Olompic Saamiya Yuusuf Cumar ayaa berito Salaada Subax saacada geeska afrikada Bari u u ordi doonta ciyaaraha Olompikada Aduunka dalkeeda Soomaaliya Iyadoo uu si habsami leh uga socdo magaalada Beigin ee dalka Shiinaha tartanka Olombikada Adduunka, ayna ku tartamayaan ciyaartoy kala duwan oo ka kala socota caalamka intiisa kale isla markaasna ay ka mid tahay Soomaaliya oo tartankaasi qeybna ay ka tahay, kuwaasoo haatan isu diyaarinaya inay guulo wax ku ool ah ka soo hooyaan tartamada orodada ah oo dhici doona 19-ka ilaa 20-ka bishan, kuwaasoo ah orodada 200M iyo 5000M.
Tartamadan ayaa waxaa u ordaya gabadha da'da yar ee lagu magacaabo Saamiya Yuusuf Cumar iyo wiilka aan ka dhicin ee lagu kala magacaabo C/Naasir Siciid Ibraahim oo ordaya 5000Mt iyo Saamiya Yuusuf Cumar iyana ordeysa 200Mt ayaa waxaa rajo weyn ka muujiyay mas'uuliyiinta hoggaamineysay ciyaaryahanada ee Xiriirka Soomaaliyeed ciyaaraha fudud.
K/Simaha Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha fudud Khadiija Aadan Daahir oo ku sugan magaalada Beijing ee dalka Shiinaha kana mid ah wafdiga hor kacaya ciyaartoydaas oo khadka Isgaarsiinta shir jaraa'id ugu qabatay Saxaafadda waxay sheegtay inay rajo wanaagsan ka qabaan tartanka ciyaartoyda Soomaaliya guulo wax ku ool ka soo hoyn doonaan.
'Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa inaan guulo ka soo hoyno tartamada Orodada ee ciyaartoydeena marka la gaaro xilli ciyaareedkooda oo ku beegan 19 iyo 20-ka bishan' ayay tiri Khadiijo Aadan Daahir oo sheegtay in berrito xilliga Muqdisho marka ay tahay 5:00 subaxnimo ay ordeyso Saamiya Yuusuf, halka wiilkana uu isna ordayo, iyadoo maalinta xigtana uu ordayo ciyaaryahan C/Naasir Siciid saacada Muqdisho markay tahay 7-habeenimo.
'Runtii dalka Shiinaha waxaa nala jooga ciyaaryahano magac weyn ku leh Soomaaliya, waxaana ka mid ah Jaamac Karaciin iyo Cabdi, wayna ka yaabeen qaabka ciyaartoydeena markii arkeen' ayay tiri K/Simaha Guddoomiyaha Xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya Khadiija Aadan Daahir oo dhinaca kale sheegtay in rajada ay ka qabaan tartankaasi ka sokow ay dhiirigelin siiyeen ciyaartooyda Jaamac Karaceyn iyo Cabdi Bile oo ay sheegtay inay habeen iyo maalinba gacanta ku hayaan isla markaasna ay siinayaan tababaro kala duwan labada ciyaartooy ee Soomaaliyeed ee u diyaar garoobaya inay hantaan guusha kama dambeysta ah ee tartanka Olombikada Adduunka.
Khadiija Aadan Daahir waxay intaasi raacisay iyadoo ka hadleysay rajada ay ku qabaan inay ka soo hooyaan tartanka ciyaaraha Olombikada adduunka ayay hoosta ka xariiqday in tababarayaasha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Jaamac Karaceyn iyo Cabdi Bile ay aad ula yaabeen firfircoonida iyo tababarada ay qabaan labadaan ciyaartooy oo magaca Soomaaliyeed iyo calanka Soomaaliyeed ku matalaya ka qeyb galka tartamada Olombikada adduunka ee sanadkan 2008, waxayna sheegtay inay wax weyn ku biirin doonaan.
Saamiya Xuseen Cumar waxay la ordi doontaa oo isku guruub yihiin dalalka kala ah:
Line: 2 2895 OMAR Samia Yusuf Somalia Waxay dhalatay Mar 25 1991 Wali iskoor ma aysan dhigin waa markii ugu horeysay
Line: 3 1104 FERGUSON Sheniqua Bahamas Waxay dhalatay Nov 24 1989 iskoorka ay horey u dhigtay 22.85 22.85
Line: 4 1294 POWER Adrienne Canada Waxay dhalatay Dec 11 1981 22.86 22.86
Line: 5 2747 RUSAKOVA Natalia Fed.Russian Waxay dhalatay Dec 12 1979 22.53 23.13
Line: 6 2133 CAMPBELL-BROWN Veronica Jamaica Waxay dhalatay May 15 1982 21.94 21.94
Line: 7 2743 LE ROUX Isabel South Africa Waxay dhalatay Jan 23 1987 Waxay dhalatay 22.69 22.69
Line: 8 2464 CAMARA Kadiatou Mali Waxay dhalatay May 04 1981 Waxay dhalatay 22.70 22.70
Line: 9 2069 CALI' Vincenza Italy Waxay dhalatay Oct 15 1983 Waxay dhalatay 23.10 23.10
Gabadha Soomaaliyeed waxaan urajaynaynaa inay guul taariikhi ah ka keento ciyaaraha Olompikada Aduunka.

No comments:
Post a Comment