October 11th, 2008
“Maaha in Wasiir la siiyo Dhaxalka UDUB,
Cawil iyo Cabdilaahi yare-na xisbiga may maalgashan”
Xil. Maxamed Nuur Caraale… Waraysi khaas ah
Hargeysa (Ogaal) – Xildhibaan Maxamed Nuur Caraaale (Duur) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay gobolka Saaxil ayaa waraysi uu xalay siiyay wargeyska Ogaal kaga hadlay socdaal uu dhawaan ku soo maray gobollada Saaxil iyo Togdheer, isla markaana kaga jawaabay su’aalo laga waydiiyay xaaladda Shirweynaha xisbiga UDUB oo la saadaalinayo inuu dhici doono.
Waraysigaa oo dhammaystirana waxa uu u dhacay sidan;
Ogaal: Xildhibaan maxay ahayd sababta socdaalkaaga gobollada Saaxil iyo Togdheer, maxaadse ka sheegi kartaa deegaanadii aad tegtay?
Xil. Duur: Waxaan u baxay inaan warbixin diiwaangelinta ku saabsan kula noqdo dadkii i soo doortay. Waxaan soo maray laba gobol oo kala ah Togdheer iyo Saaxil, si aan ugu wacyigeliyo diiwaangelinta ugagana waramo. Qodobka koowaad, dadku waxay ka biyo diideen wixii markii hore ee xeerku Golaha (Wakiillada) hor yaalay goldaloolo iiga muuqday iyo wixii qalooc iiga muuqday. Miyi iyo magaaloba waan soo maray, dadkuna waxay na waydiinayeen, maadaama aynu nahay umad xoolo-dhaqato ah oo maalinba halka baad iyo biyo leh u guurta, sidee baa idinka oo Golihii Wakiillada ah aad u ansixiseen in qofku goobta uu iska diiwaangeliyo oo keliya uu ka codeeyo?. Taasi waxay noqotay su’aal aanu jawaab u waynay. Inkasta oo maansha Allaah ay hadda roobab da’een, waxa dadka ka muuqday abaar dabo dheeraatay iyo diif. Waxa kale oo su’aalaha ay na waydiiyeen ku jiray, maxaa cida taageeraysa ee daba ka wada Diiwaan-gelintu ay nooga taageeri wayday baahiyo badan oo ka horeeya, kana mudan Diiwaangelinta oo dalka ka jiray ay wax uga qaban wayday?. Sidoo kale, su’aalaha lay waydiiyay waxa ka mid ahaa; maxaa gobolka Saaxil oo ah gobolka ugu da’da yar lixda gobol ee Somaliland loogu bilaabayaa Diiwaan-gelinta, loogana dhigayaa sidii Jiirkii dawada lagu tijaabin jiray, ee gobollada waa weyn ee ugu dadka badan sida caasimada loogu bilaabi waayay? Dadku arrintaa uma arkaan wax macquul ah, waxayna u arkaan in gobolka Saaxil lagu gabood-falay, tacadina loo geystay. Sababta oo ah, wuu bulsho yar yahay, bulshadiina way ka maqan tahay waqtiga Xagaaga darteed. Waxa kale oo dadka deegaanka nagaga soo baxay in aan ololaha wacyigelinta Diiwaangfelinta ee qandaraasyada lagu bixiyay aanay dadka sidii loo baahnaa u gaadhin. Markaa dadkuba may ahayn qaar diiwaangelin ku wacyi-gashan. Waxay u haystaan doorashooyinkii hore oo kale oo ay khasaare ka taagan yihiin oo taayadii (doorashadii Golaha Wakiillada ee 2005) u dambaysay. Sidaa darteed, umadu diyaarba uma aha inay wax doorato. Tusaale ahaan, waxay igu yidhaahdeen oo I soo martay; ‘ma bisha bisheedii baa?’ yacnii tii lagu doortay ma teedii baa, adigoo aan waxba soo kordhin. Markaa iyada oo aan dadku doorashoba niyad badan u haynin, waxay u haystaan imikana in wax la dooranayo.
Ogaal: Waxa aad ka mid tahay Golaha Wakiillada ee xeerkan ansixiyay, haddana marka la eego sidan aad u hadlayso waxaad u muuqataa inaad ka soo horjeedo Diiwaan-gelinta, markaa dadka miyaanad u sheegin una sharaxin faa’iidooyinka Diiwaangelintu leedahay, mise sidan baad ula hadlaysay?
Xil. Duur: Horta waa laba waji. Ta hore, marka aan Golaha metelayo ee aan Ogaal hor fadhiyo dhaliil baan leeyahay. Laakiin, marka aan shaqsi ahay ee aan Xildhibaan Golaha Wakiillada ka mid ah aan ahay, Diiwaan-gelinta iyo wixii na kala maray waa la ogaa. Way cadayd, maalintii u dambaysayna waxa la ansixiyay (Xeerka Diiwaan-gelinta) keliday oo taagan Minbarka laga hadlo, tii horena qodobkii ay ku jabtay anigaa soo jeediyay, waana loo codeeyay oo laygu taageeray, mar labaadkii la soo celiyayna anigu codkayga waan ku diiday. Markaa wixii garaadkaygu Golaha ka diiday ayay bulshaduna diiday. Taasi waxay ii cadaynaysaa inay qalooc ku jira tahay. Sidaa darteed, Golaha waan ku diidanaa, laakiin markay sharci noqotay hadda, dadka waan ku wacyi-geliyay, waxaanan ku idhi is diiwaangeliya, faa’iidada ay leedahayna waan u sharaxay. Balse, qodobka ugu adag ee Diiwaan-gelinta ku jira ee umaddu gudo iyo dibadba ay diidan tahay waxa weeye qodobka odhanaya, Cod-bixiyuhu goobta uu iska diiwaangeliyo oo keliya ayuu ka codaynayaa. Ta wacyi-gelinta hadaan u noqdo, wacyi-gelintii si fiican umay soo bixin, Komishankuna muu dabo gelin, markii horena dadka gobolka u jooga kalamay tashan, taasina waa dhibaato kale oo meesha ka muuqatay.
Ogaal: Adigu Xildhibaan ahaan Komishanka doorashooyinka sideed u aragtaa?
Xil. Duur: Anigu Komishanka waxaan u arkaan niman xafiisyadooda dhexdooda ku xiiqay oo isku dhex haysta, fariinta bulshada ka gaadhayna waxa weeye, inay yihiin niman is haysta oo aan xafiisyadooda gudahoobada is kala bixi karin oo aan bulshada gaadhi kara, doorasho adagna qaban karin. Sidaa darteed, anigu waxaan u arkaa niman ay hawshaasi ku culus tahay, waayo-aragnimo badanina ay ka maqan tahay.
Ogaal: Idinkaa ansixiyaye hadday sidaa yihiin, maxaad u ansixinayseen ee aad u shaandhayn waydeen markay idin hor yaaleen?
Xil. Duur: Horta Golaha Wakiilladu waa kii soo jeediyay in kuwii hore loo daayo, waana laga diiday. Anigu waxaan ka mid ahaa kuwii u codeeyay in kuwii hore loo cusboonaysiiyo, waayo xafiis lama dabar-gooyo haddii uu hawl ku soo baxo oo uu fuliyo aqoontii iyo waayo-aragnimadii mar keliya lagama dareeriyo. Markaa haddii Gole la yahay iyo haddii qaran la yahayba, khaladka la sameeyey wuxuu ahaa xafiiskii dadkii waayo-araga ahaa bal badhkood hala bedelee ayaa dhammaantood mar qudha la wada bedelay. Markaa qolo aan aqoonba Komishanka u lahayn baa la keenay, taasina waa dhibaato jirta.
Ogaal: Dimoqraadiyadda Somaliland marka laga hadlayo Xisbiyada waxa lagu tilmaamaa qaar aan bislayn, xisbigaaga UDUB-na weli Shirweynihii ma qaban. Laakiin, sida la sheegay haatan qabanqaabadiisii baa socota, markaa sideed u aragtaa taas?
Xil. Duur: Waxaan u arkaa Shirweynihii xisbiga in la qabtaa inay muhiim tahay.
Ogaal: Laakiin, qabashada Shirweynaha maxaad ka ogtahay?
Xil. Duur: Runtii waxa isoo gaadhay waa la qaban doonaa, qabanqaabaa socota iyo Ramadaan ka dib baa la qabanayaa. Laakiin, waxaan rajaynayaa in dhakhso loo qabto oo xisbi aan Shirweynihiisa qabsani suurtagalba maaha, UDUB-na waqti badan bay dhaaftay waana xisbiga keliya weli qabsan Shirweynihiisa. Markaa waa khasab ugu yaraan in bishan la qabto Shirweynihiisa, xisbi aan Shirweynihiisa la qabana inuu tartamo xaqba uma leh, waxaanan rajaynayaa in Shirweynuhu qabsoomo.
Ogaal: Laakiin, Xildhibaan Mabda’iyan waad ka digo-rogatay UDUB sow maaha?
Xil. Duur: Runtii xisbiga kamaan digo-rogan, laakiin waxaan dhaliilaa siyaasadda hogaankii UDUB ay dooratay, waxaanan aaminsanahay in xisbinimada iyo dhaliisha shaqsigu kala duwan tahay, Madaweynuhuna waa shaqsi aniguna shaqsi baan ahay. Markaa laba qof oo hawl wada haya ayaa fikirka ku kala duwanaan doona, xisbi ahaana anigu kama digo-rogan.
Ogaal: Waxa jira Murashaxiin ku dhawaaqay inay u tartamayaan jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka xisbiga UDUB, Madaxweyna Rayaale-na wuxuu muujiyay in aan isaga iyo Ku-xigeenkiisa cidi ku haysan, wixii KULMIYE ka dhex dhacayna waad la socotaa. Markaa maxaad u malaynaysaa ee UDUB ka dhex dhici kara?
Xil. Duur: Markaan si daacad ah u hadlo, anigu laba mid baan rajaynayaa. Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka iyo raga kaleba inay isugu yimaadaan sidii xisbiyada kale Shirweyne xalaal ah oo laysugu yeedho, dabadeedna tartan xor ahi uu halkaa ka dhaco. Sidii KULMIYE ama ha lays qabsado ama halagu heshiiyee, taasi waa tartan xor ah qofkii halkaa ka soo baxana waa la hambalyayn karaa. Laakiin, si toos ah ayaa Madaxweyne iyo Ku-xigeen u soo baxayaan wax suurtagal ah maaha, shuruucda xisbigana kuma jirto. Markaa hadday isku dayaan Madaxweyne Rayaale iyo Ku-xigeenkiisu inay qol hoosta ka xidhaan oo ay yidhaahdaan kelidayo ayaa sharaxan, iyada oo Kawaadiirtii xisbigana albaabka laga xidhay, taasi waxay keenaysaa inay xisbinimadii lumiyaan. Hase ahaatee, waxa wanaagsan in xisbiga gogoshiisa la fidiyo, lagu tartamo oo mid Madaxweyne doonaya iyo mid Ku-xigeen doonayaba iyo ninkii damac lehba albaabka laga furo. Laakiin, haddii albaabka laga xidho waxay keeni doontaa in UDUB boqol UDUB soo baxdo.
Ogaal: Adigu ma ka mid tahay xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga ee ka qaybgalaya Shirweynaha?
Xil. Duur: Anigu Guddiga Fulinta xisbiga ayaaban ahay, waana khasab in aan ka qaybgalaa Shirka. Sababta oo ah, Anigu laba derejo ayaan sitaa, mar waxaan ahay xubin Guddiga Fulinta ah, marna Xildhibaan Baarlamaanka ah oo laga doortay UDUB, sheegida dhaliisha iyo xisbinimaduna waa laba kala duwan. Shuruucda dalka u taalaana waxay dhigaysaa Mudanuhu in aanu ka tegi karin xisbiga lagu doortay. Laakiin, awood waxaan u leeyahay hogaankaygu hadduu qaloocdo in aan tilmaamo.
Ogaal: Shirweynaha UDUB ee dhici doona waxa taladiisa hagaya Madaxweynaha, sida ay wax u socdaana waad la socotaa. Markaa markaad qiimayso Shir noocee ah ayaad is leedahay UDUB wuu qabsanayaa?
Xil. Duur: Haddii xisbinimadu shaqayso oo dadka badan ee xisbiga ay taladu ka timaado oo xisbi tashado, waxa dhacaya shir wanaagsan. Laakiin, haddii Madaxweyne u taliyo waxa dhici doona Shir yar oo cidhiidhi ah.
Ogaal: Labadaa keebaa dhacaya markaa?
Xil. Duur: Waxaan rajaynayaa in xisbi-weyne tashado oo shir wanaagsani noo dhaco.
Ogaal: Taas marka laga yimaado, waxa kale oo lays waydiinayaa, yaa dhaxlaya hogaaminta xisbiga UDUB ee aad u malaynaysaa in Daahir Rayaale ku wareejinayo?
Xil. Duur: Horta in qabanqaabadaaba la gaadhay war kama hayo. laakiin, xisbiga UDUB taladiisu waxay ku xidhnaan doontaa Shirweynahan doorashada cidda ku soo baxda. Haddii doorashada loogu celiyo siday labadani (Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka) sheeganayaan oo ay mar dambe is sharaxaan, dhaxalka xisbiga cidda lihi waa ,macruuf oo waa cidii maalgashatay.
Ogaal: Oo yaa Maalgashaday?
Xil. Duur: Talada xisbiga cidii maalgashatay ee doorashadii hore aad ugu dhimatay ee loo tiriyo ayaa leh.
Ogaal: Waa kuwee kuwaasi markaa?
Xil. Duur: Kuwaa cadayntooda halkaasaan ku dhaafayaa.
Ogaal: Dhinac kale haddaynu u dhigno, rag Wasiiro ah baa la hadal hayaa oo la leeyahay hebel baa Guddoomiyaha noqonaya iyo hebel baa lagu wareejinayaa sida, Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, Arrimaha Dibadda Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Daakhiliga Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo rag kale. Markaa taas maxaad ka leedahay?
Xil. Duur: Nin Wasiir ahi inuu xisbiga UDUB dhaxlo anigu ma qabo. Laakiin, waa in la eegaa ragii doorashadii hore sida firfircoon ula soo shaqeeyay xisbiga. Cawil, Cabdilaahi M. Ducaale, Cirro, Wasiiradaas oo dhan anigu ma aaminsani in la siiyo, mana aha ragaasi ragii doorashadii hore firfircoonaa. Waxa ka firfircoonaa oo ay mihiim tahay in la siiyo Dr Maxamed Cabdi Gaboose, waxa kale oo mihiim ahaa Saleebaan-gaal, dadkii xisbiga hore ula soo shaqeeyey ee dagaalka badan u galay. Wasiiradii xataa markaa firfircoonaa waxaa ka mid ahaa, Ismaaciil-yare (Wasiirkii hore ee Daakhiliga) oo kaga haboon. Wasiiradan imika meesha jooga ee Cawil iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo anigu maba qabo inay maalgashadeen xisbiga.
Axad: Xuska toban guurada ka soo wareegtay
aasaaskii Akademiga Nabadda iyo horumarinta
Hargeysa (Ogaal) Akaademiga Nabadda iyo Horumarka ayaa maalinta Axadda oo ku beegan berri oo ay bishu tahay 12-ka Oktoober u dabaal degaya sannad guuradii 10aad ee ka soo wareegtay xilligii la aasaasay.
Warsaxaafaddeed munaasibaddaa la xidhiidha oo uu soo saaray Akaademigu, waxay u dhignayd sidan; “Akaademiga Nabadda iyo Horumarka ayaa maalinta Axadda oo ku beegan berri oo ay bishu tahay 12-ka Oktoober u dabaal degaya sannad guuradii 10aad ee ka soo wareegtay xilligii la aasaasay.Waxay xafladdu ku qabsoomi doontaa huteelka Mansoor ee magaalada Hargeisa.
Marti sharafta lagu casuumay xafladda waxaa ka mid ah madaxda sare ee xukkuumadda Jamhuuriyadda Somaliland sida wasiirada wasaaradaha Arimaha Gudaha, Dibadda, Qorshaynta, Waxbarashada, Hidaha iyo Dhaqanka, gudoomiyayaasha labada gole ee Guurtida iyo Barlamaanka, hoggaanka axsaabta siyaasadeed, madaxda hay’adaha caalamiga iyo kuwa wadaniga ahba, marti sharaf ka kala imanaysa gobolada dalka, culimaa’u-diin, oday dhaqameedyo, dumar iyo dhalinyaroba.
Ka dib hadalo kooban oo ay ka soo jeedinayaan masuuliyiin ka kala socota APD, Interpeace (wadaagaha APD), Saxiibada APD, iyo madaxda Jamhuuriyada Somaliland, waxaa xigi doona bandhig balaadhan oo loo sameeyn doono waxqabadkii APD ee tobankii sanno ee u dambeeyay sida daraasado, warbiximo, buugaag iyo filimo.
Galinka dambe waxaa si gaar ah loo daawan doona filimada APD taasoo ay ka soo qayb gali doonan ardayda dugsiyada iyo jaamacadaha. Filimadaas oo ku bixi doona labada luuqadood ee af-Soomaaliga iyo af-Ingiriisiga.
APD waa hay’ad cilmi-baadhiseed oo u heelan helitaanka bulsho nabdoon oo barwaaqaysan iyadoo adeegsanaysa cilmi-baadhis, tababaro, wada-hadal iyo aqoonta oo la wadaago.
Waxa 1998-kii APD laga aasaasay Hargeisa waxaanay ku jilantahay ha’yadda caalamiga ah ee Interpeace oo markii hore la odhan jiray Mashruuca Bulshooyinka ay Dagaaladu Burburiyeen (WSP), oo ah hay’ad u heelan dhiirigalinta dhaqamada ku salaysan dimuqraadiyadda iyo nabadda oo ah waddo loo maro horumarka.Wixii faahfaahin ah ee intaa dheer, fadlan kala soo xidhiidh telefoonada: 520304 ama booqo bogga internet-ka ee www.apd-Somaliland.org.”
Sheekh: Munaasibad Aas Qaran ah oo lagu sagootiyay Marxuum Cali Jirde
Sheekh (Ogaal)- Alle ha u naxariistee waxa shalay si heer Qaran ah loogu aasay Degmada Shiikh ee Gobolka Saaxil Marxmuum Eng. Cali Sheekh Maxamuud Xuseen oo ku magac dheeraa (Cali Jirde) oo ahaa Guddoomiyihii Bisha Cas ee Somaliland oo khamiistii tagtay ku geeryooday Magaaladda Hargeysa.
Allaah ha u naxariistee munaasibadaa shalay ka dhacday dariiqada Magaaladda Sheekh ee lagu aasay Marxuum Cali Jirde ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, Guddoomiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE iyo UCID, Guddoomiyayaasha Baarlamaanka, Mudanayaal ka kala socday golayaasha qaranka, masuuliyiin xukuumada ka tirsan, siyaasiyiin iyo dadweyne tiro badan oo isaga kala yimi guudahaanba Gobollada dalka. Wakhtigii Marxuumka lagu tukaday Salaada Jinaasada ka dib ayaa waxa is qabsaday Roob xoogan oo halkaa ka da’ay, hase ahaatee, roobkaasi ha kad ma gelin in aan Marxuumka la aasin, ee waxa lagu hubsaday xabaasha . Maxdaa iyo Masuuliyiintaa kala duwan ee Aaska Marxuum Cali Jirde ka qayb-galay ayaa ka waramay taariikh nololeedkiisii, wax-qabadkiisii iyo siduu u ahaa shaqsi lag daydo oo ka baxay Qaranka Somaliland iyo Geeska Afrika.
Ilaahay ha u naxariistee Marxuum Cali Sheekh Maxamed Xuseen waxa uu 1917-kii ku dhashay Degmada Sheekh ee shalay lagu aasay. Isla markaana waxa uu ka mid ahaa Shaqsiyaadkii fara ku tiriska ahaa Soomaalida ee aqoonta Engineernimada soo barta. Waxa uu wax ka dhisay goobaha loo yaqaano Shacab eeriya ee Somaliland. Allaah ha u naxariistee waxa kale oo uu Marxuuku ka soo qayb-qaatay Dhismayaasha wadamada Yugaanda iyo Zimpapwi, oo la xusay in laga diray Magaaladda Hargeysa wakhtigii Ingiriisku xukumayay Somaliland iyo qayba kale oo Afrika ka mid ah. Waxa oo xilal ka soo qaybtay dawladii Soomaaliya, wadamo Afrikaan ah. Marxuumku xiligan waxa uu geeryooday isaga oo ah Guddoomiyaha Hay’ada Bisha Cas qaybteeda Somaliland.
Reer Sanaag ma shuruudo ayay ku xidheen diiwaan-gelinta?
Ceerigaabo (Ogaal)- Ishaarooyin ka soo baxaya kulamo la sheegay in ay ka dhaceen Magaaladda Ceerigaabo oo dadka Gobolka Sanaag ku eegayeen diiwaan-gelinta, ayaa muujinaya saluug ay dadka ka qabaan saami-qaybsiga manaafacaadka hawlaha diiwaan-gelinta.
Siday faafisay Idaacada VOA qaybteeda Afka-soomaaliga Maayarka Ceerigaabo Md. Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa sheegay in Maamulka iyo wax-garadka Gobolku kulan ay isugu yimaadeen Khamiistii doraad, halkaana ay iskula qaateen inaanay ka qaybgelin diiwaan-gelinta. “Waxa la saluugsan yahay sidaad ogtahay waxa soo dhaw diiwaan-gelintii gogoldhiga u ahayd doorashooyinka, waxaana ka shaqaynaya baabuur fara badan iyo shaqaale badan, waxa la bixiyay qandaraasyo, intaas oo dhanna (Shaqaalahaa iyo Baabuurtaa) reer Sanaag waxba kuma laha, mar haddaanay waxba ku lahayna waxa la go’aansaday in ay arrintaasi khusayso ciddii hawshaa gashay, Gobolka Sanaag waa u dhamaa, haddii aan halkan laga qaadanayn wixii ay xaq u lahaayeen doorasho diyaar loola yahay ma jirto.” Sidaa waxa yidhi Duqa Magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur.
Guddoomiyaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamed Ismaaciil (Kabaweyne), ayaa dhiniciisa u sheegay VOA-da in aanu jirin wax saami ah oo ka maqan reer Sanaag, cabashadooduna ay waxba kama jiraan tahay. “Horta nidaamka lagu shaqaynayo ee aanu shaqaalaha ku qoranaynaa waa nidaam ay Gobolada dalkoo dhami ay saami ka wada qaaddanayaan. Ceerigaabo Shaqaalihii waanu ka qaadanay, Axsaabtuna iyaga ayay ka qaadanayaan oo Xisbi waliba Gobolka ayuu ka qaadanayaa, Wasaaradda Daakhiliguna waxa weeyaan in ay iyaga (reer Sanaag) ka qaadato.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Komishanka. Guddoomiye Kabaweyne waxa uu intaa ku daray “Kooxaha IT-ga ah wixii nasiibkooda ah ayay ka qaadayaan, Gobolada haddii ay 700 ama 760 yihiin shaqaalaha IT-gu Gobolkiiba 120 ayuu helayaa, markaa Sanaag 120 koodii way helayaan oo 120-kii ka tirsanaa dadka ka soo jeeeda Gobolka Sanaag, waxaanu caddaynaynaa in ay ku jiraan 120 in u dhiganta qaybtoodii in laga helo.”
Guddooomiyaha mar la waydiiyay tirada shaqaalaha uu sheegay in ay Gobol ahaan reer Sanaag heli lahaayeen in ay hada ku guda jiraan qorshaheeda iyo in aanay weli arrintaa faragelin, waxa uu yidhi, “Maya ee way dhamaatay oo shaqaalihii aanu qaadanay way ku jiraan reer Ceerigaabo oo 120-kii ay Gobol ahaan heli lahaayeen waxba kama dhina, sida imika liiskan i hor yaala la iigu soo cadeeyay waxba ka dhimani ma jiraan. Markaa, Anigu waxaan qabaa Gobolka Sanaag dadka ka shaqeeynayaa inay dadkoodii noqonayaan oo aan dad kale dibad looga keenaynin, hadddii ay dhacdana ay wax yar oo fara ku tiris ah noqonayaan.”
Sidoo kale Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo la waydiiyay xidhiidhka ay leeyihiin Komishan ahaan Maamulka iyo wax-garadka reer Sanaag iyo nuxurka cabashada wakhtigan ka soo yeedhay Gobolklaas, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Waxa weeyaan Sanaag waa Gobol fog, Masuuliyiintana xidhiidh wuu naga dhexeeyaa., Ismaaciil Xaaji Nuur iyo kuwa kale shalay ayaanu wadahalaynay. Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Komishanka doorashooyinkuba waa Gobolka Sanaag, Komishan ahaan saddex nin ayaanu ku nahay reer Sanaag, mana jeclin in Gobolkii naga cawdo. Mida kale xaq waxaanu u leenahay mar haday Komishankii badh heleen reer Sanaag in ay qaylada naga daayaan, oo ay yidhaahdaan Guddoomiyayaashii iyo Komishankiiba waa idinka (reer Sanaag).”
Si kastaba ha ahaatee, baaqan Gobolka Sanaag ayaa ku soo beegmay wakhti ay ayaamo koobani ka hadhsan yihiin maalintii loo cayimay in diiwaan-gelintu dalka ka dhacdo, taas oo 14-ka bishan October lagu wado in ay Gobolka Saaxil ka bilaabanto.
Ukraine oo qaaddacday Dagaal lagu qaado Budhcad-Badeedda
Hanjabaadda Budhcad-Badeedda & korodhka Maraakiibta u gacan gashay Hobyo (AP/Ogaal)- Kooxaha Budhcad-Badeedda Soomaalida ee uu u afduuban yahay Markab sida Hub iyo Saanad Milatari ayaa shalay muddo u qabtay bixinta Lacag Madax-furasho ah oo ay hore u dalbadeen. Waxaanay ku hanjabeen haddii la bixin waayo inay burburin doonaan oo ay qarxin doonaan Markabka iyo cidda dul saaran, oo iyaga laf ahaantoodu ay ka mid yihiin ka dib markii ay burbureen wada-hadallo u socday Budhcad-Badeedda iyo Mulkiilayaasha Markabka. Iyada oo Dawladda Dalka Ukraine ay sheegtay inaanay taageersanayn oo ay ka soo horjeeddo tallaabo Milatari oo laga qaado Budhcad-Badeedda, waxaanay ku baaqeen in wada-hadallo iyo is-afgarad lagu soo daayo Markab, taas oo u muuqata in la siiyo Budhcad-Badeedda Lacagta Madax-furashada ah ee ay dalbadeen.
Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee AFP, afhayeen u hadlay Budhcad-Badeedda Soomaalida oo lagu magaaabo Sugulle Cali ayaa sheegay in uu burburay wada-hadallo u socday iyaga iyo Mulkiilayaasha Markabka. “Wada-hadalladii lala lahaa Mulkiilaha Markabku gebi ahaanba way burburtay. Mulkiilayaashu waxay bedeleen fikirkoodii arrintan ku saabsaa, waxaana laga yaabaa in dad kale kula taliyeen in arrinta lagu xallin karo tallaabo Milatari.” Ayuu yidhi Sugulle Cali oo u waramay AFP. Waxaanu ku hanjabay inay qarxin doonaan Markabka iyo cidda saaran oo ay iyaga laf ahaantoodu diyaar u yihiin inay ku dul dhintaan haddii aan muddo saddex maalmood ah lagu bixin Lacagta Madax-furashada ah ee ay dalbadeen. “Waxaanu go’aansanay in aanu qarxinno Markabka haddii aan muddo saddex maalmood gudahood lagu soo bixin lacagta Madax-furashada ah.” Sidaa waxa AP u sheegay Afhayeenka Budhcad-Badeedda oo Khadka Telefoonka Satelite-ka ugu waramayay. Waxaanay sheegeen in ay ogol yihiin in wada-xaajood laga galo qiimo-dhimis in ay ku sameeyaan Lacagta ay dalbadeen oo hore u ahayd 20-Milyan oo Dollar, ka dib markii ay muddo laba toddobaad ka badan ku adkaysanayeen in aanay qiimahaas waxba ka dhimayn.
Geesta kale, Wasiirka Difaaca ee dalka Ukraine Mr. Yuriy Yekhanuv ayaa sheegay in ay ka horjeedaan tallaabo kasta oo Milatari oo laysku dayo in lagu qaado Budhcda-Badeedda Markabka haysata si looga soo furto Markab Hub iyo Saanad Milatari oo cidda leh laysku khilaafsan yahay sida, kaas oo ay afduubeen 25-kii bishii hore ee September. Waxaanu sheegay in ay dawlad ahaan taageersan yihiin wada-hadallo lala galo Budhcad-Badeedda. “Waxaanu ka soo horjeednaa tallaabo Milatari oo lagu qaado, waxaanu soo dhawaynaynaa in loo baahan yahay wada-hadallo lala galo (Budhcad-Badeedda)” ayuu yidhi Mr. Yekhanuv. Waxaanu Wasiirka Difaaca ee Ukraine arrintaa ku sababeeyay in ay danaynaynaan oo muhiimaddu tahay in la badbaadiyo dadka saaran ee lagu afduubay Markabka dushiisa. “Waxa ugu muhiimsani waa dadka.” Ayuu yidhi Yekhanuv isaga oo ka hadlayay Shir ay dalka Macedonia ku lahaayeen Wasiirada Difaaca ee dalalka Koonfurta-bari ee Qaaradda Yurub. Hase yeeshee, hadalka Wasiirku wuxuu ka hor imanayaa hadal uu hore u sheegay Ra’iisal-Wasaare xigeenka dalkaas Olexandr Turchyov, kaas oo ahaa in aan Dawladdoodu wax wada-hadal ah la geli doonin Budhcad-Badeedda, balse ay ka xumaadeen Mulkiilaha Markabka iyo Shirkaddii maamulaysay.
Hadalka ka soo yeedhay Dawladda Ukraine ayaa ku soo beegmay waqti ay maalintii khamiistii ee dorraad Wasiirada xulafada NATO ku heshiiyeen in ay Xeebaha Somalia u diraan toddoba Markab-Dagaal muddo laba toddobaad gudahood ah. Iyaga oo ay halkaa hore u sii joogeen lix Markab iyo Diyaarado Dagaal oo Maraykanku leeyahay. Kaas oo uu soo dhaweeyay Maamulka TFG ee Somalia “In Dagaal lala galo Budhcad-Badeeddu waa tallaabo wacan, laguna ilaalinayo Biyaha Xeebaha Somalia. Waxaanay caawin kartaa dhaqdhaqaaqa Maraakiibta caawimada u sida dadka baahan ee Somalia.” Sidaa waxa AP u sheegay Afhayeenka Maamulka TFG Cabdi X. Gobdoon.
Maraakiib cusub oo la afduubay iyo kuwa la sii daayay:
Budhcad-Badeedda falalka Afduub ka gaysata xeebaha Somalia ayaa la sheegay inay sii daayeen Maraakiib kala duwan iyo Shaqaalihii saarnaa, halka ay waydaariyeen oo ay qabsadeen kuwa kale oo cusub. 20 Shaale ah oo dhalashadoodu ka soo jeedo dalkak Philipine iyo Markaabkii ay saarnaayeen oo Budhcad-Badeedda u afduubnaa in ka badan 80 Maalmood ayaa la sii daayay shalay, ka dib markii ay Dawladda Filibiin ay bixisay Lacag Madax-furasho ah. Budhcad-Badeeddu waxa kale oo ay sii daayeen Markab kuwa xamuulka qaada ah iyo 29 Shaqaale ah oo saarnaa, kana soo jeeday dhalasho ahaan Dalka Iran. Kaas oo ay bishii July ee sanadkan ay afduubeen. Sidoo kale Markab laga leeyahay Dalka Japan iyo shaqaalihii saarnaa ayaa iyana la sii daayay, ka dib markii ay Dawladda Japan bixisay sida la sheegay Lacag Madax-furasho ah oo dhan $1.6-Milyan oo Dollar.
Dhinaca kale, Markab u rarnaa Ganacsato Soomaali ah oo ka kicitintay Dekedda ku taala Cummaan, una socotay Boosaaso ayay Budhcad-Badeeddu shalay afduubeen. Markabkan oo siday Shixnad Sibidh ah, ayaa la sheegay inay saarnaayeen shaqaale tiradoodu dhan tahay 11 Qof, oo isugu jiray 9 u dhashay Suuriya iyo laba Soomaali ah. Waxaana la sheegay in Markabkan la geeyay oo ay Budhcad-Badeeddu la tagtay Degmada Eyl.
Xeebaha Yemen & baadidoonka Maydka in ka badan 100 Tahriibayaal Soomaali ah
San’a (UN/Ogaal)- Inta la ogyahay tiro ku dhaw 100 Qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen Xeebta Yemen ka dib markii lagu qasbay in ay ka daataan Doontii ay saarnaayeen, iyada oo la badbaadiyay 47 Qof oo kale. Sidaana waxa shaacisay Ha’yadda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR.
Sida lagu baahiyay Shabakadda Wararka ee Xarunta Wararka Qaramada midoobay, Doontan oo ay saarnaayeen 150 qof, kana amba-baxday Dekedda Deegaanka Mareera oo u dhaw Magaalada Boosaaso maalinimadii Isniintii toddobaadkii hore, isla markaana saddex maalmood ku jirtay Biyaha u dhaxeeya Somalia iyo Yemen, ayaa Koox Doonta wadatay ay ku qasbeen dadkii saarnaa Doonta inay kaga daataan meel xeelliga Biyaha Badda u jirta ilaa 8-km. “Dadka badbaaday 12 ka mid ah waxa lagu soo badbaadiyay Doon yar, halka kuwa kalena ay isku dayayeen inay u dabbaashaan xeelliga.” Sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay Hay’adda UNHCR Ron Redmond oo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Geneva. Waxaanu sheegay in dadka dhacdadan ka badbaaday ay yihiin 47 qof. “Dadka badbaaday waxay sheegeen in tiradoodu tahay 47 qof oo xeelliga gaadhay, waxaana markii dambe la arkay Masuuliyiinta Yemen oo aasaya Maydka shan qof.”
Laba toddobaad ka hor ayay ahayd markii 52 qof oo Soomaali ahi ay dhinteen ka dib markii Doon ay saarnaayeen oo ay doonayeen inay kaga tallaabaan Biyaha Somalia iyo Yemen ay la degtay, iyaga oo muddo 18 maalmood ah sabbaynayay Biyaha dushooda ka hor intii aanay la deign.
Sida laga soo xigtay Hay’adda UNHCR ilaa 230 qof ayaa ku dhintay Xeebaha u dhaxeeya Somalia iyo Yemen, halka la la’yahay 32,000 oo kale. Waxaana dalka Yemen gaadhay dad tiradooda lagu sheegay 362 qof.
Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment