25 August, 2008

Dib U Dhac Ku Yimid Tartankii Doorashada Musharxiinta Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka Ee Kulmiye

Shirkii KULMIYE ee Golaha Dhaxe ku soo dooranayeen musharixiinta Xisbiga ee jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ayaa hakad galay, ka dib markii qaarkamida taageerayaasha Cabdiraxman Aw-Ali iyo Cadami dalbadeen in qaabkii Xisbiga doorashada ku qaban jiray wax laga badalo. Isla markaana codsaday in doorashada loo qabto waji labaad hadii Musharaxiinta ku guulaystaa marka hore ay helaan wax ka yar 50%.

Fikradan oo ay wateen qaar kamida taageerayaasha Cabdiraxman Aw-Cali iyo Cadami ayaa sii xoogaysatay ka dib markii ay soo if baxday saadaashii ugu horeysay taa soo Musharaxa Saylici isagu ku daadihniayo tirada codka, balse la filayo in aanu haysan cod aqlabiyad ah oo 50% kor u dhaafaya.

Wada xaajood xalay magaalada Burco ku yeesheen taageerayaasha labada musharax ee Abdiraxman Aw-Cali iyo Cadami. Ayay isku af garteen in codsi hor dhigaan shirgudoonka wax laga badalo qaabka doorashada u dhacayso, oo loo sameeyo qaab labo wajiyadood leh. Si musharaxa labadooda codka sare hela ka kale taageerayaashiisu taageeraan wajiga labaad.

Haseyeeshiee fikradan marki lasoo hordhigay golaha, ayaa sida la sheegayo Shir Gudoonku ku gacan saydhay in wax ka badal lagu sameeyo qaabkii ama nidaamkii Xisbigu wax ku dooran jiray. Majiraan wax wara oo ilaa iminka kasoo baxay shirgudoonka. Waxayse u badan tahay in shirkan maanta loo hakiyay si wada xaajood is qancin ihi uga timaado arintan.

Xisbiga Kulmiye ayaa isagu qaabkii uu hore wax ugu dooran jiray hadii ay noqoto dooraashadii ay kuu soo doorteen Hogaanka Xisbiga iyo tii mushariixntii doorashadii hore ahayd mid ku salaysan in musharaxa codka ugu sareeya helaa noqdo ka markaa guulaytsa doorashada.

Somaliland.Org News Desk


No comments: