Hadal kale hay danbeeyee u hoorayn:
waxaan tacsi tiiraanyo huwan u diraya dadkii looga waxyeeloobay mashaqadii arbacada 29/11, intii ku nafwayday denbi dhaaf iyo kafaaro gud Alle hawga dhigo (gacan ka xaq-daran ayaa dishaye) inta ku dhaawacantayna Alla ha shaafiyo inteenii ay garabkeena ka baxeena samir iyo ajar haynooga kordhiyo.
Arinka labaad:
Waxa ah wax aan sinaba loo soo dhawaysan Karin qaraxyadii qaabka darraa ee ay ku le’deen dad muslim ah oon dhiigooda wax banneeyay jirin. Qarxyadaa Arbacadii dhacay garawshiiyo ma lahayn qiil iyo qawl midna looma hayo. Qalad fool-xumaantu ay ka badatay oo qiimo-dhac ku ah diinteena iyo dadnimadeenaba ayuu ku calaamadsanaa. Qalbi cabsida Alle ka ooman naxariisna ka arraday ayaa soo abyay agaasinkeedana lahaa.
Waxa aanu markhaati ka nahay in kuwa lagu qarxay qoodh iyo xaraday aanay u qalmin. hadal laysma ag taago ee waxay iila muuqataa diin darro cad iyo aqoon-darro daahir ah.
Waxa ii saddexeeya:
Warka maalmahan dambe laysla dhex-marayay, kaas oo nuxurkiisu ahaa magacyo lagu xidhiidhiyay inay kamid yihiin ururka Al-shabaab ee ka hawl-gala koonfurta Somalia. Gaar ahaan xubno la sheegay inay kasoo jeedaan Somaliland. Magacyadan oo uu soo mala-awaalay nin isku magacaabay Cismaan C/laahi Sool. Ninkani dadka uu qoraalkiisa ku magac-dhabay waxa kamid ah aniga. (Khadar Cabdilaahi Badeed). Waxa aan afkayga ka dhowri lahaa in aan u jawaabo qof sida Cismaan Gaagaale maan gaab u ah, ama aragti dhow oo aan ka dheregsanayn qiimaha saxafinimo iyo garashada aqoonta. Inta I taqaannaa jawaab igama baahna, waxase Igu qasbaya in aanan aamusin, aniga oo u tudhaya iimaanka iyo aakhirada boqolaal aan I garanayn oo laga yaabo inay ku sumoobaan naxliga Ina Gaagaale. Ma odhanyo warka Cismaan oo waa been aan biyo is marin oo keliya, oo waxa aan ogahay in uu yahay dagaal badheedh ah iyo eedayn ujeeddo badan ah. Waqti badan kuma luminayo sii iftiiminta inta masalo ee muujinaya in warkan uu soo qoray been yahay iyo in uu yahay xog uu ka helay keliya maskaxdiisa.
Waxase aan halka n ku caddaynayaa:
(1) In aan ka xumahay waxa dhacay Arbacadii 29/11. Xogteeduna Ii ahayd maqalkii gariirka, isla mar ahaana aanan sharci iyo diin u hayn ficilkaa banaynaya. Waxa aanan u arkaa, Fal gurracan iyo fidno soo korodhay.
(2) Iska daa inaan noqdo xubnaha ugu muhiimsan ee gudaha abaabulka kaga jira sida uu odaygu sheegtay oo.
Waxa aan caddaynayaa in aanan xubin iyo taageere midna u ahayn ururka uu 60 jirka taladu seegtay ee Gaagaale magacayga ku xidhiidhiyay.
(3) Markaan arkay waxa uu Cismaan Sool soo qoray waxa aan u diray fariin aan ugu caqli celinayo bal inuu is badh qabto waxaanan siiyay waqtigaa ka soo wareegay maarkuu waxaa xilka leh qoray, balse waxa muuqata inuu odaygu weli habawgii ku maqanyahay balse halka ay la gaadho aynu dhawrno.
(4) Ninka beentan uunka gaadhsiiyay ee Gaagaale ah waxa noo dhexeeya sharciga dawladeed iyo xeer beeleed isagaana cadayn waxyaalaha uu sheegtay.
waxan soo jeedinayaa:
· In ay saxaafadeenu hubiso waxa ay bulshada usoo gudbinayso oo aanay ka fekerin oo qudha warka lagu iibsanayo ama akhristuhu xiisaynayo, balse laga fekero waxtarka iyo waxyeelladiisa.
· In aqoonta shareecada la faafiyo, fagaarayaasha cilmigana loo furo culimada aqoontoodu ku fogaatay, da’yartana laga haqab tiro fahanka saxda ah ee diinteena macaan si aanay falalkan qaabka darani u soo noq-noqon.
· In ruux kasta oo bulshada kamid ahi uu masuuliyaddiisa qaato sida ugu haboonna u guto.
Af-meer iyo gunaanadkii:
wixii dhacay alla haynaga cawilo, waxa soo socdana hayna waydaariyo, aqoon inna hagtana alle haynagu manaysto … aamiim ….aamiin …. aamiin
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment