Denver(HR Media):- Magaalada ee Denver ee gobalka Colorado ee dalka Maraykanka ayaa waxaa xalay ka furmay shirweynihii xisbiga Dimuquraadiga oo lagu caleemo saarayo Barack Obama inuu si rasmi ah u noqdo Hogaamiyahaasi ninka xisbigaasi uga qeyb geli doono Doorashooyinka Madaxweynaha Maraykanka ee bisha November 2008.
Waxaa shirweynihii xalay ka hadlay mas'uuliyiin sar sare oo kamid ah Xisbiga Dimuquraadiga oo uu kamid ahaa Guddoomiyaha Xisbigaasi Mr.Howard Dean, Waxaa sidoo kale ka hadlay goobtaasi Xaaska Musharaxa Obama haweenayda Michelle Obama oo ayadu khudbad ay halkaasi kasoo jeedisay uga hadashay Ninkeeda Barack Obama iyo sida uu ugu qalmo inuu hogaanka u qabto dalkaasi Maraykanka.
Waxaa goobtaasi ka hadlay madax sare oo xisbiga Kamid ah oo ay kamid tahay Afhayeenka Golaha Congresska ee dalkaasi Maraykanka Mrs.Nancy Polisky oo ayadu si kulul u weerartay Xisbiga Jamhuuriga ah ayadoo sheegtay in Barack Obama uu yahay ninka u qalma Hogaaminta Maraykanka, isla markaana dhaliishay Musharaxa kasoo horjeeda ee John Mccain oo ay ku tilmaamtay nin siyaasadiisa ay tahay mid la mataano ah tan George W Bush oo ay ku tilmaamtay siyaasada lagu fashilay.
Waxaa asaguna halkaasi ka hadlay Ted Kennedy oo kamid ah Senatorada iyo odayaasha ugu caansan siyaasiyiinta hogaanka u hayey Xisbiga Dimuquraadiga, Mr.Kennedy ayaa in muddo ah xanuunsanaa kuna dhacay cudurka Kanserka, balse Ted Kennedy ayaa xalay awood u yeeshay inuu soo istaago madasha Shirweynaha Dimuquraadiga si uu ugu booriyo shacabka Maraykanka in ay taageeraan Barack Obama.
Wuxuu sheegay Ted Kennedy in ay tahay maalin taariikhi ah oo uu ku faraxsan yahay inuu ka qeyb qaato, asagoo sheegay in dalka Maraykanka uu maanta heysto RAJO ay wax uga bedalaan hogaanka dalkooda, asagoo ku tilmaamay Barack Obama ninka hogaanka u ah Jiilka cusub ee Maraykanka.
Shirweynahan ayaa socon doona muddo sadex maalmood ah ayadoo Caawa lagu wado in ay halkaasi ka khudbeeyaan xubno ay kamid tahay Hillary Clinton oo ayadu ahayd Musharaxii kula tartamay Barack Obama hogaaminta xisbiga Dimuquraadiga ee Doorashooyinka Soo socda, ayadoo si weyn loo sugayo khudbadeeda iyo sida ay u taageerto ninkii ay horey ulla loolami jirtay ee Barack Obama.
Waxaa maalinimada Arbaca la filayaa in ay halkaasi ka khudbeeyaan Madaxweynihii hore Bill Clinton iyo waliba Senator Joe Bidden oo ah ninka u sharaxan Madaxweyne kuxigeen inuu u noqdo Barack Obama.
Maalinimada Khamiista ayaa lagu wadaa in shirweynaha lagu soo khatimi caleemo saarka Barack Obama oo ka dhici doona Staduim weyn oo ku yaal magaalada Denver halkaasi oo si rasmi ah loogu sharxi doono Barack Obama Doorashada dhici doonta bisha November ee sanadkan 2008.
No comments:
Post a Comment