Madaxweyne Yusuf waxa uu la kulmayaa go'doomin
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Jendayi Frazer ayaa sheegtay in dowladda Mareykanku ay Nuur Xasan Xuseen u aqoonsan tahay Ra'iisul wasaaraha kaliya ee Somalia.
Wareysi ay siisay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayay Jendayi Frazer ku sheegtay in qodobka 51aad ee axdiga qarameedka Somalia uu qorayo in baarlamaanka oo kaliya xilka ka qaadi karo Ra'iisul wasaaraha, sidaa darteed dowladda Mareykanku la shaqeyn doonto Nuur Xasan Xuseen iyo golihiisa Wasiirada.
Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ayay ku tilmaantay saaxiib ay hawlo badan soow ada qabteen.
Dhinaca kale dowladda Kenya ayaa waxa ay ku dhawaaqday in ay cunqabateyn ku soo rogeyso Madaxweynaha KMG ah ee Somalia, Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo qoyskiisaba.
Warbixinta Cunaqabateynta Dhegeyso
Wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya Moses Wetangula ayaa waxa uu ku eedeeyay Madaxweynuhu in uu caqabad ku yahay nabadda waddanka Somalia.
Tallaabooyinka laga qaadayo Madaxweynaha Somalia Cabdullaahi Yusuf Axmed ayaa waxaa ka mid ah xannibaad xagga socdaalka ah iyo in hantida laga xayiro.
Tallaabadani waxay ka dambeysay markii Madaxweynuhu uu maanta magacaabay Maxamed Maxamuud Guuleed in uu noqdo raiisal Wasaare, inkasta oo uu shalay baarlamaanku ku ansixiyay dowladda Raiisal Wasaare Nuur xasan Xuseen.
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment