Suldan Muumin Suldaan Faahiye Oo Ka Mid Ah Madax Dhameedyada Gobolka Awdal Ayaa Sheegay In Shacbiga Awdal Taageersan Yihiin Natiijadii Diiwaangelinta. Boorame(Ramaas) Jan.05, 2009 - Suldaan Muumin Suldaan Faahiye, ayaa sheegay in dadweynaha Gobolka Awdal, ay taageersan yihiin natiijadii diiwaangelinta gobolka, hase ahaaatee ay Komishanka
Doorashooyinka ka sugayaan 15-ka cisho ee dheeraadka ahaa. Suldaan Muumin, oo ku sugan degmada Boon ee gobolka cusub ee Salal kana tirsan madax dhaqameedka Awdal, wuxuu sidaas ku sheegay mar uu maanta khadka Telefoonka ugu waramayay shabakada Ramaasnews Xafiiskeeda Hargeysa. Suldaanku wuxu sheegay in Qaraminimada Somaliland tahay muqadas, isla markaana ay Boorame tahay meeshii lagu unkay, oo uu uga jeeday martigelintii shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay magaalada Boorame.
"Shacbiga Awdal iyo shacbiga Somaliland waa mid qudha oo aan meelna looga kala tegi karin, cidii Somaliland cadow ku ahna waa in wada jir looga hortagaa," ayuu yidhi Suldaan Muumin. Suldaanka oo daba socday hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah odayaasha magaalada Boorame, oo sheegay in ay ka soo horjeedaan natiijadii diiwaangelinta Gobolka Awdal.
Waxaanu yidhi "waxba kama jiraan warka sheegay reer Awdal way qaadacayaan diiwaangelinta ciddii ay ka soo yeedhay gobolka Awdal way ayidsan yihiin diiwaangelintii waxaanay sugayaan 15-kii cisho ee dheeraadka ahaa ee Gobolada oo dhami xaqa u leeyihiin".
Ramaasnews Desk
Hargeysa.
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment