13 August, 2008

Nin qaba 86 Xaas oo u digaya ragga kaleee adduunka.

84 jir u dhashay dalka Nigeria, oo lagu magacaabo Maxamed Bello Abubakar, ayaa ku waaniyay ragga kale ee adduunka inaysan isaga ku dayan oo aysan guursan 86 xaas.

Ninkaasi oo horey u ahaa macalin iyo wadaad muslim ah oo dadka wacdiya, kaasi oo ku nool gobolka Niger isaga iyo xaasaskiisa iyo 170 caruur ah oo uu dhalay, ayaa shaaca ka qaaday inuu awood u lee yahay inuu la socdo xaaladda xaasaskiisa, sababtuna ay tahay isaga oo caawimad ka helaya Allah.

"ninkii haddii u guursado 10 xaas, wuu bur burayaa wuuna dhimanayaa, laakiin awoodeeda gaar ahaaneed ee alle uu isiiyay ayaan ku awooday inan maamulo dhammaan 86-da xaas"ayuu Maxamed u sheegay BBC World Service.

Waxa uu sheegay in xaasaskiisa ay soo raadsadeen sababtuna ay tahay sumcadda uu lee yahay.

"aniga man raadin, iyaga ayaa ii yimid, anigana waan guursaday dhammantood" ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hase yeeshee talabooyinkiisa, ayaa waxaa aad u dhaleeceeyay mas'uuliyiinta islaamiga ah ee Nigeria, oo ku asteeyay nin dambiile ah.

Iyaga oo cuskanaya shareecada islaamka ayay ku doodeen inuusan xaq u lahayn inuu guursado wax ka badan afar xaas.

Inta badan xaasaskiisa, waxay da'diisa ka yar yihiin afar jibaar-in badan oo ka mid ah xaasaskiisana waxa ayba kasii yar yihiin caruurtiisa.

Xaasaskiisa oo iyagana la halday BBC World Service, ayaa ku yiri inay la kulmaan Mr. Abubakar, marka ay doonaan, si uu uga caawiyo cudurada qaar, oo isag uu daweeyo.

"markasta oo aan isaga la kulmo madax xanuunka horey ayuu iga daayaa" waxaa sidaasi laga soo xigtay Sharifat Bello Abubakar, oo ahayd naagtii 25-aad ee Mr. Abubakar u guursado, xilligaasi oo u ahaa 74 jir.

Ganiat Maxamed Bello, ayaa sheegtay iyana inay guursatay nin muddo 20 sano ah loogu yeerayay "Baba"

Iyada oo dhiganeysa iskuulka sare, ayaa hooyadeed waxa ay u waday Mr. Abubakar, si ay wada tashi caafimaad ula sameyso, kadibna wada xaajood dhacay ayaa guurkeeda lagu dhameeyay.

Waxa ay tiri inay horey usoo guursatay nin kale, laakiin markii uu soo furay kadib ay guursaty Mr. Abubakar.

"iminka waxan ahay haweeneyda ugu farxadda badan adduunka, waana qanacsanahay, marka aad guursato nin 86 xaas leh, waad ogtahay inuu garanayo sida looga taxadarro"ayay tiri Ms. Ganiat Maxamed Bello.

Shaqo la'aan

Mr. Abubakar iyo xaasaskiisaba ma shaqeeyaan, mana jirto qaninimo ka muuqato oo u ku taageeero qoyskiisa tirada badan.

Waxa uu diiday inuu shaaca ka qaado, sida u ku sameeyo lacag ku filan cunada iyo marashada reerkiisa.

Rashinka ay adeegsadaaan qoyska Mr. Maxamed Bello Abubakar, ayaa waxaa maalinka ku baxa lacag lagu sheegay $915 Dollar, waxaana uu sheegay in ay tahay caawimad xag alle kaga timaada.

Dad kale ee ku nool xaafdda Bidda, oo ah halka uu kaga nool yahay gobolka waqooyi ee Niger, ayaa sheegay inaysan garaneyn sida uu qoyskiisa ku taageero ama uu u biilo.

Sida ay ku warantay mid ka mid ah xaasaskiisa, Mr. Abubakar, ayaa mararka qaar caruurtisa weydiista inay baxaan oo ay dawarsi aadaan si midkiiba uu u keeno lacag dhan 200 oo Naira una dhiganta ($1.96), taasi oo haddii la isku daro noqon karta $290 maalinkii.

Qaar ka mid ah xaasaskiisa, ayaa waxa ay ku nool yihiin magaalada Lagos ee ganacsiga ku caanka ah.

Sida warbixinta ay leedahay uma ogola xaasaskiisa iyo caruurtiisa iyo qof kasta oo ku dhow inay qaataan dawooyinka, isaga oo aaminsan dawo dhireedka.

"hadaad halkan fariisato adiga oo qaba xanuun, waxaan awoodaa inaan kaa saaro" ayuu u sheegay weriye ka tirsan BBC oo sheekadan kasoo qoray.

Laakiin sidaa oo ay tahayna awood uma lahan inuu daweeyo cid kasta, islamarkaana Hafsat Bello Maxamed, oo ka mid ah xaasaskiisa ayaa shaaca ka qaaday in laba ka mid ah caruurteeda ay xanuuno u dhinteen.

Si Kastaba Mr. Abubakar ayaa wareysigii uu siiyay BBC World Service kusoo geba gebeeyay, isaga oo raga kale uga digaya inaysan qaadin talaabadiisa oo aysan guursan 86 xaas.

W/Q: Axmed Cali Sheekh
alaxmed@hotmail.com

No comments: