Bosaso(HR Media):- Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Gen.Cadde Musse ayaa shaaca ka qaaday in heer gabo gabo ah marayo Heshiiskii ay Shirkada Jabel Ali kula wareegi lahayd Dekkada ugu weyn ee Puntland ee magaalada Bosaaso.
Madaxweyne Cadde Musse ayaa shaaca ka qaaday in dekkada lagu wareejiyey Shirkad Carbeed oo maalgelisa hawshiina ay hada socoto oo ay mareyso heer gebo gebo ah oo lagu jiro Sharcigii lagu wareejin lahaa.
Shirkada Jabel Ali
Shirkada Jabel Ali ayaa ah shirkada ugu weyn ee maamusha Dekkada Caalamiga ah ee Dubai iyo waliba dhawaan la wareegtay dekkada Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti iyo dekkado kale oo qaarkood ku yaal dalka Maraykanka.
Madaxweyne Cadde Musse ayaa sheegay in muddo Afar sano ah ay shaqadaa wadeen asagoo sheegay in ay hada ku guuleysteen in shirkadan maal geliso Dekkada weyn ee Bosaaso, isla markaana gebi ahaanba la wareegto maamulida dekkada Caalamiga ah ee Bosaso.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in hawshan uu hada u joogo magaalada Bosaso, xili ay dhawaan magaalada soo gaareen wafuud balaaran oo ka socda Emaaraadka iyo dalka Cumaan oo u yimid Puntland arrimo la xariira maalgashiga Puntland iyo dhinaca Maxjarka xoolaha.
Jabel Ali ayaa la wareegi doonta maareynta hawlaha dekkada Bosaaso, halka maamulka Puntland uu yeelan doono shaqaalaha dekkada, ayadoo uu Madaxweyne Cadde sheegay in arrintan ay dhaqaalaha Puntland wax weyn ka bedali doonto isla markaana sare u qaadi doonto dayactirka iyo balaarinta dekkada.
Madaxweyne Cadde Musse oo ka hadlay maamulka Puntland iyo hawlaha mashaariicda waaweyn ayaa sheegay in Puntland dani ugu jirto mashaariicda waaweyn in shirkado caalami ah lagu wareejiyo oo kasoo bixi kara, halkii ay gacanta ku hayn lahayd maamulka Puntland oo aan kasoo bixi karin shaqooyinka qaarkooda sida uu sheegay Madaxweyne Cadde.
Airporada Bosaso iyo Garowe

Madaxweyne Cadde Musse ayaa ka dhawaajiyey in Labo Airpor oo Puntland kamid ahna lagu wareejin doono shirkadan in ay maamusho. Balse aan sheegin labadaasi Garoon ee diyaaradood, waxaana hada labada Airpor ee dhismaha ku socdaan ay yihiin Airporka Bosaso iyo kan caasimada Puntland ee Garowe. Wuxuu sheegay Madaxweynaha sidoo kale ay jiraan heshiisyo Dekkado kale oo uu ka gaabsaday inuu sheego halka laga dhisi doono.
Waa markii ugu horeysay oo shirkada Jabel Ali ay maalgashi ku sameyso dalka Soomaaliya hadii uu heshiiskan hirgalo, ayadoo warar hoose oo soogaaray Horseed Media ay sheegayaan in sidoo kale Airporka Caalamiga ah ee Bosaso la filayo in lagu wareejiyo Shirkada Emaaraadka laga leeyahay si ay udhameystiraan hawlaha Airporka iyo maareyntiisa.

Shirkada Jabel Ali ayaa hada mashaariic waaweyn ka wada Dubai Emaaraadka Carabta oo ay ka dhiseen Jasiirad gacanta lagu sameeyey oo loogu talo galay in laga gado dadka adduunka ugu dhaqaalaha badan Jasiiradaasi oo loo yaqaan Palm Island.
Shirkada Jabel Ali oo la shaqeenaysa shirkada Bin Ladin ayaa lagu wadaa in dhawaan ay isku xiraan Dalalka Jabuuti iyo Yemen, isla markaana ka dhawaajiyey dhisida Buundo weyn oo isku xiri doonta xeebaha Jabuuti iyo Yemen, arrintan oo caalamka ay il gaar ah ku hayaan in ay hirgasho. Shirkada Bin LAdin ayaa kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee dhismaha ee gaar ahaan dalalka Carabta ka shaqeeya.
Madaxweyne Cadde Musse ayaa horey ugu dhaliilay maamulka Puntland musuq masuq iyo in hawlaha sidii la rabay aysan uga soo bixin, asagoo sheegay in Hay'adaha dakhliga dhaliya ku haboontahay in loo dhiibo shirkado wax kasoo saari kara oo dhaqaale iyo cilmi ulleh.
Madaxweyne Cadde Musse ayaa horey heshiis ulla galay shirkado Caalami ah oo baaritaano Shidaal Puntland ka bilaabay, ayadoo arrimahan ay sare u qaadi karaan dhaqaalaha Mustaqbalka Puntland hadii ay hirgalaan, oo ay miro dhalaan.
Maxjarka Puntland
Waxaana la sheegay in sidoo kale Maxjarka xoolaha laga dhoofiyo uu noqon karo mid sare u qaada dakhliga dalka ayadoo dhawaan lagu wado in la furo Maxjarkaasi oo ah mid aad u balaaran oo markiiba lagu xareyn doono xoolo kumanaan kun ah. Arrintan ayaa dib u furi doonta dhoofintii xoolaha Soomaaliya ee laga mamnuucay dalal badan oo carab ah.
Maxjarka Puntland ee ku yaal Bosaso ayaa ah kan hada ugu weyn ee Geeska Afrika oo xoolaha laga dhoofiyo waxaana dhismihiisa iska kaashaday Emaarada Raysul Khayma iyo Shirkada Ali Jabiri oo ah Ganacsade reer Sucuudi ah.
Amniga Puntland
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay hada wadaan olole balaaran oo ay wax uga qabanayaan arrimaha Amniga, asagoo sheegay in musharadii lasiiyo ciidamada hadana wax la bixiyey, isla markaana hada wax badan amniga laga qabtay.
Madaxweyne Cadde Musse ayaa sheegay in uu soo fuulay Puntland culeys weyn oo ah dhinaca Soomaaliya oo qaxooti badan kaga yimaadeen dhinaca Koonfureed iyo waliba Gobalada kamid ah dalka itoobiya ayadoo maalin walba ay yimaadaan Puntland boqolaal Qaxooti ah arrintaasina ay dhib ku keentay amniga.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dagaalka ay kula jiraan arrimaha Burcad badeeda asagoo uu Gen.Cadde Musse sheegay in dhinaca beriga kala dagaalameen balse aysan dhinaca Badweynta aysan wax badan ka qaban karin. Sidoo kale ay dagaal kula jiraan kooxaha burcada ah ee beriga ku sugan ee wax afduuba.
Horseed Media
No comments:
Post a Comment