21 February, 2009

Hormuud News Saturday, February 21st, 2009 18:04
[Saturday, February 21st, 09] :: Garabka Isbeddel-doonka UDUB oo si Kulul u Weeraray Hoggaanka Xisbigooda iyo Shirweynihii 2aad
news image

Hargeysa (Jam)- Siyaasiyiinta garabka isbeddel-doonka xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB, ayaa markii ugu horreysay si kulul u weeraray hoggaanka xisbigooda iyo habkii loo maamulay shirweynihii labaad ee lagu doortay murrashaxiinta ugu qaybgelaya tartanka doorashada madaxtooyada ee soo socota.


Shir-jaraa'id oo ay shalay wadajir ugu qabteen hoteelka Obama ee magaalada Hargeysa siyaasiyiin door ah iyo xildhibaanno Golaha Wakiillada ka mid ah oo ka tirsan garabka isbeddel-doonka iyo dimoqraadiyadda ee xisbiga UDUB, waxa ay si adag ugu dhaliileen hoggaaminta siyaasadeed ee Madaxweyne Rayaale oo ku eedeeyeen inuu ku tuntay distoorka qaranka iyo shuruucda dalka iyo xeerarka xisbigooda.


Kulan-siyaasadeedkaas oo ahaa kii ugu ballaadhnaa ee isugu yimaaddaan garabka isbeddel-doonka UDUB, ayaa waxa ka qaybgalay labaataneeyo xubnood oo isugu jira murrashaxiintii tartanka loo diiday, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale, kuwaas oo ka mid yihiin; Xildhibaan Axmed Sandoon Xasan oo u taagna murrashaxnimada jagada Madaxweynaha, Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Aadan Axmed Diiriye (Ruush), Wasiiru-dawlihii hore ee Hawlaha, Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale oo ka tirsanaa guddiga fulinta ee UDUB, Mr. Xasan Jaamac Bacad oo ka mid ah qurbo-joogga ka qaybgalay shirweynihii labaad ee xisbigu horraantii bishan ku yeeshay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, Md. Aadan Tarrabi Oogle, Md. Ibraahim Dhaadheere, Md. Xariir Siciid Bullaale oo dhammaantood ka tirsan Golaha Wakiillada iyo xubno kale oo tiro badan.


Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale oo ah shirguddoonka garabka isbeddel-doonka UDUB oo ugu horreyn shirka furay, ayaa ka cudurdaartay maqnaanshaha murrashax Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo sababo caafimaad darteed uga baaqday kulankan oo uu sheegay in ujeeddadiisu tahay mid ay ummadda ugu bayaaminayaan hadallo raad-gadasho ah oo dhowaanahan ka soo yeedhayey hoggaanka dalka iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Madaxweyne Rayaale.


Waxa Eng. Ducaale si adag u naqdiyey hadallo naxli kuwan oo marar kala duwan ka soo yeedhay Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo uu sheegay inuu sabab u yahay badi qallooca iyo khaladaadka siyaasadeed ee lagu dhaliilo xukuumadda Madaxweyne Rayaale, "Markii Wasiir Cawil yidhi; Aadan-shiine iyo Cabdulqaadir Koosaar waxa dilay Siilaanyo, waxaannu isugu nimi shir degdeg ah oo aannu go'aan ku gaadhnay in tallaabo laga qaado, ayaan-darrose hoggaankii aannu u gudbinay ee go'aanka lahaa ayaa macni ka soo qaaday oo arrintii dhinac iska dhigay. Haddii masuuliyad qaran jirto maalintaa Wasiir Cawil 24 saacadood gudahood shaqo dambe muu qabteen."


"Maalin dhoweyd waxaan telefiishanka ka daawaday Wasiirka Maaliyada oo leh ragga UDUB ka cadhooday culays weyn naguma hayaan, Wasiir Cawil waxaannu leenahay saadambe ayaad garan, ceebaha agtaada yaalana ha kula galgalan mucaaradk iyo dad kaaga lexejeclo badan dalka iyo dadka Somaliland," ayuu yidhi Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale.


Xildhibaan Axmed Sandoon Xasan oo ka tirsan golaha degaanka caasimadda Hargeysa, isla markaana hore ugu dhawaaqay inuu ka mid yahay murrashaxiinta Madaxweyne Rayaale kula loollamaya jagada murrashaxa Madaxweynaha UDUB dhexdiisa, ayaa si faahfaahsan uga warramay qaabkii ururradii siyaasiga ahaa ee lagaga guulaystay doorashadii ugu horreysay ee golayaasha degaannada dalka ula midoobay xisbul-kaaimka talada haya iyo fool-xumooyinka loo maamulay ergooyinkii madaxtooyadu u soo xulatay ka qaybgalka shirweynihii Maansoor oo uu ku tilmaamay mid Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu ku afduubeen, kuna burburiyeen himiladii xisbiga iyo weliba hoggaamintii qaranka ee shacbiga Somaliland aamineen.


"Golaha dhexe ee xisbiga UDUB waxa uu ahaa 411 xubnood oo isugu jiray 40 xubnood oo HORMOOD ah, 40 ASAD, 40 SAHAN ah iyo inta kala ee UDUB ah, nasiib-darrada ugu weyn ee meesha ka dhacdayna waxa weeye in 161 xubnood oo keliya ka qaybgalaan shirweynihii afduubnaa oo golaha intiisii kale albaabada laga xidhay, weliba fool-xumada wax loo maamulay waxa hoggaanku caddaystay inay ka maarmeen gebi ahaanba ururradii ku biiray UDUB. Tusaale ahaan; annaga oo ahayn HORMOOD oo golaha dhexe ugu jireen 40 xubnood, toddoba keliya ayaa laga qaatay, arrimahaas iyo kuwo kale oo badanna waxay daliil yihiin sida Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu keligood u toocsadeen taladii xisbiga ee la wada lahaa iyo masiirkii ummadda."


Md. Axmed Sandoon Xasan, waxa uu ku eedeeyey Madaxweynaha Somaliland inuu farogelin ku hayo golayaasha kale ee qaranka, isla markaana candadawtay waxqabadkii shacbigu ka sugayeen, waxqabadkii shacbigu ka sugayeen, taasina keentay fadhiidnimada ka muuqata golayaasha degaannada dalka iyo Baarlamaanka, haddana ku hawlan yahay sidii uu u burburin lahaa Golaha Wakiillada oo ah marjaca ugu dambeeya xalliya dhibaato kasta oo dalka kasta o dalka soo wajahda, sidaa darteedna waxa uu ugu baaqay inuu faraha kala baxo aqalka odayaasha oo uu ku tilmaamay rukunka ugu muhiimsan hay'adaha qaranka.


Waxa kale oo xildhibaan Sandoon ku dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hirgelinta nidaamka dimoqraadiga ah ee dalka ka hanaqaaday, balse hadda u muuqata mid ay dhaawac weyn gaadhsiiyeen hoggaanka xisbigooda UDUB oo uu ku sifeeyey kuwo aan wax lexejeclo ah ka qabin dadka iyo dalka toona.


Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Mr. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo isna shirkaa jaraa'id hadal dheer ka jeediyey, ayaa daboolka ka qaaday in aan doorashada Madaxtooyada ku qabsoomayn waqtiga loo qoondeeyey oo ah 29-ka March, arrintaas oo uu sabab uga dhigay Madaxweyne Rayaale iyo Komishanka Doorashooyinka oo isaga hoostaga aan midkoodna daacad ka ahayn, isa markaana hadallada ka soo yeedhaya xukuumaddu yihiin qaar afka baarkiisa ah oo aan run ahayn.


"Doorashada ay ku dhawaaqay xukuumaddu ee ay iskaga dabanoqnoqtay inay ku dhici doonto 29-ka March, inkasta oo joornaalka maanta wax ka duwani uu ku qornaa oo Madaxweyne-ku-xigeenka aad moodo inuu hadal loo dhiibay ku dhawaaqay, Komishankuna uu u soo araaranayo inuu wax cusub sheego. Riwaayad hore loo soo dhigay ayaa ahayd 'Waa Maadays Adduunyadu Dadkuna Wuu Matalayaa', waxaad moodaa shacbiga Somaliland inay hurdaan oo loo dhigayo riwaayadaas, kadibna kala hurdo tagayaan, waxaan leeyahay riwaayadaas ka baxa oo fura indhihiina. Riwaayadaas Waa Maadays Adduunyadu Dadkuna Wuu Matalayaa ee la dhigayaa waa 29-ka March ee ogaada, waxan Madaxtooyadu sheegayso waxba kama jiraan ee waa been, mar walba Ina Rayaale wuxuu ku dhawaaqaa 29 bay dhacaysaa, wuu ogyahay isaga iyo rag Komishanka ka mid ahina way is ogyihiin in aanay doorashadu dhicin 29-ka March, shacbiweyno waxba kama jiraan in doorasho ku dhacayso 29 March, waayo Rayaale iyo Komishanku midna kumuu talogelin. Horta madaxtinimada Ilaahay baa bixiya, anigu waxaan kow ka ahaa doorashadii hore raggii u soo halgamay ee ugu talogalay inay u dhintaa Rayaale, anigu maan ahayn Cawil-kii deganaa Maansoor markii la magacaabayey seexan jiray ee joogay, laakiin wuu noqon waayey Rayaalihii aanu shalay u halgamaynay, Somaliland-nimadii nin ka baxay ayuu taagan yahay haddii aan qiyaaso saddexdii sanno ee u dambeeyey."


Waxa kale oo Ismaaciil-yare si kulul u naqdiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne-ku-xigeenka oo sheegayey inuu xidhiidh wadahadal iyo isla jaanqaad maamulka uu ka tirsan yahay la yeelan karo Maamulka cusub ee loo dhisay Koonfur ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif. Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; "Somaliland waa dawladda madaxbanaan oo gooni u taagnaanaysa, shacbigaana arrintaas goostay, wixii ay goostaan baana lagu dhaqi karaa ee ninkii isagu shandad qaata ee yidhaa aniga ayaa wada oo fedaraal ayaan doonayaa waa beentii ee dawlad iyo cid kasta oo uu la galayow yaanu idin lugoyn shacbigaa tan ilaashanayee, ninkii qarankan u dhaartay ee ka baxa ee damca inuu meel kale geeyow ma geyn karaysid. Shirkayga jaraa'id ee dambe ayaan kaga hadli doonaa wixii lala soo galay dawladda Itoobiya iyo wixii lagu soo heshiiyey. Sheekh Shariif saxaafad caalami ah oo uu u waramay iyo meel uu ka yidhi maynu arage xaggee ayuu Madaxweyne-ku-xigeenka ka hadalkuu ku dhawaaqay."


Wasiirkii hore ee Daakhiliga uu kulankaas ka caddeeyey jiritaanka dacwad garabkoodu u gudbiyeen Maxkamadda Sare iyo Komishanka Doorashooyinka, ""Waxa jiray war Jamhuuriya qortay oo sheegayay in aannu Maxkamadda Sare dacwad geynay; waanu u tagnay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxaannu u sheegnay in aanu nahay raggii loo diiday murrashixiinta xisbiga UDUB raggii loo diiday oo xuquuqdoodii loo diiday. Ninka Guddoomiyaha ah ballan baanu leenahay oo isaga ayaanu ka sugaynaa, welise wuu diiday iyo wuu ogolaaday midna ma odhan karno, xaqna waa loogu leeyahay inuu qabto arjiga oo uu dacwadda eego," ayuu yidhi Ismaaciil Aadan Cismaan.


Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mr. Aadan Axmed Diiriye (Ruush), ayaa isaguna ka sooyaalkii taariikheed iyo sidii ay Somaliland ku timi oo uu sheegay inay ku fadhido halgan dhiig iyo hanti fara badani ku baxday, sidaa daraadeena bulshada looga baahan yahay inay mar walba maskaxda arrintaas ku hayaan oo aanay illoobin.


"Somaliland oo halganlkeedu ahaa qori, xabbad iyo dhiig soo daatay oo qiimo qaali ah ku jooga oo kun sanno wixii ummaddu soo shaqaysanaysay ku luntay, kama suurtogelayso in la yidhaa cidi ima soo agjoogsanayso, lagamana yeelayo. Madaxda Afrikaanka dhaqankeeda waa la yaqaanaa oo taariikh hagaagsan kursiga kagama tagto, ninku wuu iska khaatumo-xumaystaa uun aakhirka oo isaga oo ceeboobay oo naanays kaga tagay oo kabaha ka gashaday gacmaha ayuu meesha ka ordaa, waa haddii uu weliba nasiib leeyahay, haddii kalena waaba lagu dhex dilaa. Waxaan leenahay idinka, ummadda iyo annaguba waanu ognahay sharcigii ummadda in aad jebiseen oo dhaqankii Somaliland waad ku tumateen, inay idinka dhammaatayna waad ogtihiin ee waxa idiin wanaagsan intay goori goor tahay si sharaf leh in aad iskaga baxdaan ama in aad ka noqotaan shirqoolkii inqilaabka aad ku dhisteen ee sharciga ummadda ku dumiseen. Ummaddana waxaan u soo jeedinayaa inay qabtaan waxan socda dalkani wuu dumayaaye oo fadhiga ka kacaan," ayuu yidhi Mr. Aadan Ruush.


"Madaxtooyada beryahan wax cusub oo aan jiri jirin ayaa ka soo uraya, afkaar cusub baa ka soo uraysa, waxa weeye qaranka dhan ee qiimahaa ku jooga ummadda wax aayar nin iyo afar nin toona ku ciyaari karaan ma aha.


Tv-ga ayaan habeen dhawayd ka arkayey Cawil oo wuxuu yidhi, 'toddoba nin ayaa dalka khal-khal gelinaya', Cawil ceebta uu isagu leeyahay ayuu cid kale ku riixayaa, waar toddobada nin waa kuwee, toddobada Somaliland maantana geynaya sidii lixdankii ee Xamar afka la dhacaya adiga iyo intiina Madaxtooyada joogta ayaa ugu horreeya, waxba cid kale ha ku riixina. Meel walba waxaad ka leedihiin waanu wadahadlaynaa Koonfur, arrintaasi Madaxtooyada kama go'dee ummadda ayey ka go'daa, mana geyn kartaa Xamar ee Madaxweyne-ku-xigeenku waxba yaanu afka la dhicin. Waar ninka shalay qaadhaanka SNM diidi jiray markuu Sucuudiga joogay ee la weydiiyo ee lagu kariwaayey taariikhda waanu haynaaye ee Ilaahay maanta ka dhigay Madaxweyne-ku-xigeen ama Madaxweyne ee Xamar afka la dhacaya, waa lagaa qaban ummadda," ayuu hadalkiisa ku soo khatimay Aadan Axmed Diiriye.


Waxa kale oo isaguna shirkaa jaraa'id ka hadlay Mr. Xasan Jaamac Bacad oo ka mid ah qurbo-joogga UDUB ee ka qaybgalay shirweynihii labaad ee xisbigu horraantii bishan ku yeeshay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa weyn u cambaareeyey habkii loo soo maamulay shirkaas oo uu ku tilmaamay ceeb iyo fool-xumo weyn ku ah hannaanka dimoqraadiyadeed ee Somaliland qaadatay, "Sidii shirweynihii UDUB u dhacay waxay weeye wax aanay cid caafimaad qabtaa qaadan karin, caalamku haddii ay ina maqlaana aynu ceeb iyo fadeexad kala kulmayno. Walaalayaal; Madaxweyne-ku-xigeenkii u taagnaa jagadaa in loo doorto ayaa ergooyinkii shirka ka soo qaybgalayey soo magacaabayey, waxaannu doonayey inuu yidhaahdo dadka gaajada iyo harraadku dabargoynayaan dimuqraadiyad baan gaadhsiinayaa, ergooyinkii shirweynaha ka qaybgalay waxa lagu qiyaasay 1100 qof oo isugu jiray qaybaha cid walba intii la soo xushay ayaanu qofnaba qof wax weydiin, kun qof oo meel isugu timi oo aan waxba isweydiin hore caalamka ugamay dhicin.


Arrimaha ugu daran waxa ka mid ahaa guddigii qabanqaabadu habkii ay ku timi in aannu waafaqsanayn xeerka xisbiga oo Guddoomiyihii la dooranayey soo magacaabay," ayuu yidhi Mr. Bacad.


Waxa kale oo Mr. Xasan Jaamac ku eedeeyey Madaxweyne Rayaale inuu maroorsaday taladii xisbiga iyo tii qarankaba, isagoo arrimahaas iftiiminayeyna waxa uu yidhi; "Waxaan xasuustaa muddo ilaa lix bilood ka hor ah oo wasiir wasiirrada ka mid ahi oo weliba reer Awdal ah shir-jaraa'id oo uu qabtay yidhi xisbiga UDUB waxa u taagan oo qudha Madaxweynaha Daahir Rayaale, waxaad ogaanaysaa inay jirtay meel uu Wasiir Buuni oo Madaxweynaha ay isku gobol yihiin warkaasi ka helay, waa gef, waa godob, waa gocasho inuu Buuni oo keli ahi ogaado oo bulshada inteedii kalena aanay ogaan. Waxay ahayd in fursad la siiyo siyaasiyiinta dalka ee joogtay meesha, waxa ugu darnaa ee aan la yaabay waxay ahayd in makarafoonkii ummadda oo dhami maqlaysay laga yidhi sacabka garaaca oo weliba wasiiradow sacabka aad u garaaca, walaalayaal maaha dhaqan islaam, maaha dhaqan soo jireenkii Somaliland ah, maaha mid caalamku axsaabtu halkay ku shirayaan waxaas oo kale la isku yidhaahdo.


Madaxweynaha waxaan leeyahay saaxiibkaa baan ahay waxaan kuu soo jeedinayaa tartan baad dalkan ku gashay oo waad heshay ee tartanka xisbiga dhexdiisa ogolow, laakiin inaad tidhaahdo keliday baa tartamaya kuu suurogelimayso, dalkan rag fara badan ayaa soo maray oo tijaabiyey waxay doonayaan inay mariyaan, umayse suurogelin ee walaal kuu suurogelimayso, wasiiradda aad dooratayna qaarkood caqligoodu kama badna ilmo 18 jir ah, kuwaasaad la tashataa."


Sidoo kale oo Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa ku sifeeyey fulayaal ka baqay in lagula tartamo madal uu kelidii sii sallaxday, "Waxaannu leenahay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka fulaynimo ayaa idinka muuqata, waxana taa u daliil u ah iyada oo caalamka oo dhan looga yaqaan bulshada Somaliland mid adag oo dagaal sida jilayca ah ee loo ogaanwaayey weeraradii la inagu soo qaaday, waxa ka muuqata sirdoonkii qaranka in la dabadhigay siyaasiyiintii ummadda oo la yidhi dabagala oo ay dayaceen cadowgii dalka," ayuu yidhi Mr. Xasan Jaamac Bacad.


Jamhuuriya Online

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: