03 November, 2008

Cabdi Muxumed Amiin oo geeriyooday

Abwaan Cabdi Muxumed Amiiin iyo Yusuf Hassan
Abwaanka caanka ah ee Cabdi Muxumed Amiin ayaa maanta lagu aasay magaalada Nairobi, kadib markii uu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, halkaasi oo uu ku xanuunsanayay Abwaanku.

Cabdi Muxumed Guji oo dhegeyso

Allaha u Naxariistee Cabdi Muxumed Amiin, wuxuu ku dhashay magaalada Gabileey sanadkii 1935-tii, wuxuu ku hanaqaaday, kuna guursaday, sida uu sheegay, magaalada Muqdisho.
Wuxuu Cabdi Muxumed fanka ku biiray sanadkii 1953-dii, isagoo ku sugan magaalada Hargeisa.
Waxaa dalka Sweden lagu daabacay, buug loogu magacdaray Diiwaanka Hilin Hayaan, oo lagu uruuriyay murtidii, maansooyinkii iyo heesihii Abwaan Cabdi Muxumed Amiin.
Waxaa buugan daabacay ururka isbahaysiga Soomaaliyeed ee dalka Sweden, waxaana uu ka kooban yahay buugan ilaa 296 bog.
Abwaanka Cabdi Muxumed Amiin ayaa ahaa Suugaanyahan aad ay u tixgeliso bulshada Soomaaliyeed oo caanka ka ahaa waddanka Somalia.

Yusuf Hassan BBC Nairobi


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: