31 October, 2008

Qaraxyadii Is-miidaaminta Ahaa Ee Ka Dhacay Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ay Qiratay Kooxda Al-Shabaab Ee Ka Dagaalanta Soomaaliya

Hargeysa(GAR) :-Kooxda lagu magacaabo Al-shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegatay inay ka danbeysay,falalkii is-miidaaminta ahaa ee maalintii Arbacadii ee ay soo dhaafay lala beegsaday sadex goobood oo kala Madaxtooyada Somaliland, Xafiiska Ganacsiga Dawlada Ethiopia Iyo Xarunta Hay’ada UNDP inay ka danbeeyeen.

Sidaa waxa sheegtay Kooxda Al-shabaab oo Xalay ku baahiyey Website-kooda Cajalad maqal Iyo muuqaal ah oo 30-daqiiqadood ahayd, isla markaana waxa shaacisay Telefiishanada caalamiga ah Sida Al-jaziira iyo Al-Carabiya.
Muuqaalkan ayaa laga dhex arkayey dhalinyarada oo u tababaranaysa baabuur iyo olol, waxa kale oo laga maqlayey ninka ay sheegtay Al-shabaab inuu hogaaminayey qaraxan ismiidaaminta ah ee maalinimadii arbacadii ka dhacay gudaha Somaliland oo lagu magacaabo Cabdicasiis [Sacad] oo la maqlayey codkiisa isaga oo u digaya ciidamada Ethiopia ee u sugan Soomaaliya iyo kuwa kale EMISON ee jooga Xamar, isaga oo ay hadaladiisu isugu jireen Hanjabaad iyo Ereyo diiniya.
“Aniga magacaygu waa sacad waxaan ahay argagixiso maxaad iga qaadi kartaan, waxaan doonaynaa inaanu tango oo weeraro ku qaadno dad gaalo” ayuu yidhi sacad oo xalay soo turjumeen Wargeyska Jamhuuriya.. Oo saaka soo daabacay.

Sida Wargeyska Jamhuuriya Saaka daabacay cadadkiisi 3699, waxaanu sacad sheegtay inay weerari doonaan Gaalada iyo Gaalo-gar-gaarayaas ha.
Ugu danbeytiina waxa uu jeediyey khudbad kooban oo Af-ingiriisiya.
Sheegashadani waa markii ugu horeysay ee xogi ka soo baxdo sadexdii qarax ee maalinimadii Arbacada ahayd ka dhacay gudaha Somaliland oo sababay dhimasho iyo dhaawac laxaad leh, waxaana ku dhintay dad gaadhayaa 25- qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan afartameeya qof.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: