya. U codee mucaaridka oo yaan codkaagu cadow kugu noqon.

Dardaaran waxaan u dirayaa inta hawshan qiimaha badan u xilsaaran. Waxa nasiib u yeelateen in leydunku aamino dhismaha gole sharci dejineed oo si sharci ah ku yimaada.Haddaad maanta si xaq ah u maamushaan waxaydun taagi doontaan geedka cadaaladda iyo horumarka qaranka. Waxaydun heli abaalka dadweynaha iyo kan ma huraanka ah ee Illaahay. Haddii kale ummaddan waxaydun u horseedi dulmi iyo dibudhac, idina waa idiin holaca naareed. Illaahay haydiin fududeeyo hawshiina, nabad iyo xalaalna hay noogu dhammeeyo dhismaha dawlad dimuquraadi ah oo ku biirta adduun weynaha xorta ah.

Ahmed Arwo

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: