06 December, 2008

Aqalka Odayaasha Baarlamaanka Ingiriiska Oo Kulan La Tashi Ah ugu Yeedhay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee KULMIYE

Aqalka Odayaasha Baarlamaanka Ingiriiska Oo Kulan La Tashi Ah ugu Yeedhay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee KULMIYE

Barlamanka Britain oo Laga Dalbay in uu Baaq u Diro Madaxwayne Riyaale

London(Somaliland.Org) Aqalka Odayaasha ee Barlamaanka Ingiriiska ayaa shalay ugu yeedhay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, kulan la tashi iyo xogwaran ah oo ku saabsan xogogaal u noqoshada xaaladda Somaliland iyo xiisadaha siiyasadeed iyo kuwa colaadeed ee haatan ka aloosan mandaqadda Geeska Afrika.

Kulankan oo uu guddoominayey Lord Eric Avebury oo ka tiran Aqalka Odayaasha,ayaa ujeeddadiisu ahayd in xogahayha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE uga xogwaramo mudanayaasha hawlaha diyaargarowga doorashooyinka Somaliland, aragtida Soomaliland ee ku jahaysan siyaasadaha iyo degenaasho la’aanta wakhtigan xaadirka ah ee gobolka Geeska Afrika, iyo weerarkii dhawaan ay argagixisadu ku soo qaaday Somaliland.

La tashigani wuxuu salka ku hayaa xidhiidhka xisbiga KULMIYE la leeyahay bulshada caalamka oo aad u kordhay iyo mas’uuliyiinta xisbiga KULMIYE oo si joogta ah uga muuqda fagaarayaasha caalamka ee lagu falanqaynayaa arrimaha gobolka, gaadhsiiyana aragtida shacabka Somaliland hogaamiyaasha dunida.

Kulankan oo xubnaha Aqalka Odayaasha ee Ingiriiska ay codsadeen waxaa loogu tala galay inuu gogol-xaadh u noqdo dood ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda ee Ingiriiska oo todobaadkan ka dhacaysa Barlamaanka, halkaasi oo ay Boqoradda Ingirrikuna hadal ka jeedin doonto, lana filaayo in qaddiyadda Geeska Afrika lagu soo qaado.

Arrimaha uu xoghayuhu ka hadlay waxaa ka mid ahaa khatarta argagixisadu ka hayso Somaliland, hawalaha diyaargarowga doorashooyinka Somaliland, dhibaatada budhcad badeedda, wadahadalada nabad raadinta ah ee u socda kooxaha isku haya siyaasada Somaliya, gargaarka ay u baahan tahay Somaliland si ay uga gaashaamato weerarka ay argagixisadu ku hayso dalkeeda, isbedelada ka dhaci kara Somaliya marka ay ciidamada Ethiopia ka baxaan Somalia iyo arrimo kale.

Wuxuu, Dr. Maxamed Cabdilahi Cumar, si gaar ah uga hadlay weerarkii dhawaan argagixisadu ku soo qaaday Somaliland, wuxuuna sheegay in waxa weerarka lagu yahay ay tahay mabaadi’da siyaasadeed iyo bulshe ee ka hirgalay jamhuriyadda Somaliland sida dimoqraadiyadda, xorriyadda dadka iyo aaaya ka talinta, oo qaar ka mid ah kooxaha xag jirku u arkaan in ay dib u dhac ku keemayso ujeedooyinkooda siyaasiga ah. Wuxuu kaloo sheegay in mabadidan oo adduun waynaha u leh ahmiyad horumarineed oo guud loo baahan yahay in ilaalintooda adduunku iska kaashado. Waxaanu ugu yeedhay fadhiga golaha baraalaamnka Ingiriiska ee todobaadkan dhacaya inuu arrintan falanqeeyo, Somaliland taageero u diro si ay isaga difaacdo weerarka argagixisadu ka hayso. Wuxuu kaloo caddeeyay in kobcinta dawladnimada iyo dimuqraadiyadda Somaliland ay tahay arrin maslaxad u ah wadamada gobolka iyo adduunkaba.

Wuxuu Xoghayuha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE ka codsaday Aqalka Odayaasha Baarlamaanka Ingiriiisku inuu ugu yeedho Madaxweyanaha Somaliland, mudane Daahir Rayaale, inuu si dhakhso ah u magaacaabo guddigii dhexdhexaadka ahaa ee seddexda xisbi , komishanka qaranka iyo xubnaha bulshada caalmaku kuwada heshiiyaya inay ka ilaaliyaan xukuumadda in aanay awooada dawliga ah iyo dhaqaalaha qaranaka ay u hayso’aanay ku isticmaalin ololaha doorashooyinka Somaliland ee soo socda.

Samayta guddigan oo ah mid madaxbanaan xilkiisuna ku kooban yahayn ilaallinta hantida qaaranka inta ka horaysa doorashada waxay aasaas u ahayd heshiiskii sida ku ku meel gaadhaka ah loogu kordhiyay mudda madaxwaynuhu hayo xilka madaxwaynanimada.

Ugu danbayntii wuxuu Xoghayuhu ka waramay xiisadda haatan Somaliya ka aloosan.Wuxuu sheegay in xisbigiisu taageersan yahay in khilaafaadka ka jira Soomaliya lagu dhammeeyo wadahadallo, lana taageero heshiiskii dhawaan lagu gaadhay dalka Jabuuti ee isku soo dhaweenayay kooxaha isku haya Somaaliya, wuxuuna Jabuuti ku amaanay dadaalka ay ugu jirto sidii loo yarayn lahaa isafgaran waaga iyo colaadada ka jirta Somaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in aqoonsiga Somaliland uu dhiirigalin u noqon karo baadigoobka nabadda Somalia, Somalilandna ay kaalin mug leh ka gali karto soo afjaridda xiisadaha ka jira dalkaasi.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: