Horseed Media:- Kadib wada hadal dheer waxa uu ogolaadey Madaxweynaha Wadanka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa ogolaadey in ninka ay sida ba'an isaga soo horjeedeen ee Morgan Tsvangirai uu noqdo Raysal wasaaraha wadanka, laakiin awooda uu yeelanayo raysalwasaaraha lagu wado in lasiiyo Morgan Tsvangirai ayaan weli cadeyn taas oo ah mid weli laga wada hadlaayo, sida uu sheegay nin u hadley Zanu-PF oo ah xisbiga uu hogaamiyo Robert Mugabe.
Ninka u hadley Xisbiga Zanu-PF, ayaa sheegay in heshiiskan dhawaan qalinka lagu duugi doono marka ay kulmaan Mugabe iyo Mucaaradku.
Dawlad Wadaag ah
Sidoo kale Mugabe ayaa doonaya in xukuumadan ay noqoto mid xafiiska ku sugnaata muddo shan sano ah, arintan ayaa timi kadib markii uu soo gaarey Zimbabwe Madaxweynaha Dalka Konfur Africa Thambo Imbeki oo ka danbeeyay heshiiskan guusha ku dhaw.
Madaxweyne Robert Mugabe, Hogaamiyaha MDC Morgan Tsvangirai iyo Arthur Mutambara oo hogaamiya koox ka go'day xisbiga Mucaaradka ayaa labadii asbuuc ee la soo dhaafey wada hadal saxaafada laga fogeeyay uu u socdey, kadib markii doorashadii u danbeysey ay noqotey mid caalamku aad u canbaareeyo kadib markii uu noqdey Robert Mugabe musharaxa keliya ee u tartamaaya Xilka Madaxweynaha.
Xaalada Zimbabwe waa xuntahay
Muddo dheer wadanka Zimbabwe waxaa la soo gudboonaadey xaalad aad u qalafsan, dhaqaalo xumada ayaa gaartey heerkii u xumaa, dad badana wadanka waa isaga baxeen, wada hadalkan ayaa dhici karta in isbedel laga dareemo.
No comments:
Post a Comment