14 September, 2008

KHAA’INKA, MUNAAFAQA IYO TUUGU MAXAY WADAAGAAN?

Tuug garannay oo waa nin xaday qof aan ogeen. Tuugu waxuu eegtaa meel dagan, dayacsan. Waxuu ka sii sahamiyaa sidii aan loo qabteen. Wuu baqaa oo kelyo ma laha ayey Soomalaidu tidhahdaa. Haddaba sifooyinkaas badankooda wey la wadaagaan khaa’inka iyo munaafaqu, wey se ka sii durugsan yihiin oo ka xumaan badan yihiin. Raad xumana wey leeyihiin aafo ku noqota bulsho weynta, kolka tuug ku kooban yshay dhibtiis cidda uu dhacay uun.
Axmed Carwo

Munaaqa oo sifo sharci ah leh haynoo dambeeyee waa kuma khaa’inku?. Khiyaamadu waa seddex ceebood oo iskaashaday. Qofka khaa'inka ihi waa beenaale, waana tuug, waana fulay. Waa fulay oo markuu wax falaayo wuu is qariyaa, cidda uu xumaynaayana wuu gaadaa oo isagoon is ogayn ayuu dhibta u geestaa. Waa tuug oo waxuu dhacaa maal amba sharafta qofka uu xumaynaayo. Waa beenaale oo cidda uu xumaynaayo waxuu u sheegaa been subkan. Waa munaafaq kolkaad si walba u eegto. Waxuu is moodayaa inaan la arkayn, oo waxuu iloobaa In ILAAHAY arkaayo, xisaabin u dambeyso. Qofka xil lagu aaminay ee xatooyo iyo been caadaystay waa khaa'in.
Qofka urur amba koox cahdi ka dhaxeeyey wacad-furaa waa khaa'in. Waxa khaa'inna ugu xun qofka maalka danyarta laga soo uruuriyey u midig bidixeeya, ka waqtiga uu ummadda u shaqayn lahaa ku lumiya balwad, qooq if iyo aakhiro seeg ah iyo dalxiis doqon ku raaxaysto. Kolkaad qof khaa'in ah khiyaamaynayso xataa waa khi'yaamo, kolkaad ruux daacad ah khiy'aamaynayso, waa dil aad u gaysatay ruux aan dambi lahayn. Kolka uu ku khiyaameeyo ruux kaa fogi, waxbaad ka barataa, kolka saaxiib ku khiyaameeyo, waa murugo, kolka ehel amba ruux aad jeceshay ku khiyaameeyo waa geeri, waana tan Soomalidu ku sheegto …waa maradaa kugu gubatay... Khiyaamo ha nooc badatee, waa kulanka xumanta. Waxay koobtay sifooyinka tuugnimo, been sheeg, iyo fulaynimo. Khiyaamana waxa ugu liita tan inta jilicsan iyo ma-kasta loo geysto.
Waxa halkan khiyaamadu ay si toos ah ugu xidhmaysa munaafaqnimada oo la wadaagta khiyaamada sifooyin badan. Waxaynu xusuusanaa xadiiska sharifka ah ee Rasuulkeenu ku sheegay calamadaha munaafaqa oo kale ah:

1- Hadduu sheekeeyo been ayuu sheegaa
2- Hadduu balan qaado ma oofiyo
3- Haddii la aamino wuu khiyaameeyaa.
Haddadaba kolka cid xil loo dhiibo, ee uu xilkaas dhaar ku guddoomo, bal se ay caado u noqotay inuu dhinac maro si badheedh ah xil gudashadaas, miyeyna toos ugu cadayn munaafaqnimo, ILLAAHAY haynaga hayee, miyaanu ahayn nin khaa’in ah oo weliba aan xusuusnayn haddii uu aadmiga qalday in ILLAAHAY ogyahay, xisaabina sugayso. Miyaanu se ogsoonayn in dadku ogyihiin, kuwa aad u ogina yihiin kuwa ugu dhow ee mun’aafaqnimada beenta iyo ammaanta aan carabkooda dhaafsanayn kaga maydha runta dadweynaha u muuqata.

Miyuu iloobay xikmaddii ahayd dadka qaar marwalba waad qaldi kartaa, qaarna marar ayaad qaldki kartaa, dadkoo dhan se mar walba ma qaldi kartid. Kolba inbaa ceebtaadu u muuqanaysaa, ilaa aad weydo maro ku asturta iyo geed aad ku gabato

Kuwa garta gala ee laba canlayn, iyo suul dhabaale iyo sanqasho labada dhinac ee garta u dhiibtay u kala dab qaada sow iyana sifooyinkan xun qaadanmaayaan. Kuwa dhaqan ka dhigtay adna waad hagaagsantay, adna ma qaldaniyd iyo gar aan xidhigeedu xidhmayn, gogasha oo la badiyo, fadhi shaydaan iyo sooryo quudheed sow iyana mey iibin sharaftooda ifka iyo aakhiraba. Waa haddaynaba ahayn namiimayaal meesha u galay inay dabka sii shidaan oo arrinkooduba yahay isku dirka iyo kala fogaynta labada gartu u taalo. Waxayna noqonays khiyaamooyinka nooca ugu foosha xun. Waa munaafaqnimo, ay waliba weheliso namiiminimo, ILLAAHAY haynaga badbaadiyee. Dadweynow inteed aragtay gar dhammaanweyday, iyo saaxiibo is-jeclaa oo naar la dhex-dhigay, inteed maqashay walaalo la kala dayriyey, imisaad u soo joogtay wiil iyo waalid la kala diray.

Ma ila wadaagtaa in dalkeena manta munaafaqnimadu lahayn ceebtii ay lahaan jirtay, oo looba fasilay reer-magaalnimo, iyo xirfad dadka qaar ku faanaan. Subxaanaalaah! Ma ila aqoonsatay arrintan, markaad aragto rag waaweyn oo si hawl yar isku eedeynaaya muunaafaqad oo qosal raacinaaya. Waxa cad in khiyaamadii iyo munaafaqaddii ceebtii laga maydhay. Inteed maqashay “ Siyaasaddu waa munaafaqnimo”… oo madaxada aynu talada u dhiibanaa waa siyaasiyiinne, ma munaafaqiinbay inaga gayaan. Ummad madaxdeeda sidan ku sifaysa, iyo ummad ceebtii cuslayd ee aadmi lagu odhan lahaa u aragtay xirfad iyo fariidnimo, siday u heli doontaa bulsho cadaalad ku dhaqanta, iyo dawlad sharcigu xakameeyo

Xaasha siyaasaddu ka fog munaafaqad, siyaasaddu waa maamulka dadka, waa dad-wadeen, waa aqoon bulsho, waa surtagelinta ikhtiyaarka ugu habboon ee bulsho ku noolaan karto. Waa danta guud oo loo helo farsamo lagu hanto. Siyaasiintu waxay inaga mudan yihiin ixtiraam iyo maamuus. Iskuma jiraan oo sida xirfadaha kale ayey leeyihiin mid xun oo munaafaqa u dhow, iyo mid san oo ah hoggaanka aynu u baahanay. Kolka madaxda la ixtiraamo, loona garto inta inoogu mudan, ayeynu helaynaa dawlad inoo shaqaysa, een inaga shaqaysan, madax inoo naxda, een inagu kibrin, dawlad sharcigu hago oo uu xakameeyo, een noqon mid afkeedu sharci yahay, dawlad tuuga iyo daalinka inaga qabata, een iyaga u gargaarin.

Waxaas oo dhan waxa lagu helayaa kolka khiyaamada iyo munaafaqada halkay lahaayeen lagu celiyo. Loo arko dambe if iyo aakhiro seeg ah, cidda ku shaqaysataana noqoto tuke baal cad. Ka fagow kuu sheekeeye, kaa sheekeeya. Laba aflaha ka durug, ninka qoriga dabka leh la wareegaaya, ee hadalada xun u kala geynaaya bulshada, si uu ku furfuro midnimadeena oo uu u helo kooxo uu midba meel ku xidho, deedna midba uu maalin ka soo qadhiidho gasiin afka u macaan, uurka se u xun.

Kolkaan kala shakino, kolkaan indho la'aan u dabo galno nin magac reer aan wadaagno, kolkaan nin muumin ah u naco reernimo, kolkaan aakhiradayda siisto dhadhamo maalmeed, kolkaan u hiiliyo xumaanta, kolkaan ku durduriyo danyarta, kolkaan munaafaq, muumin ka doorto, kolkaan nin aan kubkiisa weyso marin wadaad ku sheego, kolkaan riyo sheydaanka rumeysto, kolkaan quraanka aan akhristo qalbiga se aanan u daadajin, kolkaan salaada masaajid aanan ka habsaamin een haddana xumaan iyo faaxisho qasto, kolkaan soonka ku aforo xaaran, carbaku ahaado mid xan iyo ceeb subciya, dhegahuna noqdaan dar ku raaxeesta miisig, been iyo ceeb islaam… miyey tahay inaan doono wanaag iyo bulsho nabad, cadaalad, iyo horumar tiigsanaysaa. Miyey tahay inaan helo hoggaan toosan iyo xukun suuban.

Dadweynow toosi naftaada, taada hagaaji, diid xumaanta, u hiili xaqa, u gargaar daacadda, dayri daalinka, shakiga ka bax, hammigaaga hagaaji, niyadaada maydh, tolkaa u hiili marka laga gardaran yahay, kolka ay gar daran yihiina u hiili oo xaqa ku soo dabaal. Waa sunihii Rasuulka SCW ee ka dhigo cado iyo dhaqan.

Saamaxa iyo dulqaadka aan ogaano mar walba gaar ahaan bishan barakaysan ee Ramadaan.Aan isa saamaxno, aan noqono kuwa la xumeeyo, ee waliba iyagu wanaaga la yimaada. Geesi waxa ah, ninka nin xumeeyey wanaajiya, bal se u sheega xumaantiisa. Nacasnimo waxay tahay ninka maalin walba ag jooga kan xumeeya, een xataa dareensiin xumaanta uu ku hayo. Xusuuso ninka laba jeer meel god laga wada qaniina, inagama tirsana.
Ninkaad shaqo u dhiibtay, la xisaabtan, una dul qaado, qaladkiisa tus, hadduu joogsan waayo, ka tasho. Adiguu kuu shaqeeya, ee sidaad u qortay shaqada uga qaad. Waa tubta lagu helaayo hawlwadeeno hawlkarnimo iyo dacaad leh. Markaad taas yeesho, eed kan maanta aad saxdo, kan soo socdana waa u digniin. Sidaad qorridda u taqaan erigana u baro. Waa mataano aan kala maarmin. Waana dariiqa xaqqa loo maro. Ninka xun ood eridaa waa lagama maarmaan.
Hor iyo horaanba ilaasho shaqada iyo cidaad hawsha u dhiibatay.
Waa talo guud, ninna gaar diiradda ugama hayo, waa qalad meelo badan yaala. Ciddii iska dhex aragtaa, yeyna ii qaadan nin keli ula baxay. Ee waa iga waano dhammaan inagu socota. Ogow qalad iyo dambi aadmibaynu u nahay, oo ma jiro qof ka maydhani, ee aan isa saxno, oon toobad keeno. Nolashuna sideedaba waa geedi ee aan u sahay qaadano lama huraanka. Dambi inoo daa’ ee waxa leys dheeryahay waa toobadda iyo dareenka ka soo noqaoshada. ILLAAHAY TOOBADDA HAYNA WAAFAJIYO. AAMIIN.

Wa Ramadaaan Kariim

Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
Samotalis@gmail.com


http://samotalis.blogspot.com/


samotalis

No comments: