Hadal halkiisaa loogu tagaaye; Xaqiiqda ma-guuraanka ah ee dhulkii hooyo taalla ayaan waxyar idiinka sheegayaa: Qabiilku wuxu noqday wax lagu Awr-kacsado, marka dantii laga lahaa lagu fushadana, deeto la ceebeeyo oo la yidhaahdo qabiil waa sidaas iyo sidaas iyo qabiilbaa inna dishooday iyo qabiilbaa innakala qubay iwm. Awdalna waxa ka dhalatay midnimo isbadal doon ee kama jirto kala qaybsanaan qabiileed.
Xaqiiqduna waxay tahay; layskuma hayo Qabiile waxa laysku hayaa Qabaal wax lagu cuno. Haa..waa sidaas, qabaal ayaa laysku hayaa lagu quuto hunguri ee layskuma hayo qabiil. Haddii qabiil laysku hayo waxa dhici lahayd in qabiil waliba soo samaysto xisbi uu leeyahay, nin kastina ku biiro xusbiga qabiilkiisa, sida loo kala qabiil badan yahayna loogu kala badiyo doorashooyinka. Taasina ma jirto. Hadaba dadka Harowo.com iyo shabaqadaha kale ee Awdalba wax kusoo qoraya ee magacdooda qarinaya ama qiranayaba. Waxan dadkaasi leehay; war intiina sidaydoo kale ka raagtay dhulkii Hooyoow, horta bal tega dhulkii, oo soo arka waxa meesha lagu hayo iyo waxa an lagu haynin, waxa lagu kala qaybsanyahay iyo waxa an lagu kala qaybsanayn. Markaad taasi indhihiina kusoo aragtiina dabadeed soo qora aragtidiina.
Maantana waxaban idin odhan karaa oo muhiimada qormadaydani tahay; haddii ad moodayseen in Awdal lagu kala guuray oo laysku irdhaysanyahay ama qabiil laysku hayo . In arrintu sidaas ka duwan tahay, oo Awdal ay ka dhalatay midnimo, an horey uga dhalann. Midnimidaasna waxa keenay Saylici iyo Tolwaayay. Sideey ku keeneen haddaad is weydiinaysiina, waxad jawaabteeda ka heli doontiin sida dadku ugu soo baxeen labadaas nin. Rumaysta ama ha rumaysanina; Labadaasi nin waxay keeneen midnimadii Awdal oo dadkii ayay labada dhinac iskaga soo ururiyeen oo iskugu wada keeneen isku hal xusbi oo isbadal doon ah. Hadday run tahay in dadkii soo dhaweeyay C/Raxmaan Saylici ay ahaayeen taageerayaasha Kulmiye, hadana kuwii soo dhaweeyay C/Raxmaan Aw-calina ahaayeen isla taageerayaasha Kulmiye.
Miyay xaqiiqdu ahayn inay dadkaasi ku wada midoobeen isku hal xusbi, oo dhammaantood yihiin isbadal doon?. Hadday ahaayeen qabiilooyinna, miyayna xaqiiqdu ahayn inay qabiilooyinkaasi ku midoobeen soo dhaweynta labadaas nin ee isku xusbiga ah?. Awdalbaa jawaabi doonta.!! Hadal iyo dhammaantii; haddii wali dadka qaarkood ee shabakadaha Awdal wax kusoo qoraayi ay rabaan inay ciyaaraan kaadhka qabiilka, oo ay aaminsanyihiin in qabiil wax lagu kala qaadanayo, laguna kala qaybsanyahay. Dee kuwaasi waxan leenahay horta magaciina oo saddexan soo sheega, qabiilkiina oo saddexanna soo sheega, xusbiga qabiilkiinnu leeyahayna soo sheega. Kadibna aynu iskugu nimaadno fagaaraha siyaasadda, si aynu qabiil ugu kala baxno, oo loo ogaado, sida qooysaska Awdal wada degi, ugu kala faca iyo taariikhda iyo tirada badan yihiin Awdal.
Haddii kale xaqiiqda hallaga hadlo, oo dhulkeenana haynaga siinina reero Kale, xurgufaha danaysiga ah ee yaala dhexdeenana ha u galinina shaadh qabiil, sheekadeenana haka ridina shalan bood. Gobnimaduna waa garashee, garowsanaada abidkiin.
HiilDanYare - London UK
http://samotalis.blogspot.com/
No comments:
Post a Comment